Sheekadii Bakaylaha iyo Diinka: Koobis, Falanqayn iyo Tafsiirin (W.Q. Qaasim Daa’uud Qalinle)

Dabayaaqadii bishii Maayo 2015, waxa uu daabacay mareegta “Bandhige” sheeko mala awaal ah oo aad u xiisa badan oo uu qoray Mukhtar Maidhane. Sheekadan waxay ku soo baxday cinwaan ka ah “Bakayle iyo Diin”. Sida aad ciwaanka ka fahmi karto, sheekadu waxay ku salaysan tahay habar-dugaag, laakin macnaha ay xambaarsan tahay intaa waa dhaafsan yahay.

Markii aan akhriyay sheekada tan waxay ay ii samaysay sawiro farabadan oo aan meel walba u qaadi karo, buuxin karana hadba meesha aan u qaado. Waxay dib ii xasuusisay sheekadii “Animal Farm” ee uu qoray ninkii odayga ahaa ee George Orwell sanadkii 1945. Dabcan, labada sheeko aad ayay u kala fog yihiin sida ay wax u kala cabirayaan, laakin meelo badan oo ay wadagaan waa jiraan. Ma rabo in aan wakhtiga ku lumiyo arintaa hada. Waxaan qalinka u qaatay in aan daaha ka rogo micnaha dahsoon ee sheekadu xambaarsan tahay ee xaalada hada aan ku jirno laga dheehan karo. Qormada tan waxaan u kala qaadi sadex qaybood: soo koobis aan ku sameeyo sheekada, falaqayn aan ku sameeyo agabyada sheekada, iyo tafsiirinta macnaha dahsoon ee sheekada.

 Koobis:

Sheekadu waxay ku bilaabmaysaa bakayle oo isku habar wacday si ay uga tashadaan hagardaamada ay ku hayaan duurjoogta iyo dabjoogtuba. Kulankan oo shir gudoon ka ahaa oday dhaqameedka beesha bakayle ugu wayn. Dood badan iyo garnaqsi dabadeed, waxaa lagu soo gunaanaday shirkii in reerku dhibaato wayn la soo daristay, loona baahan yahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa. Waxa tusaale hididiilo noqon kara ay u soo qaateen “Diin” oo ah bulbulayaasha ay wax badan wadaagan iyo sida uu uga digtoon yahay, ugana dhawrsan yahay jalaafada ay dad iyo dugaagba ku hayaan. Waxa ay isla meel dhigeen in ay daruuri tahay qolofta diinka oo kale la samaystaa, ayna xal waara noqon karto. Aragtidii hogaanku soo jeediyay aqbal iyo gudoon ayaa la yidhi.

Hayeeshee, mid ka mid ah ergayda shirka ayaa soo jeediyay in qayb lagu tijaabiyo fikrada si haddii wax khaldamaan dib loo sixi kari. Hawraarsan ayaa la yidhi taladiisii isna. Si arintaa loo fuliyo, waxaa loo xilsaaray intii aqoon iyo farsamo saaxiibka la ahayd in ay soo sameeyaan qolaf bir ka samaysan oo sida diin ka oo kale ah. Markii la soo sameeyay, hormadii koobaad ayaa lagu tijaabiyay sidaana way ku daaq tageen. Raxan dacawo ah ayaa soo hujuuntay isla maalintii u horaysayba. Bakayle waa ka xuluushay sidii diinka. Dacawo way la yaabtay sheekadan cusub iyo waxa meesha ku qarsoon. Markii ay waxba ka fahmi wayday kumay hakan, way ka carawday. Maalintaasi waxay noqotay maalin habar bakayle oo dhan ay dalbaadageed guusha ay gaadhen. Maalintii labaad goobtii meel aan ahayn ayay inantii dayo arinkii ku aragtay, way u kuur gashay in ay meesha wax ka khaldan yihiin. Waxay ku fikirtay in ay bahashan malaasan rogto oo ay ka salgaadho waxa ku jira. Waa ninkii odayga ahaa. Halkaa ayay taladii beeshu meelmarisay ay ku soo af meerantay. Bal labaad ayaa la isugu baaqay, hogaankii bulshada bakayle waxaa uu qirtay dhaliisha ka soo hooyatay taladiisii. Waxaa la isla gartay in ayna fikirkaasi shaqaynan, ee bakayle orad uu isu ogaado.

 Falanqayn:

Sheekada waxaa u dub dhexaad u ah sadex jile oo kala ah: Diin, Bakayle iyo Dacawo. Hase ahaatee waxaa door muhiim ah ka cayaaraya bakayle oo hadba ladila, ayna ka go’an tahay siduu u heli lahaa xal waara oo uu kaga amaan helo sharka aadanaha iyo kan habar dugaag. Qoraagu bilawga sheekada waa inaga qariyay dacawada oo doorka 2aad kaga jirta sheekada. sababta uu sidaas u samayayna waa in akhristuhu uu sheekada meela kale la aadin ilaa inta uu dhamaynayo wajibaadkiisa akhriska ah. Dhanka kale, qoraagu waxaa uu soo xushay sadex xayawaan oo mid walba astaanta gaar ah leeyahay sida uu micnaha iyo halka sheekada uu la rabo ay uu buuxiyaan. Hoos ka dheego astaanta ay leeyihiin sadexda xayawaan ee sheekada inoo dugbinaya.

Diin: waxaa uu ku astaysan yahay nin dagan oo waligiiba nabadgalyada iyo xaqdharka jaarkiisa iyo inta ay dano wadaagaan jecel. Waxa in taa u dheer in uu dhibaata walba uu ka gaashaantay oo haba yaraatee wax dhib ah inta badan uu la kulmin. Qolofta uu huwan yahay waxay u sahashay in ay ka ilaaliso dhibaatada uu aadanahu ku samayn karo iyo ta habar dugaag. Artintan waxaa kale oo ay u sahanshay in uu ka mid noqdo beelaha ugu faca wayn duurjoogtada.

