Shirka Rooma: Ma Kulmi doonaan Abiya iyo Xasan Sheekh? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waxa dalka Talyaaniga ka socda shir  ay isugu yimaadeed dalalkii Afrika oo u badan kuwii u  gumeysan jiray. Shirkaasi Xasan Sheekh waa tegay, waanu ka hadlay. Wuxuu weli la suuxsan yahay wareerkii uu ka qaaday heshiiskii Soomaalilaan iyo Itoobiya. Wuxuu shirka sheegay siduu uga xun yahay inay Itoobiya dalkiisa ku soo xadgudubtay, hasayeeshee masuuliyiinta Itoobiya wax jawaab ah kamay bixin hadalka Xasan Sheekh.

= Haddii ay kulmaan, Xasan Sheekh wuxuu markaba miiska soo saari doonaa in Raysal Wasaare Abiya uu ka noqdo heshiiskii Soomaalilaan. Taasi beddelkeeda uu isaga heshiis la galo, siduu dhawr jeer sheegay. Abiya wuu ku gacansaydhi doonaa dalabkaasi, oo wuxuu maanka ku hayaa in Muqdisho aanay ficil ahaan uga talin Soomaalilaan. Haddii uu heshiis uu Muqdisho la galaa waxtarayo, kii Farmaajo ayaa shaqeyn lahaa ( reality on the ground). Abiya wuxuu dhawaan xisbigiisa PP u sheegay in aanay ku shaqeynayn midnimada Soomaaliya