Sannad-guurada 36aad ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa. Q.7aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Sannad-guurada 36aad ee Weerarkii Miiska Saraakiisha: Qaybta 7aad.

 

Waxa aynu halkan ku soo qaadan doonnaa sidii loola dhaqmay Cabdi Kirix oo lahaa gaadhigii 2aad ee hawlgalka lagu fuliyay, isla markaasna ku hor xumaaday halkii weerarku ka dhacay.

 

Sidoo kale, Cali Kirix oo walaalkii Cabdi Kirix lahaa gaadhigii labaad ee hawlgalka ee isagu dhexda ku xumaaday, isla markaana ka mid ahaa ganacsatadii gacanta weyn ku lahayd hawlgalka, ayaa isaguna Haatuf uga warramay sidii wax u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen abaabulka hawsha.

 

“Rag wuxuu ka sheekeeyaa ba’iisa, dumar-na badhaadhahooda,” ayuu Cali ku bilaabay sheekada, isagoo xasuusanaya xaaladdii adkayd ee soo wajahday waqtigaas. Waxa uu sheegay in abaabulka hawlgalkaasi uu ahaa mid ay iska kaashadeen rag saraakiil ahaa oo ku jirey ciidamada iyo dawladdaba iyo ganacsatadii waaweynayd, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay ahaayeen “ragga intii calool adaygga lahayd”.

 

Waxa uu sheegay in isaga iyo ganacsato kaleba arrinta lagu soo wargeliyey markii diyaar-garowgeeda la bilaabay, gaar ahaanna ay la soo xidhiidheen Alle ah u naxariisto dhammaantood’e Cabdi Kirix, Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse Ducaale iyo Ina Cabdi Good oo iyaga ay wada shaqaynayeen Ibraahin Koodbuur.

 

“Waxa calool-adayg noo sameeyey nimankii kornaylada ahaa ee Ina Koodbuur Madaxda u ahaa. Markaa aniga iyo nin Muxumed Durraan la yidhaahdo waxa naloo diray inaanu soo ururrinno qoryo iyo rasaas. Wixii reeruhu haysteen iyo wax aanu ku darnayba waxaanu isu keennay siddeed qori iyo ilaa 1,000 xabbadood oo rasaas ah,” ayuu yidhi Cali. Waxana uu raaciyey inay haddana bilaabeen inay iska ururiyaan lacag iyadoo intii markaa awoodaysey ninkiiba la saaray So.Shs.200,000.

 

“Habeenkii ayaanu diyaarinnay gaadhi aanu lahayn oo uu Cabdi Kirix lahaa ayaannu bixinay oo intaannu hagaajinnay oo wax kasta aanu u dhammaynnay ayaannu nidhi waa in kaa lagu qaadaa (Cabdillaahi) caawa” ayuu yidhi.

 

Intaa keliya kagama aanay hadhine, Cali waxa uu sheegay in raggaasi kaddibna ay ka qaybqaateen xitaa hawlgalkii Ciidan ee lagula baxay Cabdillaahi.

 

Oo sidee iyo qaabkee bay uga qaybqaateen?

 

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kaddib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo jidhdil iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.

 

Cali isaga oo qorshahaa ka warramaya waxa uu yidhi: “Intaa dabadeed, waa la is-qaybiyey oo afar ilaa siddeed waddo ayaa loo qorsheeyey in lagu soof-daran habaabiyo. Ina Cabdi Good iyo Ina Sheekh Ibraahin waxa lagu qaybiyey waddadaa New Hargeysa ka baxda ee tiyaatarka inay xabado ka ridridaan. Cabdi Kirix iyo nin Gurey la yidhaahdo oo colkii jabhadda ka mid ahaa iyagana waxa lagu qaybiyey waddada idaacadda inay xabbado ka ridridaan. Col kale oo badan oo uu ka mid ahaa ninka isaguna gaadhiga labaad lahaa (Yuusuf Cabdi Xandulle “Haliil”), iyagana waxa lagu qaybiyey  inay halkaa Shanta Maylka (Karin Huwan) agagaarkeeda xabbado ka ridaan. Halka loogu talagalay inay ka baxaanna waxay ahayd Qudhaca Faarax Nuur”.

 

Cali waxa uu sheegay in maqribnimadiiba Cabdi Kirix iyo raggii kale ee rasaasta ka ridayey waddada Idaacaddu ay ku soo noqdeen, uguna bushaareeyeen in hawlgalkii najaxay Cabdillaahi Askarna lala baxay. Hase yeeshee, farxaddii iyo guushaasi ma noqon mid ay ku sii negaadeen Cali iyo raggii kale ee hawsha kula jirey, waxaana markaas uun u bilaabmay rafaad iyo dhibaato.