Bakayle: sida aan sheekada ku soo aragnay astaanta gaar ka ah ee uu alle siiyay waa orad. Intaas marka laga yimaado, sheekada waxaad ka fahmi kartaa in beesha bakayle dhexdeeda uu ka muuqdo bislaansho siyaasadeed, wadatashi, wax is-waydiin, is-qancin, isku-tanaasul, is-dhagaysi  iyo is-aamin si ay uga tashadaan aayaha mustaqbalkooda.  

Dacawo: sida aynu ku naqaanay dacawo waxay ugu khiyaano badan tahay xayawaanka duurka jooga oo dhan, laakin sida ay sheekada ugu jirto hada astaantan waa ay ka dheertahay. Waxaad sheekada kala soo bixi karnaa in ay leedahay garasho, badheedhe iyo ku dhac, xirfadna la saaxiib tahay.

Marka aynu intaa ka nimaadno, sheekadu waxay xambaarsan tahay mawduucyo badan oo ay ka mid yihiin, siyaasada, dawladnimada, maamul wanaaga, iyo aqoonta. Habsami u socodka shirka beesha bakayle ku bilaamay, sida afkaarta la isu waydaarsanayay iyo sida ergayda loo soo xushayba ayaa tusaale inoogu filan dulucda sheekada ay xanbaarsan tahay.

 Tafsiirin:

Sheekadan waxay ku soo beegantay wakhti marxalad xasaasi ah uu dalka ku jiro taasi oo axsaabta mucaaradka iyo kuwa muxaafadkuba ay ku loo lamayeen doorashada iyo goorta ay qabsoomi doonto. mudooyinkii danbe, waxaan la soconay in khilaafka arinkan uu meel fog gaaray. Si arintan loo soo afmeero, waxaan ogayn in golaha guurtidu uu muda kordhin laba sano ah u sameeyay xukuumada waqtigeedii dhici rabo; waxaan la soconay in axsaabta mucaaradku aritaa ay ka biyo diideen. Bal aynu midba gaar u dul istaagno doorka uu khilaafka ku leeyahay sadexdan gole: Golaha guudtida, xukuumada iyo axsaabta mucaaradka iyo sida ay sheekada u buuxin karaan ama astaanta ay wadaagi karaan.

  • Waxaa aynu oganahay in golaha guurtidu uu yahay golaha ugu da’da wayn kaasi oo aan wali la badalin abid intii la doortay. Golahani waxa uu ku astaysan yahay golo nabadeed oo jecel in dalka iyo dadkuba ay nabad ku waaraan. Golahan wax dhib ah oo inta badan soo daristaa ma jirto sababta oo ah waa ka gaashaantay balaayo oo dhan….. shar gudban!!!. Ilaa hada xaataa ma jirto cid hadal haysa goorta mid kale la dooran doono iyo goorta uu mudadiisu dhamaanaayso.
  • Waxa aynu ognahay in golaha xukuumadu mudadeedii ay ku ekayd dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee lixaad ee sanadkan 2015. Tan macneedu waxa weeyi in uu goluhu haysan sharciyad uu meeshu uu ku sii fadhiyo haddii uusan helin muddo kordhin. Sidii aynu ogayn, Xukuumadu waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii cimri dheeri ay u heli lahayd sida golaha guurtida oo ay meesha iska fadhido abid, waa sida ay jeceshaye. Si ay arintan uga midha dhaliso, xukuumadu waxa ay wada xaajood la sameeyay golaha guurdida si mudo kordhin loogu sameeyo. Waa tii mudo kordhin labo sano mudo ku dhaw loo sameeyay oo ahayd halkii khilaafka ugu ba’ani ka bilaabmay. Hayeeshee, xukuumadii waxay ay ogaatay in ay arintaasi ku hungoobday, sharafta iyo wanaaguna uu ku jiro axsaabta iyo shacabka oo ay wada tashi la samayso, tanaasulna ay muujiso dhankeeda. Arinta ayaa ah astaanta uu allah siiyay oo ay kaga gudbi karto dhibaata walba.
  • Ilaa intii ay soo shaac baxday muda kordhinta uu guurtidu u samaysay xukuumada, axsaabta mucaaradka waxa ay u tafaxayteen sidii ay arintaa u qaadici lahaayeen oo xal waara looga gaadhi lahaa. Waxa aynu la soconay halkii ay gaadhay arintaa ilaa beeshii calamku ay warbixin ka soo saareen. Ugu danbaytii, waxayna noqotay mid ay guul ka soo hooyaan kadib markii muda kordhintii labada sano ahayd ee guurtidu samaysay la iska laabay oo mid ay xukuumadu iyo axaabta qaranku ay raali ku yihiin la isla qaatay.

Gabagabo: Akhriste adiga ayaan kuu dhaafay in aad soo gabagabayso sheekada. Meela badan oo qormada tan ka mid ah waxaan saaray dabool, sababta oo ah waxaan ugu talagalay in aad u isticmaasho maskaxdaada si aad u la soo baxdo macnaha ku dahaaran. Waxaan kaga baxay …. nin geesiyana waa garan, doqona loo sheegi maayo. Hafeef: tafsiirkan maaha aragtidayda ama ta qoraaga ee waa sida sheekadu macno ku samayn karto. Akhriste waxaa laga yaabaa in ay sawir kan mid ka duwan ay kuu samayn karto iyo waliba mid ka fiican.