Dhammaadka Hawlgalka Birjeex+ Geesiyadii iyo Ganacsatadii Guubaabiyay.
Intii ay shilkaa ku hawl-lanaayeen kooxdii Bee-beegu, ayaa Mujaahidiinta iyo gaadhigoodiina xuduudda ka tallaabeen. Markaa kahor, siduu sheegay Aadan Maal markii ay tuulada Gumar gaadheen, waxaa halkaa ku joojiyay Ciidankii
Faqashta ee degganaa, hase yeeshee Ibraahin Koodbuur ayaa u sheegay in aanu nahay Koofiyad-castii qaybta 26aad oo baadi-goobaysa baabuur lagala soo baxsaday, sidaas darteed wuxuu ku yidhi Ibraahin Koodbuur Ciidankii halkaa degganaa; ‘Wax baabuur ahi miyey idin dhaafeen?’ waxaanay ugu jawaabeen; “Maya.”
Intaa kaddibna, wuxuu Ibraahin faray Askartii in wixii baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan, waxaanu u sheegay in ay xagga Balli-cabbane u dhaafayaan. Alla ha’u naxariistee, Ibraahin wuxuu markaa lebbisnaa dirayskii Milateriga, taasina waxay u saamaxday inuu xeeshaa kala hortago askartii faqashta ee tuuladaa joogtay.
Sidaas ayay kaga dhaqaaqeen Gumar, markii ay in yar ka socdeenna, waxay u baydheen waddo yar oo la yidhaa Waddo-tuug oo Xarshin ku beegan, Caraancaray-na xagga galbeed ka marta. Markii ay u baxeen bug-cadda geed-gaabka Xarshimeed, ayaa Siciid oo dhaawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi: ‘waar biyo i siiya, kol.
haddii aynu soo tallownay.’ Reer Banka afkiisa yaallay, ayay markaa joogsadeen oo ay biyo weydiisteen.
Wakhti ayay ku qaadatay intii ay biyahay sugayeen, markii loo keenay ee ay Siciid biyihii siiyeenna raggii reerka joogay, ayaa u sheegay in haddii gabal dhaco aan Xarshin la-geli karin, weliba iyaga waxa u dheeraa oo ay siteen hub. Sidaas darteed taladii ayay qaateen, halkaas ayaanay ku negaadeen habeenkaa.
Saacaddu markii ay ahayd 02:45-daqiiqo, ayaa dabadeed Siciid naftii ka baxday (Alle ha’u naxariistee). Subaxnimadii hore ayay tooseen, waxaanay damceen in ay dhaqaaqaan, iyadoo Meydkii Siciid gaadhiga u saaran yahay, hase ahaatee baabuurkii ayaa kici waayay, waxay arkeen in xabbadi kaga taallo qasabadda Batroolka, markaas halkii xabbaddu ka dhaawacday qasabadda ayay warqad ku duubeen, kaddibna way riixeen gaadhigii, in yar dabadeedna wuu u istaadhmay.
Abbaaro lixdii subaxnimo ayay ka dhaqaaqeen goobtaa, wakhti yar kaddibna waxay gaadheen magaalada Xarshin. Xaruntii SNM ee Xarshin ayay meydkii Siciid ku rogeen, halkaasna waa lagu aasay. Sidaas ayaanay ku nabad-galeen xubnihii kale ee Mujaahidiinta ahaa oo ay ku galeen Itoobiya, intii dhimatay mooyaane.
Hawl-galkaas la-yaabka leh, waxa uu fulay sannad kaddib markii ururka SNM saldhiggiisa milateri ka unkay Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood kaddib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska (Abril 6, 1981). Hawl-galkaasi, wuxuu fure u noqday dhiirrasho xoog leh oo dhalisay in ururku gaadho guulo is-daba joog ah. Mujaahidiintii hawl-galkaa fuliyay oo taariikhda baal dahab ah kaga jira, waxa maanta ka nool kow iyo tobankoodii, saddex Mujaahid.
