Qoondada Dumarka, wax iska weydiin! (WQ: C/raxmaan Hayaan)

Qoondada ama kootada dumarka ee malamahan la hadal hayo, inkasta oo dumarku ujeeddada ay ka leeyihiin tahay uun in bulshadu ku baraarugto, oo layska wada garanayo in aanay wax doorashadan soo socota iyo ta ka danbaya toona dhici kara ahayn, haddana haddiiba  la doonayo in ay hirgasho waxa ii muuqda dhowr shay oo ay tahay in miiska la soo saaro.

Waa marka horee horta Dimuqraaddiyaddan la sheego miyay ku jirtaa wax kooto la yidhaahdo oo cid gaar ah loo xidho? dalalka ay innagaga timid ee galbeedku ma leeyihiin wax kooto la yidhaahdo? Dumarka reer galbeedka ee ku dayshada innoo ahi, illayn EEshiyaan, Carab iyo Muslin toona kuma dayannee, siday ku soo baxaan oo barlaamaannada iyo meelaha kaleba ku soo galaan? Illayn haddii kale waxay innaga noqonaysaa Kufsi aynu u gaysannay Dimuqraaddiyaddii aynu sheeganaynnaye.

Taa ka kaalay oo haddii aynu leennahay innagu aynu ku darsanno dimuqraaddiyaddeenna oo teennii awalba badhaxa ahayd ka dhiganno, waa in dastuurka la furo sow maaha? oo qodobbada doorashada wax laga baddalo( Qof waloo muwaaddin ahi waxa uu xaq u leeyahay in uu wax doorto isna la doorto), sidoo kalena waa in xeerarka doorashada la baddalo?

Ka soo gudub taana, oo waaaba la sameeyay labadaa qodob ba. Siday u ekaanaysaa haweenay baaramaaka iska soo gashay oo aan tartan toos ah soo galin, ama dumar kaliya la tartantay? Bal qiyaas hadhow waxay noqonaysaa qof xasaanad leh oo madaxda dalka ka tirsan ooaan dhaliil waayayn. Waxa ugu horreeya ee lagu dhaliilaana waxa uu noqonayaa  inaanay tartan ku imman ee layska siiyay kursiga!!

Waxaynu aragnaa guddoomiyaha baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax oo maalin kasta loogu hanjabayo waxa uu ku soo baxay is xanbaar!! maxaad ka malaysan markaa dad dhan oo iyaga oo aan doorasho toos ah galin ama iyagu dhexdooda ka tartamay soo galay baarlamaanka?

Maxaa al ah haddaba?

Sida ugu fiican ee maanta dumarka u hanqal taagaya kaga qayb qaadashada maamulka dalka, xaqna way u leeyihiine, waa iyaga oo guntiga dhiisha iskaga dhiga oo halgan dheer u gala, cidna aan baryin, Jiljileeca iyo aanu kuraastayada cidlo ka qaadanno annaga oo aan ku hawshoonna iska dayaan, oo la yimaaddan karti iyo dadaal ay ku galaan doorashooyinka sida ragga iyaga oo sharaf leh oo nin kali ahina ku quudhsan Karin hannaanka ay u soo baxeenna sidaa ku gaadhaan kuraasta dalka loo ga taliyo.

Taasina horay u bilaabantay ba, waayo doorashadii baarlamaaka ee 2005 waxa ku soo baxay laba dumar ah oo aanay jirin cid gacan siisay, isla markaana reerkii ay u dhexeen iyo kii ay ka dhasheen midna oggolayn!!. Haweenay baa Maayar ka noqotay mid ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn dalka uguna shaqada badan, Gabiley, iyada oo aan cidina garab siin, iskaba daa in la garab siiyee laga riixanayay Kursiga, balse ku maamulaysay adkaysi iyo karti Ilaahay u dhaliyay, waxa walba hayska noqotee waxay ahayd bilaw fiican, doorashada ku xigta waxa iska cad in ay tiradu intaa ka kordhayso maadaama oo wacyigii bulshadu intii hore ka koray, sidaasoo kalena doorashada taa ku sii xigta ka sii tiradu intaa ka sii badan doonto.

Markaa miyaanay kula ahayn dumarku  ka ilbaxaan shugux shuguxda loo tumayo, una diyaar garoobaan waddo dheer oo qodxo badan oo ka horraysa, waliba ay muddo ku jiri doonaan, hana ogaadaan in adduunka wax aayar laysa siiyaa aanu jirin? Halgan, kharash, fikir, iyo wakhti badan ayaa ladydiinka baahan yahay inaad la timaaddaan!!  Iyo waliba iyada oo laydinka filanayo inaad musuqmaasuqa ragga iyo bahalnimadan laga daalay aad ka duwanaan doontaan, taasina hawsheeda leedahay.  Anoo dumar ah baan markayga doonayaa kursiga wax dhaafsiisan inaad dadka u soo bandhigtaan oo aad ragga kaga duwanaataan.

Madaxweynuhu  haddii uu saxiixay in qoondada dumarka meel layska dhigo, waxa uu ogyahay in aanu isagu fulin Karin balse ay u taallo baarlamaanka iyo wacyiga shacabka, taana maanka ku haya.

C/raxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.