Taariikh-nololeedka casharrada badani ku duugan yihiin..w/Q:(KamaalMarjaan)

Taariikh-nololeedka casharrada badani ku duugan yihiin ee uu xambaarsanyahay buugga, ‘Danjire Koongo’, waxa uu sawir waafi ah ka bixinayaa noloshii iyo guulihii uu Naftiisa iyo bulshadiisaba u soo hooyey Cabdillaahi Aadan Axmed ‘Koongo’ oo ah shakhsi sooyaal hodan ah ku leh taariikhda waxbarasho, gobannimadoon iyo diblumaasiyadeed ee Jamhuuriyaddii Soomaalida.

Duruufihii adkaa ee ay noloshiisu ku bilaabatay, socdaalkii waxbarasha-doonka ee ku bilowday barashada xirfadda suxufinnimo, sidii yaabka lahayd ee uu madaxweynaha Masar uga codsaday deeqda waxbarasho ee kuliyadda dagaalka, iyo sababihii uu ku doortay milateriga, doorka uu ku lahaa halgankii gobannima doonka, hawlihii israaca Soomaaliya iyo Somaliland, afgembigii Oktoobar 1969, iyo ugu dambayn guulihii waaweynaa ee uu diblumaasiyadda ka soo hooyey.

Inta aad buugga akhriyeyso, qoraa Cumar Cabdi Iidaan, waxa uu ku soo marinayaa geeddi nololeedka dheer ee danjire Koongo, iyo horumarka aqooneed iyo xirfadeed ee uu samaynayey, laga soo bilaabo Dugsigii Sheekh illaa uu darajooyinka ugu sarreeya ka gaadhay diblumaasiyadda Soomaalida iyo Carabta labadaba. Isaga oo uu dalal kala duwan ka noqday safiir, kaalin muuqatana ku yeeshay Injineerinta xidhiidhadii caalamiga ah ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, iyo guud ahaan taariikha dhaqan iyo siyaasadeed ee Somaliland xilligii gumaysiga iyo Jamhuuriyaddii Soomaalida ee israacii kaddib, oo ah maragga dhacdooyin uu badankooda qayb ka ahaa, iyo inta soo hadhay oo uu goobjoog ka ahaa.

Waa casharro qiima badan, koowada xiisaha gaarka ah ii sameeyeyna waxaa ka mid ah, duruusta ku jirta habkii uu u dhacay israacii ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaalidu, iyo sheekooyinka xiisaha badan ee ina tusaya duruufihii ku xeernaa, gaar ahaan waqtigii loo gogol xaadhayey israaca, kaalintii uu ku lahaa afgembigii dhicisoobey ee dhacayl 1961, sannad kaddib israacii, ku biiritaankii Soomaaliya ee ururka Jaamacadda Carabta, arrimahaas oo uu faham qotadheer innaga siinayo.

Marka la soo koobo, waa xog taariikheed muhiim ah oo ay tahay in uu akhriyo, qof kasta oo danaynaya dhaqanka siyaasiga ah ee Soomaalida, iyo sooyaalka Jamhuuriyaddii Soomaalida, si uu u daraaseeyo gobannimadii iyo habdhaqankii gumaystaha, sidii Israacu ku yimi, iyo qaladaadka dhacay oo aan aaminsanahay in ay yihiin xididka ay ku aroorayaan sababihii keenay burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida.

Aad baan u bogaadinayaa walaalkay, saaxiibkay Qoraa Cumar oo dadaal geliyey in uu taariikhdan muhiimka ah inooga dhiteeyo danjire Koongo.

 

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com