Geesiyaashii iyo Ganacsatadii Hawlgalka Birjeex Guubaabiyay
Qaybaha dambe ee Geeddigan waxa aynu si toos u soo qaadanaynnaa dhaxal-reeb uu Wargeyska Haatuf ka qoray Hawlgalka Birjeex sannadkii 2002da oo ku beegnayd sannad-guuradii 19aad ee ka soo wareegtay hawgalkii biimaha ahaa ee Birjeex. Maqaallada lagu faafiyay Haatuf oo ahaa kuwo leh xigasho, nuxur iyo xog-ogaalnimo badan ayaa u dhignaa sidan:
Maanta oo 19 sannadood laga joogo hawl-galkaas, waxa weli muuqata in aan si fiican looga wada dheregsanayn taariikhdii laabka lahayd ee dhacdaddaa, ama fikrado kala duwan iyo sheekooyin baahay laga kala haysto, taasna waxa u sababa ayaa la odhan karaa sadaradii taariikhda dhacdadaa oo aan marnaba la wada qorin dhammaanba dhinacyadii iyo halgamayaashii kale ee hawl-galkaas doorka weyn ka qaatay, la’aantoodna aanay wax badani suura-gal noqdeen.
Sida uu qoraal-taariikheedka dhacdaddaa ku xusay Boobe Yuusuf Ducaale, hawl-galkii Birjeex waxa uu ahaa mid si weyn loo abaabulay, dhinacyo badanina ay ka qayb-qaateen, hase yeeshee 11ka Mujaahid ee ku suntani ay ahaayeen intii muuqatay, inta dahsoonayd ee aan la ogeynna ay tiro badnaayeen.
Waxa uu is-weydiiyay, cidda gaadiidka ugu deeqday? Ciddii maal-gelisay?
Ciddii sahanka u ahayd? Intii kale ee war-qabtay iyo ciddii xafidaysay sirtooda ee lahayd guryihii ay fadhiisanayeen? Waxa uu u deydeyay daahfurka dhinacyadaas oo dhan taariikhda. Waxa iyana aan la xisaabin karin, inta u aanowday ee dhibaatadu ka soo gaadhay.
Haddaba, Wargeyska Haatuf ayaa helay qaybo badan oo ka mid ah, dhinacyadaa dahsoonaa ee gacantii ugu weynayd ka geystay hawl-galkaas, isla markaana xog-wareysi kala yeeshay sidii ay uga qayb-qaateen hawl-galkaa iyo xaalado adag oo ay waajaheenba. Raadraacan waxa sameeyay Marxuun Cabdirisaaq Maxamed Dubbad oo ahaa suxufi waayadaas ka hawl-geli jiray Wargeyska Haatuf. 23kii Oktoobar 2010ka ayuu Hargeysa ku geeriyooday isaga oo ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.
Waxa in badan la qoray ama laga sheekeeyey, qormooyinkii horena aynu kaga warrannay ciidankii hawlgalkaa fulintiisa lahaa, guushii ay gaadheen iyo khasaarihii ay la kulmeen,kuwaas oo lagu tilmaamay garabkii daahirka ahaa ee dhacdada. Waxana muran-ma-doon ah oo la dareensan yahay in inay dahsoon tahay qayb weyn oo ah laftoodu geesiyaal door laxaad leh ka ciyaaray guushii 11kii Abril 1983, taas oo soo hadal-qaadka dhacdadan taariikhiga ah la isku weydiiyo.
Haddaba, wargeyska Haatuf ayaa intii uu ku gudajirey raad-raaca taariikhdan waqtigan oo aynu xusaynno sannad-guuradii 19aad waxa uu la kulmay xog-ogaal badan iyo ka qaybgalayaal ay ka mid yihiin: Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil) oo ah ninkii lahaa mid ka mid ah labadii gaadhi ee hawlgalka loo isticmaalay iyo Cali Kirix oo ka mid ahaa ganacsadayaashii ka qaybqaatay abaabulka hawlgalka, isla markaana walaalkii Cabdi Kirix uu lahaa gaadhiga labaad ee hawlgalka. Cabdi Kirix Alle ha u naxariistee waxa uu ku geeriyoodey Hargeysa 1994kii.
Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil) oo ahaa ganacsade adhiile ah, haatanna ku nool magaalada Hargeysa oo uu deggan yahay waxa uu ugu badheedhay gacan-siinta hawlgalkaas oo lahaa khasaare dhaqaale iyo khatar nafeed oo laxaad leh. Yuusuf oo baabuurkiisu ahaa kii ay ku tallaabeen colkii hawlgalka fuliyey, kaddib markii gaadhigii kale ka fadhiistay, waxa uu lafihiisa keliya kala baxay Hargeysa subaxnimadii 12/4/83, markii uu ogaadey in hawlgalkii lagu guuleystey isla markaana la qabqabanayo intii loo tuhunsanaa inay ka ag-dhowaayeen.
