Waxa jira wax la yidhaa التَطْبـِيع ama normalisation…W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Waxa jira wax la yidhaa التَطْبـِيع ama normalisation oo ujeedadiisu tahay in laba bulsho oo aano taariikhi ahi dhex taalo, gashi ma guuraan ahna ku kala maqan yahay xidhiidhkooda la caadiyeeyo si ay isu dhex galaan, u wada ganacsadaan, isla markaana ul iyo diirkeed u noqdaan. Dusha marka laga eego waa wax fiican in bulshooyin colaad guun ahi dhextaal la heshiisiiyo oo ay wada noolaadaan waxna wada qabsadaan. Ciddii diidaa waa dib u socod garaadkiisu yar yahay!!!

Laakiin التَطْبـِيع- caadiyayntaasi kuma dhisna in bulshadii gashiggu ka maqnaa loo celiyo, tii wax xoogtayna gashigii ku maqnaa laga soo celiyo, si dulmiga mudada dheer soo jiitamayay meesha looga saaro oo xidhiidh cusub oo sinnaan iyo cadaalad ku dhisan loo unko. Balse waxa uu ku dhisan yahay in taariikhda la dhalan rogo, tafsiir cusub oo been ah loo sameeyo, wacyiga bulshada qaansheegadka ah la bedelo iyadoo marar badan loo tusayo inay iyagu qaldanaaneen oo wixii ku dhacay ay mas’uul ka ahaayeen.

Si التَطْبـِيع- tadbiicu u hir galo waa in bulshada dhibanaha ah la ogolaysiiyo inay iska ilawdo xaqii ma guuraanka ahaa ee ka maqnaa, waliba hanti cusub ay hurto si ay uga badbaado halis hor leh. Waxa duulaan qarsoon oo qorshaysan lagu qaadaaa qiyamkeeda, mabaad’deeda bulsho ee lama taabtaanka u ah iyo xataa caqiideeda si ay u furfuranto, u nasakhanto una fududaato ogolaysiinta han jabka. Shaqada inta badan waxaa hormuud ka ah hogaan la midab iyo muuq ah balse ka maan iyo manfac duwan.

Tusaalaha التَطْبـِيع tadbiica ugu caansan waa ka carabta lagu waday sodonkii sano ee ina dhaafay. Waxa la rabay in ay iska ilaawaan dhulka barakaysan ee xooga lagaga qaaday, oo waliba soo dhaweeyaan, la ganacsadaan, la siraystaan, la rafiiqaan cadawgii dhaxan wareejiyay oo wali cagta hoosteeda ku haya qayb walaalahood ka mid ah. Qorshayaasi qayb ahaan wuu suuro galay, waxaase jira koox yar oo mintid ah oo aan marnaba godobtooda ilaawin. Gobolo badan oo gobolkeenu ka mid yahay ayaa dunida tadbiic noocaas ahi ka socdaa. Suáashuse waa ma guulaysan doonaa, mase la heli doonaa mintid tiro yar oo jiritaankooda ku faro adayga.

 

 

Xigasho:Dr-Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com