Aroornimadii ayay noogu darnayd markii la yidhi gaadhigiinnii Toyota-da ahaa ee Cabdi Kirix lahaa oo nin mayd ahi hoos yaallo ayaa meeshan yaalla!,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey; “Niman askar ah baanu u dirnoo waxaanu nidhi soo eega. Dabadeedna wallaahi waa dhab bay yidhaahdeen”.

Halkaa markay marayso Cali iyo eheladiisii markaa waxay bilaabeen inay tabaabusheeyaan Cabdi Kirix oo la doon-doonayey si ay ugala baxsadaan dil iyo xadhig. Waxa lagu daray Cabdi nin la yidhaahdo Muxumud Durraan si uu u tallaabiyo, laakiin nasiib darro, waxa la ogaadey in xuduudka oo dhan ay ciidamo joogaan oo lagu sugayo. Dib bay u soo noqdeen, aakhirkiinna waxa laga tallaabiyey Lawya-caddo xaduudka Jabuuti iyo Somaliland, iyadoo lagu isticmaalay kharash badan oo laaluush ah.

Haddana, Cali iyadoo culayskaasi ka dhacay oo uu Cabdi tallaabiyey, welwel iyo rafaad weli uma dhammaan, waxana uu bartilmaameed u noqday baadhista iyo handadaaddii joogtada ahayd ee ciidamadii taliska. Waxaana dhibtaas hore kaga sii darnayd u yeedhista iyo ciidamada maalin kasta la dul keenayey. Ilaa ugu dambayntii uu ku dhaqmay talo ay u soo jeediyeen laba nin oo CID-da ka tirsanaa oo nasteex u ahaa, taas oo ahayd inuu dhaleceeyo tallaabista laba nin oo walaalladii ah (Yuusuf Kirix iyo Cabdi) oo SNMta ku biiray, uuna u muujiyo inay yihiin fallaago isagana dayro ka ah. Taas oo ay ku qanceen saraakiishii talisku, kana fududaysay culayskii joogtada ahaa.

Dad gaadhayay 12 qof oo loo qabqabtay falkaas, badankoodana loo aaneeyay

Ganacsade Haliil, ayaa markii dambe oodda laga qaaday iyaga oo nabad qaba, marka laga reebo Marxuun Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse oo inkastoo intii falkaasi socday la qabtay, haddana loogu aaray khasaarihii Taliskii Barre loogu geystay, hawl-galkii buuraha loo yaqaannay ee dabayaaqadii sannadkii 1984kii. Marka la eego cududdii Taliskii milateri ee gobolkan joogtay iyo weliba arxan-darradii ay kula kacayeen shacbiga, waxay is-weydiintu tahay sidee ayay u suuro-gashay in dadkii ka qayb-qaatay hawl-galkii Birjeex iyo kuwii gacanta ka geystaba ay baxsadaan, ama si dhibyar la-isaga sii daayo kuwii loo aaneeyay ee la-qabqabtay iyo kuwii raadku galayba?

Iyada oo dad ka horreeyay kuwaas oo loo qabqabtay in ay lug ku lahaayeen, hawl-gal la doonayay in lagu dilo Gen. Gaanni, ay sannado badan dil-sugayaal ku ahaayeen Xabsiga. Marka laga yimaaddo in hawl-galku lama filaan iyo fir ka-nax ku noqday Taliskaa, SNM-na aan laga filayn awooddaa intaa le’eg, haddana waxa inta badan qayb ka qaadatay in arrintu koobnaato, musuq-maasuq iyo boob laxaad lahaa oo ay Ciidamadu Faqashtu ku jeedeen sannadihii dambe.

Faqashtu ku jeedeen sannadihii dambe.

Sidoo kale, waxa iyana fursad ahayd oo qayb ka qaadatay arrinta, Ficiltan u dhexeeyay Ciidamadii kala duduwanaa ee Taliskaasi soo dhoobay Gobolka, sida ka dhadhamaysa qoraal ay soo saareen guddi uu taliskaasi u saaray in ay soo baadhaan, sababihii suura-gelayay in hawl-galkaasi dhaco, go’aan dacwadeedna ay ka soo saaraan.

Qoraalkaasi, waxa uu muujinayaa in guddidaa ay ku adkaatay in ay helaan Bastooladdii uu rasaasta ka riday Marxuun Ismaaciil Sheekh Muuse oo ay Ciidankii qabtay lunsadeen.

Sidoo kale, Cali Gurey oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee weli nool, isla markaana ka mid ahaa xilligaa aqoonyahannadii reer Hargeysa ee xog-ogaalka u ahaa abaabulka hawl-galkaa, ayaa Haatuf u sheegay in markii uu ogaaday in gaadhigii Cabdi Kirix ee ka xumaaday Mujaahidiintii hawl-galkaa fulisay, ay ciidamadu heleen, wuxuu xusay inuu ka werwersanaa in raadka gaadhigu soo geli doono isaga iyo rag kale oo asxaabtiisa ahaaba.

