Shakhsiyaad xidhan shaadhka Kulmiye oo ku hawlan dhiciseynta saldhiga milatari ee UAE ka furanayso Berbera (WQ: Maxamed Ismaaciil Carte)

 

Xagay Salaadu ka xidhmi wayday: Waa Maxay Xukuumadan iyo Xisbigan dabinada isu qoolayaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu dedaal weyn geliyay inuu awooda saaro muddada uu xilka hayo sidii uu wax uga qaban lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkan curdinka ah. Si taas loo helo waxa uu madaxweynuhu awooda saaray inuu jabiyo darbigii Somaliland ka hortaagnaaย  inay kasbato maalgashiga dawladaha qaniga ah ee Khaliijka carabta.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu dedaalkaas ka bilaabay dalka Imaaraadka carabta oo markii u horreysay ogolaaday inay Somaliland ku yeelato xafiis qunsuliyadeed oo ka shaqeeya isku xidhka danaha labada dal, kaasi oo uu u magacaabay Baashe Cawil Xaaji Cumar, iyadoo muddadii laba sanno ku dhawaadka ahayd ee xafiiskaasi jiray Somaliland ay u suurtogashay inay cilaaqaad adag la yeelato Imaaraadka Carabta. Waxa iskaashigaas xoogeystay uu keenay in dawladda Imaaraadku noqotay dawladda kaliya ee ka soo jawaabta baaqyada abaaraha baโ€™an ee dalka ka jiraย  ee taakulo kala duwan ka geysatay samatobixinta dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Sidaas oo kale waxay Somaliland kala shaqeeyaan mashaariic dhawr ah oo ay ka mid yihiin hirgelinta ceel biyoodyo laga binaynayo gobollada dalka.

Heshiiskii Casriyaynta Dekadda Berbera:

Bishii May ee sannadkii 2016 waxa dawladaha Somaliland iyo shirkadaha dekadaha ee imaaraadka ee DPWOLD, kala saxeexdeen maalgashigii ugu ballaadhnaa ee shisheeye ee waligeed Somaliland heshoย  oo ay ku maalgelinayaan marsadda Berbera. Waxaanna ku baxaya adduun lagu qadaray $442 Milyan oo doollar oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera. Heshiiskaas oo noqday mid Somaliland u fura in sharaaโ€™iga waaweyn ee caalamiga ahi ku aaminaan inay maalgashan karaan.

Heshiiskan waxa ku jira la dhiso jidka isku xidhaya magaalo xeebeeda Berbera iyo Itoobiya, kaasi oo isna ah faaโ€™iido kale oo sahlaya inay marsadda Berbera adeegsato Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan lahayn badduhu.

Heshiiska Saldhiga Milatari ee Imaaraadka:

Waxa kaloo isna dhammaad ku dhow in qalinka si rasmi ah loogu duugo heshiis kale oo waxtar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u leh Somaliland, kaasi oo Imaaraadka carabtu kaga furanayo magaaladda Berbera saldhig milatari. Heshiiskan waxa uu Somalilandย  u noqonayaa fursad siyaasadeed oo kaalin togan mustaqbalka ka qaadan kara ย ka midho dhalinta qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Heshiiskan waxa uu kor u qaadayaa qiimaha iyo mustawaha siyaasiga ah ee Somaliland ka ciyaarayso mandaqadda. Waxaanna saldhiga milatari heshiis ku ah oo soo dhaweeyay dalalka jaarka ee masaalixda siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyo innaga dhaxeeyaan oo ay ugu horreyso dawladda Itoobiya.

Heshiiskani waxaย  tababaro noocoodu sareeyo ย iyo dhaqaale ka helaya ciidammada ilaalada xeebaha iyo laamaha ammaanka ee Somaliland ย oo uu noqonayaa mid dhaqaale abuur u noqdaย  bulshadda magaalada Berbera oo dhaqaale ka soo galayo xarakaadka dadka badan ee imanaya saldhigan.

Waxa mashaariicda laga dheefayo heshiiskan ka mid ah in la dhisayo waddo tareen oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Diridhabe.

Kooxaha ka soo horjeeda Saldhigan:

Waxa indhawaaleba isa soo tarayay kooxo caaridaya oo ka soo horjeeda saldhigan, waxaa kooxdan hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo ku hawlan tallaabooyin lagu mijoxaabinayo ย heshiiskan. ย Waxa iyaguna dayaacado ummadda lagu shaki gelinayo oo looga gol leeyahay in la kala kiciyo heshiiskan wada warbaahinta taageertaย  xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaana warbaahintan ka mid ah wargeyska HUBAAL oo isaguna dacaayadeynaya Heshiiskan. Waxaanna la isweydiinayaa sababta warbaahintii iyo shakhsiyaadka kale ee dawladda ka tirsani ay ugu hawlan yihiin inay burburiyaan heshiis ahmiyad dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u Leh Somaliland?

 

Maxamed Ismaaciil Carte

Hargeysa/Somaliland