Basil Bernstein (1924-2000) wuxu ahaa aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga luqadaha (Linguist) wuxuu Mudo dheer cilmi baadhe sare ka ahaa Machadka Waxbashada ee Jaamacada London.
Mr. Bernstein wuxuu hindisay midd ka mid ah aragtiyaha ugu caansan uguna saamaynta badan ee ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya luqada iyo koboca aqoonta ardayga. Waxa uu dersay sida ay u kala duwan yihiin ardayda ka soo jeeda dabaqada sare ee laddan iyo kuwa kasoo jeeda dabaqada danyarta iyo muruq-maalka.
Bernstein waxa uu arkay in ardayda Danyarta iyo Muruq-maalka kasoo jeeda ay la fahmo iyo garaad yihiin kuwa Maal-qabeenka iyo Burjuwaasiyiinta marka la is barbar dhigo natiijada ay keenaan maadadaha sayniska sida; xisaabta, fisikis, kimistari, bayologi iyo wixii la midd ah. Laakiin marka la eego maadadaha cilmiga bulshada, qaanuunka, dhaqaalaha, maamulka iyo maaraynta, falsafada iyo siyaasada; ardayda dabaqada danyartu aad ayay u hooseeyaan, kuwa maal-qabeenada iyo dabaqda sarena way sareeyaan.
Wuxuu is waydiiyay sababtu maxay tahay?.
Bernstein wuxuu cilmi-baadhistiisii kusoo ururiyay aragti ku salaysan โ Waxa jira laba Hab-hadal oo kala duwan oo labadaas Dabaqadood ee Bulshadu midd kastaa gaarkeed ugu wada xidhiidhoโ.
Dabaqda danyarta iyo muruq-maalku waxay adeegsadaan Hab-hadal uu u bixiyay โThe restricted codeโ. Dabaqda maalqabeenka iyo Burjuwaasigu waxay adeegsadaan Hab-hadal uu u bixiyay โThe elaborated codeโ. Hal-hadalkaas kala duwan ayaa saamayn wayn ku leh waxbarasha ardayga; faham-kiisa, dood wadaag-nimadiisa iyo awooda uu u leeyahay in uu soo bandhigo dood aqooneed ku salaysan sababayn, dood-jebinta ( criticism), baaxada iyo gun-dheerida hadalka ( scope and depth of argument).
Hab-hadalka Dabran (Restricted code) oo ay adeegsadaan Dabaqadaha hoose ee bulshadu wuxuu ku dhisan yahay erey-bixino, sarbeebo iyo tuducyo aan dhamaystirnayn oo ay iyagu isla yaqaanaan. Qaybtan hoose ee bulshada oo sida badan shaqooyin isku dhow qabta, deegaan ahaan meelo gaar ah ku urursan, dhaqan ahaan isku furan oo inta baddan wadaaga dhamaan munaasabada nolosha waxay unkaan luqad ku dhisan is-afgarad iyaga ka dhexeeya oo ka baydhsan naxwaha iyo hab-hadalka rasmiga ah ee bulshada.
Qaybaha bulshada ee adeegsada Hab-hadalka dabran, waxay leeyihiin dareen-caadifadeed oo dahsoon oo ay wadaagaan. Waxay qiimeeyaan guul-wadareed; taas oo macnaheedu yahay hadii middkood guul shakhsi ah gaadho waxay u arkaan guul usoo wada hoyatay. Tartarka ismuujinta iyo keli-jacaylka way neceb yihiin waana lala dagaalamaa.
Ilmaha dabaqadan kasoo aqoon doonta ee iskuulka yimaad wuxuu la yimaad ereyo kooban, wuxuu ka maagaa ismuujinta iyo keli u tartamida, waxaa ku adag cabirida garaadkiisa, iyo ku talax-tegida faaqidaada ย xogta ( informational analysis and discussion). Hab-hadalkan waxa macne wayn sameeya
Dhanka kale, Hab-hadalka Falkan ( Elaborated code) oo ay adeegsadaan dabaqada-sare ee bulshadu wuxuu ku dhisan yahay ku nuux-nuusiga hadalka, fogaynta macnaha, adeegsiga sifeeye-yaasha, mal-dahaadaha, araarashada, humaag abuurida, dalaynta fahamka iyo ku tiigaalka fasirka ereyga. Hab-hadalkani wuxuu xooga saara sababaynta argtiyaha iyo dood-dhisida. Waxa ku yara caadifada waxaana ku badan tartanka iyo ismuujinta.
Labadaa Hab-hadal midd walba sharax dheer ayuu ka bixiyay Mr. Basil Bernstein, isagoo doodiisa kusii xoojiyay tusaalayaa iyo cilmi-baadhiso uu muddo dheer samaynayay. Aragtidiisu waxay abuurtay muran xoogan oo ilaa hada ka dhex socda aqoon-yahan ku xeel dheer cilmiga bulshada, afafka iyo waxbarashada. Waxa jira cilmi baadhiso badan oo lagu jebinayo doodiisa, laguna daah-furaayo god-daloolooyinka daliiladiisa. Qaar kale ayaa isaga u hiilinaaya oo xoojinaaya mowqifka uu istaagay. Walina labadaas dhinac middna meesha lagama saarin.
