Waraysigii Tilifiishanka Qaranka kor u Qaaday W/Q: Cali Cabdi Coomay

= John F. Kennady oo soo noqday madaxweyneyaashii ugu saameynta badnaa Maraykanka ayaa la weydiiyey, maxaa lagu gartaa shayga saameynta badan? Wuxuu ku jawaabay, ” warbaahinta iyo dadka caadiga ah ayaa inta badan hadal-haya.” Hadal kama taagna inuu Wasiir Cali Mareexaan fikirkiisa lahaa waraysigii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Soomaalilaan siiyey Warbaahinta dawladda gaar ahaan Tlilifiishanka Qaranka Soomaalilaan.

Waa masuul maskax furan oo fahansan siday warbaahinta caalamku u shaqayso. Adduunka warbaahinta qaranka ayaa meello badan loo daba-fadhiistaa warka qarankaasi leeyahay.

= Haddii aynu u soo noqono waraysigii saameynta badnaa, wuxuu ahaa mid ay warbaahintii madaxa bannaanayd xignayso warbaahinta dawladda, oo aan hore loo arag muddo dheer. Saameynta uu shay leeyahay waxa laga gartaa inta qof ee daawatay, inta ka falcelisay, inta sii baahisay (shared) iyo ku raysay inay daawato (like).

Bilowgii waraysiga wuxuu marayey 445,000 oo qof oo daawanaysay, hasayeeshee markii dambe xadhkaha ayuu goostay. Waxa ka falceyey 3,400 oo qof. Waxa jeclaystay daawashadiisa 2,800 oo qof. Waxa sii faafiyey 778 oo qof. Dhammaan tirooyinkani waa bilowgii, way se sii socotay tiradu. Ugu dambayntii waa in masuuliyiinta dawladdu maanka ku hayaan masuuliyadda ka saaran warbaahinta qaranka, sidii loo kordhin lahaa sumcadeeda.