Kadib inqilaabkii fashilmay eek a dhacay Turkiga bishii Juulay ayaa waxa raad goobayaan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Recept Dayib Erdogan Sheekh baxsadka ku jooga Maraykanka oo ay ku eedeeyeen in uu ka dambeeyey inqilaab kaas.
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa maanta waxay baahisay in dawladd Turkigu codsi rasmi ah u gudbisay dawladda Mareykanka si loo soo xidho wadaadkaasi ama loo soo gacan geliyo.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa si soo noqnoqsho leh ugu eedeeyey Fethullah Gulen in uu ka dambeeyey isku dayga afgambi oo 270 qof ay ku dhinteen.
Warbixinada Turkish-ka ayaa sheegay in codsigan oo qoraal ah lagu sheegay in Gulen uu bixiyey amarka afgambiga, islamarkaana uu hagay.
Saraakiisha dlaka Turkiga ayaa muddo waxa ay si aan rasmi ahayn u dalbanayeen in Gulen oo ku sugan gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka loo soo gacan galiyo, balse arrintaas waxa in badan iska dhaga marisay dawladda Maraykanka.
75 jirkaas ayaa halkaas ku nool tan iyo sannaddii 1999-kii. Fethullah Gulen waa uu beeniyey in uu wax lug ah ku lahaa isku dayga afgambi.
Saraakiisha dawladda Maraykanka ayaa sheegay in haddii ay noqoto in la mastaafuriyo Gulen loo baahnaan doono in ay ansixiso maxkamad Maraykan ah.
Xukuumadda Erdogan ayaa waxa cagta la martay cid kasta oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen inqilaabkaas.