KALGACAL WIIL LAGUMA DHALO!…W/Q:( Kamaal Marjaan)

Somaliland ma la aqoonsanayaa?

Somaliland iyo Soomaaliya ma midoobayaan?

Waa laba su’aalood oo kala madaxbannaan, natiijada ka dhalataana aanay aad isugu xidhnayn. Nasiibdarro, dad badan marka aad dooddooda dhegeysato, waxaad arkaysaa in ay iskaga qaldan yihiin. Sida oo kale dadka doodaha soo agaasima qudhoodu waa ay is dhexgeliyaan, taas oo sababta in dooddu ay noqoto ma dhalays.

Waa laga doodi karaa Somaliland ma la aqoonsanayaa, ama aqoonsigeedu muddo intee le’eg ayaa uu qaadan karaa. Laakiin in la aqoonsan waayo, ama aqoonsigu ka raago, laguma go’aamin karo in ay Soomaaliya dib u midoobayso? Dalal badan oo dunida maanta ka jira ayaana tusaale inoogu filan.

Isku qaladka labadan arrimood, waa midka keenay in dad badani hadalladii madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur iyo Madaxweyne Cigaal u soo qaataan xujo ah in midnimadu ay qasab tahay.

Cabdiraxmaan, xilligii Burco lagu go’aaminayey goosashada, aragtidiisa uu dadka u sheegay waxa ay ahayd in aqoonsiga helitaankiisu uu uu waqti aad u dheer qaadan doono, dadkuna ay filashadooda maareeyaan oo ay taas ku talagalaan. Runtii baanay noqotay oo waqtigaa u marag furay.

Cigaalna waxa uu sheegay, boqol sanno kaddibna ha noqoto ee Soomaalidu in mar uun ay isu soo boholyoobi doonto oo dib isugu iman doonto, mana uu caddayn Soomaalida uu ka hadlayaa in ay tahay Soomaaliweyn (Shantii) oo dareenkii qawmiga ahaa ku soo noqdo, iyo in ay tahay Soomaaliya (Soomaaliya iyo Somaliland) oo xiisihii midnimo ku soo laba kacleeyo. Sidaas awgeed labadan hoggaamiye hadalkoodu marag uma noqon karo cidda midnimo difaacaysa.

Waxa kale oo iyaduna aan midnimo keeni karin, in Somaliland la qaybqaybiyo, sida ka muuqata siyaasadda hadda ay ku dhaqmayso dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan labadii madaxweyne ee u dambeeyey, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xaasan Sheekh Maxamuud. Labaduba waxa ay qaateen aaminsanaan ah, Somaliland oo la qaybqaybiyo ama darafyada dab lagaga shido, iyo xidhiidhada dibadda oo laga dabraa, in ay tahay midnimadii oo la soo dhoweeyey.

Waa run in Somaliland ay qarannimada ku raadinayso xuduudkii Ingiriiska, sidaas awgeed Sool iyo Awdal ay muhiimad weyn u leeyihiin aqoonsiga ay doonayso. Laakiin labadaas gobal oo rabshado iyo colaado lagu furo, ama xitaa Somaliland ka go’a, waxaa ka dhalan karaa waa colaado dhiig badani ku daato, nacaybka bulshada Somaliland iyo Soomaaliya oo sii fogaada, iyo suurtagal in aqoonsigii meesha ka baxo, ama sii durko, laakiin weli qasab kama dhigayso midnimo. Waaba haddii aanay sii fogeynin!

Inkasta oo qabiilooyinka Somaliland deggeni badan yihiin, haddana marka dhinaca siyaasad-dhuleedka (Geopolitics) laga eego, waxaa ugu culus saddex ay laba ka mid ahi, isku mid noqonayaan, marka indhaha siyaasad-qabiilka Soomaalida lagu eego.

Waa ay adagtahay in xaaladda Sool oo kale laga wada hirgeliyo gobalka Awdal, sababo ay ugu yartahay qaabka uu gobalku dhisme ahaan uga mid yahay Somaliland, iyo aragtiyaha siyaasiga ah ee ka jira, ama isdhexgalka bulsho. Haddana haddiiba ay suurtagasho in Colaad laga abuuro darafyada, Somaliland maamul ahaan waa ay daciifin kartaa, waxa aanay meesha ka saari kartaa in ay aqoonsi hesho. Laakiin dhinaca kalana waxa ay abuuraysaa midnimo Isaaq, iyo isku tashi ficil ah oo gooni u Joogga deegaannadooda sii xoojiya, iyaga oo weliba si midaysan ugu babac dhigi kara colaad kasta oo deegaannadooda gaarka ah dibadda kaga timaadda. Sidaas awgeed, waa ay ku filantahay, in nidaamka Somaliland uu weli u sii dhisnaado.

Cidina ma diidi karto, marka Somaliland laga hadlayo in isaaqu uu deggen yahay dhul baaxad leh, Istaraatjiyaddiisa dhuleedna ku filantahay in nidaam ahaan ay dhisnaan karaan, iyaga oo ugu yaraan heli kara dhaqaalaha ay kula tacaali karaan sii wadista nidaamkooda dawladeed.

Waa marka aynnaan sheegin, in ay caawimo iyo xulafo dawlado kale ku heli karto, sababta siyaasadaha caalamka iyo gobalka ka socda imika, lana filayo in ay ka sii socdaan tobannaanka sanno ee soo socda.

Sidaas awgeed, dadka qaba in Somaliland oo la aqoonsan waayo lagu helayo midnimo, ama in siyaasadda dab ku shidista ahi walaalnimo dhalayso, waxa ay ka mid yihiin kuwii loogu maahmahay “Kalgacal wiil laguma dhalo”