Safar salaama saaxiib ( Walaal Afgaabnaa lakiin Akhlaaqdiisu Cod Dheer inagula Hadashay)…W/Q:(Sharmarke Geelle)

Toddobaad ayaa maanta laga joogaa markii walaalkay Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud uu dunnidan kumeel gaadhka ah ka guuray ee hoygiisii xaqa ahaa la dhigay isaga oo kaga tegay raad iyo summad wannaagsan.

Waxaa xanuun kedis ah ku soo booday 5:40am subbaxnimo ee maalintii jimcaha isaga oo salaadii subax u soo kacay. Hal saac gudaheed ayaan uugu tegay cisbitaalka isaga oo miyirkiisu joogo isla markaana afka ku haya dikri, duco iyo tasbiix. Dhakhtarka ayaa i waydiiyey hadalkiisa waxaanan u sheegay in uu Alle xusayo. Kahor intii aanu miyir doorsamin labbadii kalmadood ee u dambeeyey na waxa ay ahayeen “Jannada” iyo “saaxiibaday” oo aan is leeyahay waxa uu rabay in uu wax noo sheego aniga iyo walaashay Ifraax Maxamed (Xaaska walaalkay Cabdiraxmaan) oo dul taagnayn lakiin uu kari waayey.

Cabdiraxmaan Aadan wuxuu ahaa qof ahaan ruux afgaaban lakiin akhlaaqdiisu inagula hadashay cod dheer oo cid walba maqli karto.

Sannado baddan oo aan walaalo ahayn iyo shan sanno oo aanu hadda isku magaalo ku noolayn isla markaana si joogto ah u kulmaynay waxa aan ku arkayey astaamo koobsaday: diin, dun wannaagsan, dadnimo, dedaal, dad jacayl iyo dareen ummaded, walaal waxaan hubaa Iddan Alle in Rabbi kugu abaalin doono.

Cabdiraxmaan qoys ahaan, ehel ahaan iyo saaxiibo kaliya dareemi maayaan geeridiisa ee ummad ahaan ayaan u tebi doonnaa dhimashadiisa. Sarkaal sarre oo kamid ah madaxda Unicef ee dalkan Kenya isla markaa ay muddo fog ka wada shaqeeyeen Cabdiraxmaan mashruuca JPLG ga ayaa markii uu maqlay geeridiisa ii soo diray fariin u dhignayd “Your country has lost one of the few who knew how to rebuild it” “Dalkiinu waxa uu waayey mid kamid ah tirada yar ee garanayey sidii dib loogu dhisi lahaa”.

Walaal Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ruux cibaado baddan oo dad jecel, badi marka aan kulmayno Cabdiraxmaan iyo walaalaha kale ee Nairobi oo sida walaalkay Hussien Mohamed ku tilmaamay uu ahaa “Bride builder”, waxa keliya ee goobta aan fadhiisanayno aan ku xulan jirnay ayaa ahayd in ay leedahay ‘masaajid’ si aanay salaad noo dhaafin oo uu isagu badanka na xasuusin jiray.

Cabdiraxmaan oo ku geeriyooday qaybta gargaarka culus ee cisbitaalka Aga Khan ee dalka Kenya ayey naftu ka baxday isaga oo dhammaan ehel, asxaab iyo dhakhaatiir dul joogaan lakiin Alle ka jeclaaday. Walaashay Ifraax ayaa kalmadii u dambaysay iyada oo dul joogta ku tidhi “Raali ayaan kaa ahayn ee Allaha raali kaa noqdo” waa dhab oo dhammaan raali ayaan ka ahayn ee Allow raali ka noqo.

Guud ahaan reer Aadan Maxamuud, hooyo Maryan Axmed Xirsi, walaashay Ifraax Maxamed Cabdi iyo hablaha aan adeerka u ahay ee Mabruuka, Muwaahib, Mumtaas, Muna iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxa aan Alle u waydiinayaa sammir, adkaysi iyo iimaan buuxa.

Cabdiraxmaan waxa uu adduunka ka tegay isago oo ka dhabeeyey fariinta Alle ee ah in uu Alle ilma Aadan karaameeyey isaga oo ina yidhi:

“ ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر ورزقناهم من الطيبات وفضلناهم على كثير ممن خلقنا تفضيلا”

Naxariis waacas ah iyo jannooyinkiisa sarre Allaha kugu qaabilo.

 

 

xigasho: Sharmarke Geelle

Bandhige@gmail.com