Marar badan ayaa la sheegaa…W/Q:( Kamaal Marjaan)

Marar badan ayaa la sheegaa, in bariis caydhin oo lagu dhex ridaa uu yahay habka ugu waxtarka badan ee lagu badbaadin karo talefanka casriga ahi marka uu biyaha ku dhex dhaco. Laakiin shirkadda Apple ayaa sheegtay war aaminsanaantaas burinaya.

Haddii qoyaanku uu gaadho daloolka USP-C (Lightning) ee xadhiga dabka iyo/ama sameecaduhu ay galaan, in talefanku uu kaga jawaabayo digniin degdeg ah oo ah in muddo ku meelgaadh ah aanad gelin karin xadhiga dabka (Charge), ama xadhkaha kale ee sameecadaha iwm. illaa uu qallalo godka gudihiisu.

Shirkadda Apple ayaa war ay ku qortay boggeeda internet ka, waxa ay ka digtay in talefanku marka uu qoyo bariis lagu dhex rido, ama lagu buufiyo buufimada korontada ku shaqayso ee timaha lagu qallajiyo iyo wax la mid ah, si qallajinta loogu soo dedejiyo. Taas beddelkeeda Apple waxa ay ku talisay in talefanka si aan xoog ahayn loo luluo iyada oo daloolka biyuhu galeen hoos xigo, si looga soo hurgufo biyaha gudaha u galay. Sida ugu fiicani waa in talefanka la iska dhigo goob hawo fiican leh, lagana ilaaliyo in dabka la geliyo ilaa ay biyuhu ka qallalaan. Iyada oo intaas ku dartay in inta badan 30 daqiiqo uu talefanku ku qallalo, laakiin ay mararka qaarkood qaadan karto illaa 24 saacadood.

Shirkadda kale ee Samsung ayaa iyaduna ka digtay in talefankeedu marka uu qoyo bariis lagu dhex rido, waxa ay sheegtay haddii talefanku uu yahay nooca aan biyaha u adkaysan, in sida ugu fiicani ay tahay in dhaqso looga saaro kaadhka talefanka (SIM) iyo kaadhka xasuusta (SD), kaddib iyaga lagu qallajiyo buufimo iwm. Halka ay tahay in talefanka la dhigo meel hawo fiican leh, iftiinkuna ku yaryahay, si uu iskii ugu qallalo, weliba waxaa fiican in ay tahay meel qabow.

Samsung waxa ay sheegtay in haddii biyaha gudaha u galay talefanku ay badan yihiin, sida ugu fiicani in ay tahay in loo geeyo farsamayaqaan lagu kalsoonyahay, si uu u furo ugana qallajiyo biyaha.

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com