Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay dalka Ereteriya

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed, ayaa subaxnimadii saaka socdaal ku tagay dalka Ereteriya gaar ahaan caasmida Asmara.

Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki ayaa si diiran u soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Asmara.

Wasiirka Warfaafinta ee Ereteriya  ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga gobolka.

Bandhige@gmail.com