Qudbaddii Pompeo ee Addis Ababa (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Qudbaddii Pompeo ee Addis Ababa

Saaka intii aanu Arda Sababa ka ambabixin Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku, waxa uu lahadlay saxaafadda Ethiopia.
Pompeo waxa uu ku furtay hadalka oo uu ku dhammaystay mudnaanta uu leeyahay ganacsi dhexmara Afrika iyo USA. Bilawgiiba waxa uu sheegay laftiisu in uu ahaa ganacsade – entrepreneur. Madaxweynihiisa oo uu ku tilmaamay “Boss” waxa uu caddeeyey in uu yahay: Nin jecel heshiis “deal” in la wada galo.

Pompeo waxa uu isticmaalay kalmada “Next Liberations” ayaa ay Afrika u baahan tahay. Economic Liberation ayuu haddana raaciyey. Xogyahuhu waxa uu ula jeeday Afrika waa in ay albaabad uu furto “ganacsiga xorta ah – private sector”.
Yaa laga xorraynayaa?
Addis Ababa oo caan ku ah xafiisyo (bureacracy) kala sareeya oo gaabis ku sameeya saxeexa heshiisyada ayuu gubaabinayey in la baabiiyo caga jiidka xafiisyada – waa sida aan kasoo xigtay weriya ka hawl gala Addis Ababa oo faaqidayey kulamadii Pompeo uu la qaatay madaxda Ethiopia.

Pompeo waxa uu u muuqday nin si dadban Afrika uga xorraynaya China. Waxa uu qiray “caawimo in aan lagu dhisan dal.” Waxa uu sheegay dawladdu in aysan qorshe ku keeni karin horumar bulsho, haddii aan la xorrayn ganacsiga xorta ah. Zimbabwe iyo Tanzania ayuu soo qaatay qorshayaal dajisan oo dhanka dawladda ka yimid oo guul lagu gaadhi waayey. Maraykanka laftiisa ayaa aan sidaa u shaqayn buu yidhi.

Xoghayuhu waxa uu tusaale usoo qaatay waddamada la yidhaa “Asian Tigers” oo uu yidhi: Hormarka waxa ay ku gadheen markii ay fureen suuqa xorta ah. Xoghayuhu wuxu sheegay lixdan bilyaar oo doollarka Maraykanka ah in ay u qorsheeyeen dib-u-dhiska tamarta, beeraha iyo jidadka Afrika – xogyahuhu kama uu hadal waaxda warshadaha oo udub dhexaad u ahaa horumarka “Asian Tigers” waddamada la isku yidhaa.

Waddanka Senegal ayuu sheegay heshiis jidadka ah in ay wada galeen shirkad caan ka ah Maraykanka. Angola oo uu soo maray intii aanu Addis iman ayuu sheegay gaasta dabiciga ah ee Angola in uu Maraykanku ku maalgalinayo $2B. Angola waxa uu kula dardaarmay la dagaalanka musuqmaasuqa. Ethiopia waxa uu ugu bushaareeyey shirkada Coca Cola in ay maalgashi baaxaddisa leh ku samayn doonto dalkeeda.

Pompeo waxa uu sheegay DFC haayad la yidhaa oo hadda muddo billa shaqaynaysay in ay toos uga hawl galayso Afrika. “Prosper Africa Initiative” haayad la yidhaa ayaa sidoo kale ka mid ah haayadaha cusub ee xukumadda Trump u qorshaysan Afrika.
Pompeo waxa uu weeraray xukumaddihii Trump ka horeeyey ee Maraykanka iyo waliba waddamada kale ee daneeya Afrika in aysan tabbabarin shaqaalaha Afrika, in aysan shaqo abuur u samayn Afrika iyo Afrikaanka in ay ka dhigeen dad ku tiirsan cid kale. Xukumadda uu ka tirsan yahay, ayuu sheegay in ay kuwaas ka duwan tahay. Sidaa oo kalena ay balanka kasoo baxayso, dhabna ka tahay hawshani.

Jariiradda NY Times ayaa iyadu si weyn u durtay safarka Pompeo. Jariiradu waxa ay sheegtay xukumadda Trump in aysan mudnaan siin cillaaqadka Afrika. Jariiraddu waxa ay raacisay: Pompeo haddi ay ka dhab tahay xidhiidhka Afrika, horta Afrika haw ogollaado xorriyad ay heshiis kula gali karaan ciddii ay dan moodaan.
Jariiraddu waxa ay sheegtay inanta uu dhalay Trump iyo wasiirka ganacsiguba in ay booqdeen Afrika, walow ay jariiradu haddana ay qortay: Hillary Clinton kaligeed inta jeer ee ay booqatay Afrika, waagii ay ahayd xoghayaha ayaa ka badan labbada xoghaye ee Trump maamulkiisa soo maray inta ay booqdeen Afrika.

Kala duwanaashuhu wuxu yahay, Bush iyo Obama mawduucyadii ay Afrika kala hadli jireen ee ay ka midka ahayeen: Cudurka Aydhiska iyo dadka isku jinsiga ah arrooskoodu in aysan hadda lahayn mudnaan.
Pompeo muddadii uu joogay Addis Ababa, waxa uu kala hadlay arrimaha la xidhiidha doorashada Ethiopia ee loo balansan yahay August sannadkan. Dhaam biyoodka muranka ka dhex abuuray Ethiopia iyo Masar.

Alshabaab ayaa ugu cuslaa arrinka Pompeo uu kala hadlay Abiy Axmed ee quseeya Soomaalida. Waxa se aynnu aqrisan karnaa, ganacsi haddii uu hadheeyey safarka Pompeo oo laftiisu hore u ahaa ganacsade in Berbera iyo Zaila ay yihiin TOP AGENDA.