Qof Koobsaday Inta Badan Wanaagii Qof Lagu Amaani Lahaa: W/Q:(Cabdillaahi Xaaji Saiciid)

‘‘Geerida Cabdey sheegayaan gacal ha waayaane’’

Erayada ayaa u muuqda kuwo aan ku filnayn in lagu muujiyo murugada iyo xajmiga tiiraanyada taabtay Allaha u naxariistee Cabdiraxman qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan intii taqaanay. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa shakhsi leh naxariis, karti iyo hufnaan aan caadi ahayn. Joogistiisu waxay ahayd hibo xagga Eebbe ka timid, wuxuu ahaa shakhsi koobsaday sifooyinka mudan in qof lagu bogaadiyo. Aqoonta aan u leeyahay Cabdiraxmaan waxay bilaabantay dabayaaqadii 1999-kii markaasoo aan gurigooda ku booqday si aan uga soo qaado buug walaalkay Qaasim oo ay saaxiib ahaayeen kagatagay guriga Abdirahman intuuna dhoofin. Xidhiidhkayagu waxa uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan sannadkii 2013, markaas oo aan Norway Jaamacad kaga jiray isna uu Jaamacad kaga jiray Kampala. Waxaan inta badan is dhaafsan jirnay buugaag iyo maqaallo, gaar ahaan kuwa la xiriira Cilmi-baarista Soomaalida. Isbahaysigan indheer-garadka ahi waxa uu daliil u ahaa deeqsinimadiisa iyo jacaylka uu u qabo aqoonta.
Cabdiraxmaan saaxiib kaliya ma ahayn; wuxuu saaxiib dhow la ahaa afar wiil oo Ilma Xaaji Siciid ah oo aan anigu ugu yaraa. Tani waxay ka tarjumaysaa naxariistiisa, dun wanaagiisa, is-hoosaysiintiisa, iyo jacaylka uu dadka u qabey. Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan wadaagnay fariimo aan lasoo koobi karin, oo inta badan diirada saarayay akhriska iyo qoraalka. Cabdiraxmaan sida uu u jeclaa aqoonta iyo sida uu ugu heelanaa in uu bulshada la wadaago fikradaha waxtarka leh ayaa runtii ahaa mid dhiirigelin leh. Waxa uu ahaa mufakir fur-furan iyo hal-abuure dedaalkiisu joogta yahay. Linkiyada hoos ku tolan waa tusmadii Waasuge oo uu Abdirahman curiyay iyo Tusmadii Warmahaye oo aan anigu qoray, anoo ka falcelinaaya Tusmadii Waasuge ee Abdirahman. Labada sheekaba waxay ku soo baxeen mareegta Wardheer horaantii 2019.

Tusmadii Waasuge: Sheeko Gaaban

Tusmadii Warmahaye: Sheeko Gaaban

Waxa sidoo kale sharaf ii ah, in aan ka mid noqdo tafatirayaasha buuggiisa cajiibka ah ee Dan iyo Dareen. Waxaan xusuustaa xamaasadii iimayladiisa ku jirtay markii aan isweydaarsanay fikrado aan ku turxaan bixinaynay qoraalka buuga. Qoraalkiisu ma ahayn uun mid ka tarjumaya fikirradiisa, balse waxa uu ahaa durdur iyo wabi ay ka buuxdo xikmad, naxariis, iyo faham qotodheer oo ku saabsan xaaladda horumarineed ee bulshadeenna. Wax-is-weydarsigayagii ku saabsanaa qoraalka waxaa mar walba ka buuxdey farxad iyo ixtiraam.
Qaar ka mid ah iimaylada xusuusta leh ee aan si dhaafsanaya ayaa iftiiminaya is-hoosaysiintiisa iyo mahadnaqa uu u hayo iskaashiga:

