Sinaantii Laโ€™eeday Qaybta saddexaad (WQ: Yuusuf Hayd)

October 21, 1969, markii Kacaanku la wareegay talada dalka, nolosha bulshada Soomaaliyeed aad bey u liidatay. Ma jirin dhaqaale macno badan leh oo dadku shaqo ka helayaan. Ganacsiga oo aad u yaraa waxa haystay dad Asiyaan ah oo aan wax buuran ย tarayn.

Kacaanku waxa u wax weyn ku soo kordhiyay nolosha bulshada-dhinacyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshda; waxa uuse xakameeyay arrimaha siyaasadda oo weliba meeshii bulshadu maraysay u dib uga riixay. Waxa dhammaan cagta la saaray xoriyadii qofka iyo bulshadaba iyo furfuraantii siyaasada. Waxa dadka lagu khasbay inay aamminaan Hatiwadaaga Cilmiga ku dhisan oo inta fahmaysaa yarayd, dhaqanka iyo caqiidada dadka ka soo horjeeday.

Dhinaca kale, marka laga yimaado madaxbanaanida fikirka, Kacaanku wuxu horumar balaaran ku sameeyay arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. ย Dhinaca arrimaha bulshada, waxa la mamnuucay arrimo ay ka mid yihiin qabyaalada, qaadka, iyo takoorkii dadka la haybsooco. Dadkaas qaar ka mid waxa loo dhiibay ย darajooyinka ugu sareeya ย dalka oo wasiiradu ka mid ahayeen. Waxa dumarka Soomaaliyeed loo ogoladay iny qabtaan shaqooyinka ugu sareeya qaranka iyo inay ciidamada qalabka sida ka mid noqdaan. Waxa la hirgeliyay saacadaha shaqada iyo mushahar joogto ah. Waxa ย la shaqaaleeyay dhammaan dadkii shaqo laโ€™aanta ahaa.

Dhinaca tacllinta, waxa la hirgeliyay oo la kordhiyay dhammaan heerarka tacllinta, laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa jaamacaddaha oo dhammaan kulliyadaha muhiimka ahi u dhanyihiin oo lacg laโ€™aan ah. Waxa la qoray ย af Soomaaliga oo ah dhaxalka ugu weyn ee Kacaanku ka tegay, waxana la dejiyay manhajka dugsiya oo af Soomaal ku qoran. Waxa la hirgeliyay wabarashada dadka waaweyn iyo ololaha reer miyiga ee waxa khriska iyo qorista. Waxa halkudheg noqotay Bar ama Baro.

Arrimaha aad wax looga qabtay waxa ka mid ah dhaqaalaha. Waxa la dhisay kaabayasha dhaqaalaha, waxana laysku xiray gobolada dalka. Waxa la abuuray warshado badan oo badankooda laga hirgeliyay caasimadda Xamar. Waxa la furay mashaariic badan oo dhammaantood laga hago Xamar. Waxa la hirgeliyay danwadaago dadka xoolodhaqatada ee abaaruhu naafeyeen loo abuuray.

Waxa nasiibdaro ahayd in dhammaan wixii ย kasta oo ka soo hoyda ilahaas dhaqaalaha ee beeraha warshadaha, mashariicda, dekadaha ย iyo cashuuraha berriga ee gobolada oo dhan lagu soo shubi ย jiray Xamar. Meel kale in wax laga dhiso wey adkayd. Tusaale ahaan, markii la la qorsheeyay in la dhiso warshadda sibirka, madaxada ย qaar baa ku taliyay ย in laga dhiso Xamar, dhagaxana laga soo raro Berbera. Muran badan ka dib bey noqotay in warshada Berbera laga dhiso dhaqaalaha ka soo baxana Xamar lagu soo shubo. Xamar waxay noqotay foosto gun daloosha oo ay ku soo shubmaan dhammaan dhaqaalaha ka soo hoyda dalka iyo meesha liqda deeqaha debedda laga helo.

Waxa aan maqlay Somaliland dhibaatada ka dhacday ee ilaa iminka socota waxyaabihii sababay ย waxa ka mid ahaa dhallinyaro reer Hargaysa ah oo soo jeedisay in cashuuraha dekeda berbera ka soo hoyda in aan dhammaanteed Xamar lagu shubin ee gobolka Waqoyi Galbeed wax looga reebo. Codsigaas ย waxa aan maqlay dawladu ย aad bey uga ย carootay, waxana ย xirxirtay dhallintii talada soo jeedisay.

Sida dalalka Afrika ย dhammaantood ka dhacday Somaaliya waxa ay noqotay dal Xamar ย  keliya ka shidantahay. Dhammaan horumarkii Kacaanku sameeyay wuxu ku koobnaa Xamar, waxana ka dhashay laba dhibaato. ย Dhibaatada kowaad waxay ahayd dadkii ย gobolada dalka oo dhan ka soo yaacay oo Xamar isku soo shabay. Sababtuna waxa ay ahayd baahidii ay qabeen, sida shaqada, caafimadka, waxbarashada, basaboorada, iwm oo Xamar lagu koobay oo aan gobolada kale laga helayn. Waxa dhacday in xita macallimintii diidaan inay tagaan gobolada marka ย loo bedelo. Waxa cidla noqday magaalooyinkii gobolada. Waxa dhacday in ilmaha Xamar ku noolna u helo tacliinta dugsiga hoose ilaa jaamacad oo ย lacag laโ€™aana ah, midka goboladuna waayo cid xaraf u xariiqda.

Dhibaatada labaad ee abuurantay waxay noqotay in beelihii Xamar iyo nawaaxigeeda deggenaa in ay u qaateen in manfaca Xamar yaala in ay iyaga keligood leeyihiin oo gobolada looga soo yaacayo si khayradkooda loo boobo. Waxa beelihii Xamar sheeganayay iyo dadkii gobolada ka yimi ka dex abuurmay dareen ah โ€˜ANNAGA IYO IYAGAโ€™ oo ay ku dheehnayd qabyaaladi. Waxa aan aamminsanahay in qabyaaladda weli ku rafanaysa dadka Soomaaliyeed in ay ka soo bilaabmatay halkaas. Waa sabata maanta goboladu u diidanyihiin inay Xamar ka amar qataan oo midnimadii dib loo soo celiyo. Dawlada Federaalku weli waxay wadaa xal ah in Xamar dalka laga maamulo, gobaladuna ma ogola. Somaliland iyo Puntland waxa ay dantoodii ka dex arkaan Imaraadka. Jubbaland waxay habeenkii u gudaa Kenya. Hirshabeele, Waqooyi Galbeed iyo Galmudugna cidlo mafadhiyaan. Xaajadu waxa ay taala โ€˜Maxaa xal ah?โ€™ Waxa nasiibdaro ah in ilaa iminka Dawladda Dhexe ay diidantahay in la helo horumar saf ballaaran ah oo loo simanyahay iyo khayraadka oo aan Xamar marti loo ahaan.

La soco qayta 4aad