Safarkii Sallaxley: Hindisaha Maktabadda Degmada iyo Qaybyadii Xarunta Barashada Adeegsiga Kombuyuutarka (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Maalmihii bilawga Ramadaanta ayuu Abwaan Cabdikariim Xikmaawi soo jeediyay in maktabad ama rug-aqooneed loo dhiso degmada Sallaxley, iyada oo lagu kulmay kooxihii (groups) ku cusbaa Facebook. Barkulannaddii ayuu si cuddoon iga faaiideeyay. Waxaanu isla goobtii ku magacaabay guddi aan ka mid ahay, oo xilkeeda la saaro. “Hawraarsan” ayaan ku guddoomay. Xubnaha kale waxa ka mid ahaa Farax Ayaanle Dayaxweerar, Axmed Karaama iyo Xasan Gaadh-haye . Waxa aanu samaynnay bar kale oo aan intayadu ku faqno.
Xigmaawi ayaa waday qabanqaabada kulan indha-indhayn ah oo aanu Sallaxley ku tagno, waxaanan u baxnay 22kii Ramadaan 1441 ama 15kii Mey 2020 maalin Jimce annaga oo ka kooban shan qof oo kala ah Qalin – Dhuux, Yuusuf Cabdi Xoday, Xikmaawi iyo wadihii baabuurka.

Waxa aannu xilli duhurnimo ah ayaanu u dhaqaajinnay baabuurka dhankii degmada Sallaxley, waxaanan gaadhnay casar, waxa na soo dhaweeyay dhallinyaradii gobolka. Bariido kaddib waxa aanu annaga oo laba iska jiifsannay guriga Sallxley ee Xildhibaan Weli Axmed Xaawa, oo mudanuhu joogay.. Xubno naga mid ah ayaa indha-indheeyay Jidka Hargeysa-Sallaxley-Ina Guuxaa iyo balli degmada loo dhisayay.
Gabbal-dhacii ayaanu ka afurnay Masno Hotel, waxaanan shir ku galnay Xafiiska ururka dhallinyarada Sallaxley. Ururka ayaa soo-dhaweynta iyo marti-qaadkaba u agaasimay si san oo suubban. Marka laga yimaaddo waxyaabaha kale ee uu qabto, waxa Ururka Dhallinyarada Sallaxley ay gacanta ku hayeen hirgelinta waxbarashada kombuyuutarrada, oo ay dhawaan ku bilaabeen 8 kombuyuutar oo laga yaabo inay lix shaqeeyaan.
Waxa tax ugu jiray ardayda dugsiga sare iyo dadka magaalada. Ka warran arday ka baxay dugsi sare oo helay jaamacad dibadeed, isla markaana aan aqoon sida kombuyuutarka loo shido? Waxa ay ururku baabuleen xaruntan markii uu xidhmay dugsi hore magaalada ugu yaallay oo kombuyuutrrada lagu baran jiray. Waxa laga yaabaa inay in kombuyuutarkiba ka dhexeeyo lix ama siddeed qof. Sidaas awgeed qaar waxa ay habeen dhigtaan xiisad afka (theory), qaarna xiisad tijaabo ama gacan-shaqayn leh (practical), maadaama oo ay kombuyuutarradu yar yihiin, waxa loo daaraa proejector marka xiisadaha uu baruhu tebinayo…

Ururka Dhallinyarada Sallaxley oo ku jira dhisme ay barbaarta degmada UNICEF u dhistay waxa ay hayeen qolal lagu sii bilaabo maktabadda, oo muhiim u ah ugu yaraan kaabista ardayga dugsiga sare, waxaana baahiyaha ugu waaweyn ee u baahan fulinta ka mid ah:
1. Dhismaha khaanad (shelf) la saaro buugaagta, oo cabbir ahaan noqonaysa 9 mitir oo dhinac iyo dhinac 7 mitir ah, waxaana raacaya miiska akhriska iyo kuraasida.. Waxa aanu isla garannay in la qiimeeyo waxa ku baxaya, kaddibna loo hawlgalo
2. In intaas kaddib la helo buugaagtii la dhigi lahaa, kuwaas oo siyaabo kala geddisan u kaabaya ardayda. Waxa muhiim u ah buugaagta laga baranayo aqoonta dusgsiyada lagu dhigto, kuwa diinta, kuwa dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida
Halkaas waxa aanu ku dhisnay guddi ka kooban laba dhinac oo kala ahaa Hargeysa iyo Sallaxley oo udub-dhexaad u noqda hirgelinta dhismaha maktabadda Sallaxley. Waxa loo ballanay in xawli lagu dhaqaajiyo maalmaha ay Ramadaan baxdo. Waxa aan rejaynayaa in tabaabushaashu guul ku dhammaado idanka Alle.

Guddoomiye Axmed Buraale Iimaan, Khadar Aadan, Farxaan Cawil Cabdilaahi Diploma-cy Abdinasir Arraleh iyo guud ayaan Barbara na milgeysay waan muunaynayaa. X lli abbaaro 11:00 cawaysnimo ayaanu dib ugu soo jihaysannay dhanka Hargeysa.