Sababtoo ah, wuxuu Cali Gurey sheegay in gaadhigaas uu isaga laftiisu ku dhex wadan jiray magaalada Hargeysa gudaheeda, in badana lagu arkay isagoo wata wakhtigaa. Hase yeeshee, ayuu yidhi Cali; “Waxa la ii sheegay markii dambe in askarta lafteedu isku qabsadeen gaadhiga.” Wuxuu intaa ku daray Ali Yussuff oo uu yidhi; “Lama filaan iyo qaadan-waa ayay igu noqotay, markii aan Subaxdii xigtay maalintaa hawl-galku dhacay aan arkay, gaadhigii oo uu ku xarragoonayo Sarkaal tuutuhii melateriga xidhnaa. Wuxuu igaga horyimid waddada Cusbitaalka ka dambaysa, mise waaba gaadhigii oo lambarkiina ku xidhan yahay, kaas oo ahaa Soomaaliya – 33933.”

Taliyihii Ciidanka Gen. Maxamed Xaashi Gaanni oo wakhtigaa Siyaad Barre uga masuul ahaa Gobolka, una muuqday Madaxweyne kale oo gaar u maamusha gobolka, wuxuu isaga ku noqday hawl-galkii Birjeex jug weyn oo uu la-dakaamay. Waxaa qiyaasi kartaa, Masuulka inta uu cod-baahiyayaasha qaatay ku sayaxayay inuu gacanta ku hayo kii ugu weynaa cadawgii ay is-hayeen ee inta uu Tiyaatarka goleeyay, dadkii isuguyeedhay si ay u arkaan Cabdillaahi Askar oo feedho qaawan, laba-dible-na u xidhan oo silic u dhammaaday.

Isla markaana, saacaddii uu eegayay in la keeno madasha uu waayay wixii uu sugayay. Runtii, muraaradillaac keliya ma aha ee miyir-beel ayay ku ahayd, kuna noqonaysay qofkii kale ee dhiggiisa ah ee halkaa joogi lahaaba. Dad goob-joog ahaa, ayaa sheegay in markii lala baxay Cabdillaahi Askar, la waayay cid Gen. Gaanni u sheegta wixii dhacay iyo in Ninkii lala baxayba, taasina waxay aakhirkii dareen gelisay Gaanni laftiisa, markii sida la sheegay la gaadhay wakhtigii ay ballantu ahayd in Askar la geeyo Tiyaatarka.

Waxa taas u dheerayd Gen. Gaanni oo iyana jugteeda lahayd, markii uu ka soo ifbaxay dhinaca Maxamed Siyaad Barre, shaki ah in Gaanni arrintaa wax ka ogaa. Sababta shakigaa Siyaad Barre gelisay, waxay ahayd sida la sheegay mid ka dhalatay, Gaanni oo markii hore diiday amar ahaa inuu Askar u gudbiyo dhinaca Muqdisho, si ciidamada iyo bulshada Muqdisho-ba loo tuso 12kii Abril ee ahayd Maalintii Ciidamada loo dabbaal-degayay.

Hase yeeshee, wuxuu Gaanni ku dooday in haddii cid la tusayo ay xaq u leeyihiin Ciidamadiisii Qaybtii 26aad ee gobolkan joogay in ay daawadaan xuska Abril, maadaama ay iyaga guusha qabashadiisu ku suntanayd.

Sidaa aawadeed, waxay taasi ka baajisay Askar in loo qaado magaalada Muqdisho, balse markii dambe ee arrintu u dhacday, sidii llaahay ugu talo-galay, waxa la sheegay in Gaanni laftiisu uu garan waayay si uu ugu sheego waxa dhacay Maxamed Siyaad Barre.

Marka laga tago saamayntii uu hawl-galkaasi ku yeeshay Gen. Gaanni iyo Ciidamadiisii, bal aynu u soo noqonno qodobbada kale ee qormadan ku soo arooray ee la-xidhiidha hawl-galkaa. Doodaha iyo faallooyinka ka hadhay hawl-galkaa ka sokow, maanta oo uu dalku xor ka yahay Taliskii digtaatooriga ahaa ee xilligaa, waxa muuqata in midhadhkii ka hadhay dadkii sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qayb-qaatay hawl-galkaa iyo agoontii ay ka tageen Mujaahidiin farabadaniba in ay ku dhex dayacan yihiin dalkooda hooyo, cid daryeelaysa ama danaynaysaaba aanay muuqannin, sida halgamayaashii kaleba.

Tani, waxay dareen xannuun badan ku carisaa intii ku wayday qofkii uu jeclaa, ku laxaad beeshay ama ku waayay maalkii ay haysteen. Inkastoo, guud ahaanba uu halgankii hubaysnaa ee SNM ahaa, mid taariikhdiisa leh, haddana hawl-galkii Birjeex waxa lagu tilmaamaa inuu yahay mid ka mid ah, hawl-galladii taariikhda sida sugan u galay.