Sida aan u fahmay guurka cusub ee Ilhaam Cumar (WQ: Suldaan Nayruus)

Sida aan marar badan ka maqlay Warbaahinta Soomaalida ee Maraykanka, waxaa lagu sheegayey Ilhaan gabar dhalad ah, muslimad ah oo fariid ah. Dhaqankii Islaamka ayey geysay aqalka cad baa la yiri. Weligeed gambada ma aysan dhigin. Xuquuqda Soomaalida ayey u istaagtay. Falistiiin bay u doodday oo balo karaaci gaartay. Soomaaalinnimo iyo Islaannimo darteed ayey Taraam uga hortimid. Markii aan maqlay in ay guursatay nin gaal ah, waxa aan u fahmay, in uu ninkaasi u la muuqday in uu yahay nin heer sare ah oo haddii uu Diinta Islaamka qaadan lahaa uu wax badan u tari lahaa Soomaalida iyo Muslimiinta guud.  Waxa ay ila tahay in ay kol dhaw islaamin doonto oo hawsheedii Soomaalida, Falastiinta iyo muslimiintana halkeedii ka sii wadi doonto iyada oo haysata caddaan dhalad ah oo garab taagan!

Haddii, marka, sannadkan inta ka dhimman wax war ah oo islaannimada ninkaas ah la waayo, hawsha Ilhaan waxa ay ka mid noqonaysaa hawlaha lagu yaqaan dadka Laandheera ah ee batraanka ah ee taagtay ee xeerka iyagu gacmahooda ku samaysta!