Hadaba, aragtida Mr.Bernstein waxay isbedel wayn ku keentay habka wax loo baro ubadka ee wadamo badan oo uu ka midd yahay wadanka ingiriiska, iyo maraykanku. Waxa wax wayn laga bedelay manhajka wax barashado ee dhexe, sare iyo heer jaamacadeed. Waxa xooga la saaray in ardayga lagu diiri geliyo in uu maskaxdiisa cabiro (portfolio building), in uu erey curin yeesho, in uu fahmo sida dood miisaaman loo dhiso, sida aragtiyaha aqoonneed ee jira dib u eegid ugu samayn lahaaย (Literature review). Waxa la dejiyay qorshe wax akhriska lagaga dhigayo qayb lagama maarmaan u ah koritaanka ubadka. Sidaa darteed waxa la hirgeliyay maktabada caruureed xaafadaha ku dhexyaal. Waxa maal gelin buuran lagu sameeyay buugaagta caruurta oo ka bilaabma inta ilmuhu aanu baran hadalkaba.
Taageerayaasha aragtida Basil Bernstein waxay aaminsan yihiin in ardayga ka yimid qoys danyar ah ee aan fursad u helin wax akhris balaadhan in garaadkiisu dabran yahay, cabirkiisuna gulaan yahay. Taasina ay keentay in uu ku hooseeyo aqoonta u baahan gorfaynta, tiiq-tiiqsiga, durida cadaymaha iyo xujooyinka sida; dhaqaalaha, falsafada, qaanuunka, cilmiga bulshada iyo kuwo kale oo badan.
Waxa xusid muddan aqoonaha noocan ah waa kuwa lagu hogaamiyo bulshooyinka isla markaana lagu abuuro is bedelka togan ee umadaha. Hadii dabaqadaha hoose ee bulshadu ka maqan yihiin aqoonta hogaaminaysa isbedelka, way ka maqan yihiin isbedelkana.
Hadii wakhtiga kala guurka ee dib u habaynta bulshadu socoto ay ka maqnaadaan madasha gorfaynta iyo goโaan qaadashada (oo ah mid inta badan kooban oo qarsoon), dabaqada-hooe way ka baxsanaan doonaan saamaynta is bedelka bulshada, taasna waxa ka dhalanaya in aanay wax buuran ka faaโiidin isbedelka socda, xaalkooduna sidii hore sii ahaado.
Suโaashu waxa weeye, maxaa inaga soo galay aragtida Basil Bernstein iyo kala duwanaanshaha hab-hadalka ee bulshooyinka?. Wax garad badan ayaa ku doodi kara in inagu aynaan mushkiladaas kala qayb sanaanta lahayn. Oo aan loo baahnayn in aragtidaa lagu soo hal-qabsado. Inagu malihin, wali, dabaqado, mana jirto kala qayb-sanaan aqooneed iyo hantiyeed. Waa fikrad dood laga keeni karo oo aan la isku waafaq-sanayn laakin aynu kasoo qaadno in aynu ilaa hadda middab keli ah nahay.
Waxa jira mushkilad ka adag taas uu dersay Basil Bernstein, oo ah xad-gudubka afafka qalaad ku hayaa afkii umada.
Ardaygeenu wuxuu wax ku dhigtaa afka Soomaaliga ilaa fasalka sideedaad ee dugsiga hoose/dhexe, kadib wuxuu u gudbaa dugsiga sare, isagoo gadhka loo geliyo af-qalaad oo aanuu u diyaar sanayn. Luqad aanuu ka buuxsan, ku haqab-beeli karin, isku muujin karin, iskaba daa inuu dood ku furfuree.
Taasi waxay ku keentay ardayga in uu u kala dhanbalmo laba shakhsiyadood. Shakhsiyad sarkaxaadis ah oo ay ku dahaadhan tahay humaag aqooneed, wajahadna ay u tahay afkaa qalaad ee uu dhab-qaday aanuu se ka dhergin. Wuxuu isku sawiray inuu aqoon korodhsaday laakiin runtii wax badani kuma duxin. Iyo shakhsiyad dhab ah oo huwan shaki, kalsooni daro aqooneed iyo niyad jab. Waayo wuxuu ogyahay in aqoontaa uu halac saday in aanu ka gaadhin heer uu ku daadihiyo noloshiisa oo ugu aar gudo bulshadiisa.
Tusaale waxaa inoo ah sannad kasta waxa Jaamacadaheena tirada beelay ka qalin jabiya arday kumanaan ka badan, oo muddo aan yaran wax baranaayay. Ardaydaasi marka lagu sii daayo suuqa shaqada iyo nolosha way uumi baxaan. Waayo may helin xirfadii iyo aqoontii ay ku abuuri lahaayeen fursado cusub. Intooda badan ma fahamsana sida aqoontoodu xidhiidh ula leedahay nolosha bulshada iyo door ka ay gelayaan. Lama barin sida aqoonta loola xidhiidhiyo dhismaha bulshada iyo suuqa shaqada. Aqoontu waa fure laakin halkee loogu hagaagi qufulkii ay furi lahayd.
Waxa loo baahan yahay in dib loogu noqdo tirada faraha badan ee Jaamacadaha, in dib loo eego saamaynta afka qalaad; hadii aan laga maarmin sidee ardayga loogu hagar baxaa, oo loo gaadh-siinkaraa heerkii uu afkaa qalaad shukaamin lahaa.
Waxaynu u baahanahay in dib loo eego had-dhigaalka casharka, inla joojiyo qayb-siinta oo lagu bedelo fahamsiin. Waa in ardayga laga dhigo ka isagu hagaya wax barashada (Student centred education), ee aan loola dhaqmin sidii foosto madhan oo ay tahay in la buuxiyo, hadhowna lagaga soo matajiyo warqada imtixaanka.
Waxaynu u baahanahay in aynu waxoogaa ka fikirno mustaqbalka ardayga, bulshada iyo dalkaba, oo aynu is waydiino sidan ma ku guulaysan karnaa??