Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay 19 kalena way ku dhaawacanmeen qarax ka dhacay hudheel ku yaalla magaalada Gonder ee waqooyiga dalka Itoobiya.
Isla markiiba lama aqoonsanin cidda ka dambaysay qaraxan oo habeenimadii salaasadii dhacay, laaakiin booliisku waxay la xidhiidhinayaan mudaharaadyadii rabshadaha watay ee billaha ka socday gobolka Amxaarada.
Waa qaraxii labaad ee muddo todobaad ah dhaca, waxaana midkan ka sii horeeyay qarax ka dhacay magaalada Bahir Dar Arbacadii hore.
Todobaadkan horaantiisii, Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in xukunka dagdaga ah ee dalkiisa ka jira uu gacan ka gaystay dib u soo celinta xasiloonida kadib markii in ka badan muddo sannad ah ay mudaaharaadyo ka socdeen gobollada Amxaarada iyo Oromada, labadaas qawmiyadood ayaana ka cawday in laga takooray dhaqaalihii iyo siyaasaddiiba.
Qolyaha xuquuqda Aadamaha u dooda ayaa sheegay in boqolaal dad ah la dilay kumannaan kalena xabsiyada loo taxaabay tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billaabmeen bishii 11aad ee sannadkii 2015-kii.
Sidoo kalena waxay dawladdu waxay sii daysay maxaabiis gaadhay ilaa 10,000 oo qof.