Hase yeeshee, waxa aanadiisa loo qabqabtay dhawr iyo toban qof oo ay ku jirtay ooridiisa oo markaa uur lahayd iyo hawlwadeennadiisii ganacsiga. Waxa ciidamadu jebiyeen xafiiskiisii ganacsiga oo ay gebi ahaanba ka rarteen wixii dukumenti iyo agab yaallay. Waxayna baylah ka heleen oo ay boobka ku caseeyeen xoolo gaadhaya ilaa 700 oo neef oo adhi ah oo uu maalmahaa ka iibsaday Seyladda Hargeysa si uu u dhoofiyo iyo lacagta 1,800 oo neef oo adhi ah oo uu hore u dhoofiyey oo loogu soo shubay baanka.
Yuusuf isaga oo ka warramaya sidii uu hawsha ku soo galay iyo wixii uu la kulmay kaddib waxa uu yidhi: “Anigoo seyladda Adhi ka iibsanaya 11/4/83 ayaa abbaaro 10:00kii waxa iigu yimi Ibraahin Koodbuur, wuxuu igu yidhi raggeennii madaxda ahaa ee xaggaa iyo Itoobiya ku maqnaa nin halkan yimi baa la qabtay, haddii aan galabta laga saarinna caawa tiyaatarka ayaa la geynayaa, dabadeed berrito diyaarad baa la saarayaa. Wixii Hargeysa, Berbera iyo Burco nin magac leh joogeyna waa la xaaqayaa. Markaa hawshaas baa jirtee gaadhiga i sii”.
Haliil taas kuma qancin, waxana uu u qaatay in uu ku khiyaamaynayo oo uu Ibraahin doonayo inuu ku baxsado gaadhiga. Isaga oo sii wada sheekadaasna waxa uu yidhi:
“Ku siin maayo ayaan ku idhi, haddaad wax run ah i taabsiisidna cidna kala tashan maayo ee waan ku siinayaa gaadhiga oo sidaa aad sheegayso ay tahay, haddiise sheekadiinnii ay tahay oo aad doonayso baabuur aad ku baxsataan oo aad Itoobiya ku qabataanna anigu ma hayo.”
Intii haddii ay is-weydaarsadeen ayaa Ibraahin Koodbuur ku yidhi “ina keen”. Waxay labadooda oo keli ahi kaxaysteen gaadhigii, waxana uu geeyey Miiskii Saraakiisha oo ahayd halkii uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar.
Haliil oo ka sii warramaya arrinkaasi waxa uu yidhi “Markii aan gaadhigii joojiyey ayuu ka degeyoo u tegey niman tuutihii Ameerikaanka xidhan oo wada lafweyn oo meesha gaadh ka ahaa. Inta uu la hadlay ayuu ku yidhi ‘sidaa hawsha u wada’. Markaa dabadeed waxaan xaqiiqsaday warkii uu i siiyey inuu run yahay,” ayuu yidhi Haliil. Waxana uu sii raaciyey; “markii aanu soo noqonnay ayaan ku idhi waar adhiga aan dhammeeyee – oo 700 neef baan iibinayey maalintaas – 12:00ka duhurnimo igu soo noqo. 12:00kii buu ii yimi, gaadhigii baan siiyey. Lacag aan hayey oo Jeeg ahayd ayaan sarrif la weyney, nin kaalinta Cajab hayey ayaan So.Shs.5000 siiyey oo aan idhi So.Shs 200,000 uun ii sarrif. Dabadeed waanu is-raacnay gurigeygii baanu u wada qada tagnay. Qori iyo baastoolad-na gurigiisii baan ka soo qaadnay oo gurigeygaan dhigtay.