Date: 08.09. 2019
Abdirahman,
Salaam kadib, lifaaqa ku lingixan fariintan, waxaan kugula-wadaagayaa 50kii baal ee u horeeyay ee aan akhriyay, oo aan felcilna kusoo sameeyay. Ilaa hadda inta aan akhriyay, si guud waxaan ugu riyaaqay murtida iyo xikmada dhiganahu xambaarsan yahay. Si gaar ah, waxa aan aad uga mabsuuday farshaxanka iyo hal-abuurka aad isticmaashay. Waa dhigane, sida laastiiga u laablaabmi kara oo meela badan taabanaya (flexible wisdom). Inta adigu aad noo soo gudbisay, waxa ku dhawaan karta inta akhristuhu ka tafsiirsan karo. Mahadsanid.Wixi talo ah waxaan kuugu reebay qaybta faallada ee Wordka.
Tu san,
Abdilaahi
Date : 08.09.2019
Mahadsandi Abdillahi. Waa sidii aan filayay. Meelo badan waad iga fikirsiisay inaan dib ugu noqdo ayaana lama hurraan noqotay. Meelo dhawr ah, wax indhahaygu qaban waayeen ayaad qabatay. Guud ahaan aad buu ii anfacay. Qaybaha danbe ayaan kaa sugi, hadba sida waqtigu kuugu saamaxo.
Mahad badan,
Abdirahman

Date: 22.09.2019
Abdirahaman,
Marka hore waxaan kaa raali galinayaa daahitaanka aan la daahay qoraalka, mashquulkoo igu badnaa awgii. Wixii faalo ah, qaybta faalada ayaan kuugu reebay. Waxaan se jecelahay, in mar aan si guud uga wada-sheekaysano wixii talo ah ee an halkan ku ilduufay.
Mahadsanid.
Tu san,
Abdilaahi

Date : 22.09.2019
Aad baad u mahadsan tahay Abdillahi. Xalay ayaan ka shaqeeyey, ka dibna waxaan u gudbiyey nin kale oo asxaabta ah oo dib u eegistii u danbaysay ku samaynaya. In kasta oo qoraalku sida xabaasha ama iilka oo kale yahay. Waad aragtay iilka ilaa maydka la dhigo, gacanta laga ma qaado. Qoraalkuna waa sidaa oo ilaa madbacad aad u dirto, kolba meel uun baad isha ku dhufan oo aad beddeli. Waa si fiican walaal, diyaar aan mar ka sheekaysano buugga. Weekend kan marti ayaa ii joogtee, ama wiiga dhexdiisa ayaynu ka dhigan, ama weekend ka danbe.
Mahad badan,
Abdirahman
Afkaar isweydaarsigan wuxuu tusaale u yahay qaddarintiisa dhabta ah ee iskaashiga iyo u heellanaanta xirfadiisa. Buuggiisu waxa uu weli ka marag kacayaa kartidiisa iyo sida ay uga go’nayd in uu bulshadiisa ku soo kordhiyo wax badan oo waxtar leh . Xidhiidhkayagu wuxuu ku socday habab kala duwan oo ay WhatsApp ka mid tahay. Farriintiisii u dambaysay ee ku sahabsanayd dhanka qoraalka, wuxuu ii soo diray 06.05.2024, waxayna u dhigneyd sidan:
View at Medium.com
Salaam Abdilaahi. Hope all is well. Just sharing a short write up.

Date: 06.05.2024
Hey Abdirahman, nice to hear from you. I hope you are all well.
The piece you shared evoked profound emotions within me. Thank you for providing such a poignant contribution.
Until soon,
Abdilaahi
Gunnaandkii, Eebbe ha u naxariistee, aragtida Cabdiraxmaan had iyo jeer waxay ahayd mid af badan oo sibigtiran. Falcelintiisu waxay ahayd mid wax dhisaysa, dhiirigelintiisuna aan leexleexad lahayn.
Xikmadiisii, naxariistiisi, iyo dhaxalka uu inooga tagey or ay ka mid yihiin labadii buug “ Labo Kala Leexday Iyo Dan Iyo Darren” waxay sii wadi doonaan inay dhiirigeliso in aan qalbiga ku hayno goorwalba walaalkeen. Allaha u naxariisto. Aamiin.

 

Qore :Cabdillaahi Xaaji Saiciid

Bandhige@gmail.com