Goleyaasha xeer-dejinta oo hadda ansixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, maxaa laga filayaa in uu qabto?

Labada gole ee xeerdejinta, Wakiillada iyo Guurtida, ayaa maanta sidii la filayey qabsaday kulan aan caadi ahayn waxayna aqlabiyad ku ansixeen Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed.

Golaha waxa maanta ka soo xaadiray 122 xildhibaan, 110 ka mid ahi way ogolaadeen, 11-na waa ay ka aamuseen, cid diidayna ma jirin.

Sidaas ayuu Aadan Xaaji Cali Axmed uu ku noqday madaxa garsoorka Somaliland oo dastuuriyan ah rukunka saddexaad ee dawladnimo.

DSC01762
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo la fadhiya shir-guddoonka xeer-dejinta
DSC01767
Muuqaalkii golaha kuurtida ee maanta

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed wuxu muddo bare sare ka ahaa Jaamacadda Hargeysa marna wuxu ahaa Hormoodka Kulliyadda Nabadda iyo Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Sidoo kale Aadan Xaaji wuxu muddo dheer ku soo jiray bulshada rayidka ah isagoo laba sanno guddoomiye ka ahaa Dallada Jilayaasha aan Dawiliga ahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo “SONSAF”.

Guddoomiye Aadan waxa hor yaal hawl culus oo ah in uu wax ka qabto hannaanka garsoorka Somaliland iyo sugidda caddaaladda iyadoo cabashooyin iyo dhalliilo baaxad leh ay beryihii u dambaysay ka jireen garsoorka, taas oo Madaxweyne Siilaanyo laftiisu uu ku xusay wareegtadii uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali “Yuusuf-Muruq”.

DSC01765
Xoghaya Guurtida Cabdillaahi Dheere oo akhrinaya taariikh-nololeedka Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare
DSC01734
Xildhibaanada Golaha Guurtida oo diyaar u ah in ay codeeyaan

Bandhige@gmail.com