Macaanka iyo Maskaxda Caruurta..W/Q:( Dr-Abdikarim D Hassanย )

๐‘ด๐’‚๐’„๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ด๐’‚๐’”๐’Œ๐’‚๐’™๐’…๐’‚ ๐‘ช๐’‚๐’“๐’–๐’–๐’“๐’•๐’‚

Macaanka iyo Maskaxda Caruurt

Marka laga hadlayo halisaha mudada dheer qaata ee xanuunka Macaanka, waxa mudo xooga la saari jiray halisaha ka dhasha dhaawaca sonkorta xad dhaafka ahรญ u geysto xididadda yar yar ee xubnaha jidhka ee muhiimka ah waraabiya. Waxa muhiimada la siiyay wadnaha, kelyaha, indhaha iyadoo laga eegayo dhanka waraabka dhiiga ee ay helaan iyo infalamayshanka ka dhex hulaaqaya xubnahaas. Saamaynta sonkorta xad dhaafka ahรญ ku leedahay maskaxda, koritaankeeda, xajmigeeda iyo kobcidda garaadka caruurta Macaanka qaba aad looguma hagar bixin oo looma baadhin wixii ka horeeyay shan iyo toban kii sano ee u danbeeyay.

Tobankii sano ee u danbeeyay waxa soo baxay daraasado wax ku ool ah oo arintan baadhaya; faham fiican ayaana hadda laga haystaa sida sonkortu u saamyso maskaxda. Waxa la xaqiijinayaa in sonkorta xad dhaafka ahรญ saddex dhinac ka wiiqdo koboca garaadka caruurta Macaanka la nool. Ugu horeyn, waxay qaadhisaa labada nooc ee unugyada maskaxdu (Gray matter iyo White matter) ka kala samaysan yihiin. Taasi waxay keentaa in, gaar ahaan, qaybaha maskaxda ee prietal area iyo occipital area ay maskaxda qaybaheeda kale ka yaraadaan. Waxa kale oo la tilmaamaa in maskaxda qaybta ๐‘ฏ๐’Š๐’‘๐’‘๐’๐’„๐’‚๐’Ž๐’‘๐’–๐’” la yidhaa ay yaraato caruurta macaanka nooca koowaad ku dhaco marka la dhinac dhigo caruurta caafimaad qabta. Marka labaad, sonkorta xad dhaafka ahi waxay khafiifisaa maadadda barootiinka ka samaysan ee unugyada maskaxda ku dahaadhan ee la yidhaa myelin sheeth. Dahaadhkaasi waxa uu awood u siiyaa unugyada in ay deg deg u gudbiyaan fariimaha maskaxda, taas oo laga saadaaliyo kartida gorfayneed ee maskaxda. Sadex, Macaanku waxa uu saameeyaa metabilism ka maskaxda sida xadiga dhiiga ay helayso, tayada tamar samaynta, qashin saarka iyo kasoo kabashada qoomaha dahsoon kuwaas oo dhamaan saamayn ku leh shaqadeeda.

Cilmibaadhis is dhinac dhigtay 118 caruur ah oo qaba Macaanka Nooca Koowaad iyo 58 aan macaan qabin iyadoo aadeegsanaysa MRI diffusion tensor imaging ayaa waxay si is daba joog ah u qiyaastay dhumucda iyo dhererka urugyada uu ka samaysan yahay white matter ka maskaxda caruurta. Gunaanadkii, cilmibaadhistu waxay cadaysay in white matter ka caruurta macaanka qabtaa ka dhumuc yar yahay kana gaaban yahay kuwa caafimaad qaba. Sideed iyo toban bilood kadib markii baadhitaankii lagu celiyay, wali kala duwanaanshihii waa jiray, taas oo tilmaamaysa in dib u dhaca unugyada maskaxda caruurta macaanka qabtaa aanu deg deg u soo kaban si uu ula sinmo kuwa caafimaadka qaba. Waxa kale oo la arkay in caruurta kuwii sonkortooda si fiican loo xakameeyay, lagana ilaaliyay kicitaan aad u sareeya oo deg deg ah iyo dhicitaan deg deg ah ay in muctabar ah soo kabteen; taasina waxay xidhiidh toos ah oo togan la leedahay koritaanka garaadka caruurta (IQ performance).

Sidee loo yarayn karaa saamaynta taban ee Macaanku ku leeyahay maskaxda? Gaar ahaan caruurta daโ€™doodu aadka u yar tahay, aanse awoodin inay qaataan fal deg deg ah oo kor u kaca iyo hoos u dhaca sonkorta lagu saxayo. Caruurta daryeelkoodu ku xidhan yahay haleelka, fahamka iyo hawl karnimada qof kale.

 

๐ƒ๐ข๐ข๐ฐ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š- ๐˜๐˜ฆ๐˜ญ ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ญ ๐˜ง๐˜ช๐˜ช๐˜ค๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ช๐˜จ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜”๐˜ข๐˜ค๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฒ๐˜ข๐˜ฃ๐˜ข

Xigasho: Dr-Abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com