MADAXWEYNE, II SOO CELI KUTUBTAYDII IYO CODKII”…W/Q:(Kamaal Marjaan)

“Mudane Madaxweyne, ii soo celi kutubtii aan hadyadda kuu siiyey, iyo codkaygii.. ii soo celi damaashaadkii iyo qayladii, ducadii, iyo ilmadii farxadda ee iga baxay Maalintii lagu doortay … ii soo celi waxaygii oo dhan, anna waxa aan kuu ballanqaadayaa in aanan mar dambe ku soo badgelin.

Waa laga yaabaa in hadalkaygu uu maad iyo qosol kula ekaado, ama aad indha adayg iyo kaftan xishood darro ah u aragto, laakiin aniga waa iga run aan ilaaq lahayn ee mudane madaxweyne ii soo celi”

Waa qayb ka mid ah warqad furan oo uu xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Tuuniisiya u diray madaxweynaha dalkiisa.

Xildhibaanka oo hore u taageeray, uguna codeeyey madaxweynaha, ayaa ka cadhooday in madaxweynuhu uu qaadan waayey talooyin badan oo uu siiyey, iyo in uu ka faa’idaysan waayey buuggaag uu qoray oo uu hadyad u siiyey, kuwaas oo uu u arkayey in ay ka anfacayaan maamulwanaagga, haddii uu akhriyo.

Xildhibaanka oo u duurxulaya kelitalisnimada uu madaxweynuhu ku kacay ayaa qoraalkiisa ku bilaabay,

“Ka timi: Xildhibaan Majdigii Rabbigii u baahanaha ahaa ee Cabdalladiif Alcalawi… Ku socota, Mudane Madaxweyne, boqorka boqorrada insiga iyo jinkaba, Qays Saciid.”

Waxa uu sheegay marka qofku gabayadiisa iyo buuggaagtiisa uu hadyad kuu siiyo, in ay ka dhigantahay sida qof qalbigiisii hadyad kuu siiyey.

“Waa ay xanuun badantahay marka aad ogaato qofkii aad u hadyadaysay jacaylkii ruuxdaada, nuxurkii fikirkaaga iyo noloshaadii, in aanu mudnaynba hibadaas, wax xurmo ahna aanu u haynin.”

Waxa uu qoraalkiisa ku soo xidhay, in aanu doonayn in xikmaddii, taladii iyo buugtiisii ay iska yaallaan madaxtooyada, iyada oo aanu ka faa’idaysanayn madaxweynihii uu siiyey, waxa aanu qoraalka ku yidhi,

“Sidaas awgeed, ma doonayo in miiddii maskaxdaydu ay maxbuus ku noqoto qasrigaaga”

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com