“Intaa kaddib, ninkii Ismaaciil Sheekh Ibraahin la odhan jirey oo berigii horena baanka ka shaqayn jirey markii dambena ganacsade noqday ayuu is-kaaya tusay (iskaaya baray) oo markii uu ii sheegay i gartay, dadkuna wuu kala baqanayoo iyadoo arrin la wada wado ayaa haddana dadku kala dhuumanayey. Ibraahin baanu markaa ballannay, gaadhigiina sidaas baan ugu wareejiyay, waxana uu yidhi ilaa 05:30ka uun meesha kasoo war hela, Ismaaciil gaadhigiisii buu kaxaystay, aniguna gaadhi kale oo aan watey ayaan raacay sidaas ayaannu ku kala ambabaxnay, aniguna xaggaa iyo Dumbuluq baan u kacay oo dushaan ka wareegey”
“Arrintii oo markaa uun dhacay oo arlada aan cidi joogin ayaan anigu soo noqday, lixdii iyo waxoogaa ayaan tegey xafiiskaygii oo ahaa fooqa Cawil Curyaan, gaadhigii baan halkaa kaga degey oo inamadii ku idhi orda oo gaadhiga ku soo xereeya geerashkii Ina Bootaan. Markii ay sidaa iiga dhaqaaqeen ayaa iyagii la qabtay, gaadhigii iyo labadii inanna la xidhay. Aniguna inta aan lugeeyey ayaan tegey halkii aanu Ismaaciil Sheekh Ibraahin ku ballannay oo ahayd koonteenar u dhowaa fooqa Afqallooc ee badhtamaha suuqa iyo hudheelka Oryantalka, si haddii hawshu guuleysato iyo haddii kaleba aanu uga arrinsanno wixii aanu yeeli lahayn.”
Laakiin, nasiib-darro, ballantii ma fulin, Saaxiibbadii hawlgalku isu-keenayna nolol dambe iskuma waraysan, waxayna waxa u dhaceen sidan:
“Ismaaciil oo gaadhigii xawli baas ku eryaya ayuun baa isoo agmaray. Markii uu tiyaatarka in yar sidaa u yara dhaafay ayuu rasaas riday, gaadhigii ayaan gartay, dabadeedna gurigeygii ayaan tegey,” ayuu yidhi Haliil.
Alle ha u naxariistee, Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse Ducaale, sidaa ayaa lagu qabtay, isaga iyo Ina Cabdi Good oo hawlgalkaana kala qaybqaatay waxa toogasho lagu diley 1984kii kaddib SNM fulisey hawlgalkii Buuraha.
Yuusuf-Haliil markaa kaddib waxa u muuqatay in talo dhabaqday, waxana uu bilaabay sidii uu naftiisa ula baxsan lahaa. Isaga oo ka sheekaynaya markii uu gurigiisa tegey iyo sidii uu yeelay, waxa uu yidhi:
“12:00kii habeennimo ayaa labadii nin ee gaadhigii aan ka degey lagu qabtay oo la sii daayey guriga ay igu soo garaaceen oo yidhaahdeen waar meesha ka bax waa lagu doon-doonayaaye. Sidii baan yeelay oo intaan gurigii ka guureeyey ayaan galay sandaqad ku taallay Jameecada, subaxnimadiina markii aan ogaadey in raggii oo dhan la qabqabtay ayaan lug kaga baxay magaalada. Meel la yidhaahdo Reydabka oo Qool-caday barika yara xigta halkaasaa gaadhi la igaga daba keenay. Sidaasaan Itoobiya ku galay”.
Haliil waxa uu socodkii ku galay Itoobiya, waxana uu sheegay in markiiba uu la hadlay nin Sucuudi ah oo uu adhiga u diri jirey, ninkaasina uu lacag u soo diray, taas oo uu sheegay inuu ciidamadii SNM ee markaa la ururinayey uga soo iibiyey 100 beer oo kabaha adadag ee ciidamada ah.
Wuxuu dabadeed u tallaabay dhinaca Jabuuti, halkaas oo uu sheegay in xuduudka lagu qabtay, markii baasaboorkiisa la aqoonsaday. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in markii uu saddex habeen ku xidhnaa meel god ah oo kulul ayu soo gurmadeen niman ganacsadeyaal waaweyn ahaa oo uu ka mid yahay ninka madaxda ka ah Shirkadda Daallo Airlines, Colaad , Sidaas ayaana lagaga siidaayey.
Haliil xaaskiisa oo la qabtay 13/4/83, waxa lagu xidhay xeradii ciidankii Dhabar-jebinta loo yaqaannay oo dadka lagu ururinayey, waxase uu sheegayin uu isla habeenkiiba uu siidaayey Cabdillaahi Cadde oo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waqtigaasna ka tirsanaa saraakiishii Dhabar-jebinta, kaddib markii uu xaaska haybsaday dabadeedna gartay.
“Ilmihii habeenkaa caloosha ku jirey maanta oo hawlgalkaas laga joogo 19 gu’ waa nin weyn oo dugsiga sare dhigta” ayuu yidhi Haliil, isaga oo Cabdillaahi Cadde ku ammaanaya siideynta uu xaaska u siidaayey.
La soco qaybta 7aad