Siyaasadda Arrimaha Bulshada (WQ: Mukhtaar Axmed Nuur)

Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Soomaalilaan ayaa waxa ay diyaarisay dhawr siyaasadood oo ku wajahan arimaha bulshada walow la odhan karo kuwii dhab ahaan looogu baahna wali lama diyaarin. Siyaasadahaas waxa ka mid ah;

1. Siyaassada Qaran Ee Shaqo Carbinta

2. Siyaasadda Qaran Ee Dadka Naafada Ah

3. Siyaasadda Qaran Ee Xad Gudubyada Jinsiga

4. Siyaasadda Qaran Ee Daryeelka Caruurta

Dhammaan siyaadahan waxa loo qorey qaab wanaagsan una dhaw inay yihiin kuwo ku habboon deegaanka iyo xaaladda lagu sugan yahay, haddana waxa adag in ficil ahaan loo fuliyo maaddaama uu yar yahay dhaqaalihii iyo dadkii aqoonta u lahaa inay fuliyaan siyaasdahan. Intooda badan waxa ay u eegyihiin siyaasado muddo go’an ah sida 5ta sano ee ay xukuumaddu taliso oo waxa suuro gal in xisbiga kale ee ku guuleysta doorashada uu dhammaan baddalo wixii qoladii hore qoratay. Akhriste bal aynu is wayddiinno waa maxay siyaadda bulshadu ( Social Policy) maxaa ay kaga duwan tahay dastuurka iyo xeerarka ?

Sida ay qabaan badiba dadka ku shaqada leh siyaasadaha waxay ku macneeyaan inay tahay habka ama nidaamka ay bulshooyinka dunidu ay u maareeyaan una dhamaystiraan baahiyahooda aasaasiga ah oo ay ka mid yihiin; nabad galyada, waxbrashada, shaqada, caafimaadka iyo guud ahaan badhaadhaha bulshada. Siyaasadda arimaha bulshadu waxa ay daristaa sida ay dawladaha iyo bulshooyinku ay uga falceliyaan is baddaladda dhaqan dhaqaale iyo kuwo siyaasadeeba oo ay ka mid yihiin; fakhriga, isku socodka dadka iyo xero edagaynta( Globalization). Dhanka kale, siyaassada bulshadu waxa ay abla ablaysaa doorarka kala duwan ay ciyaaraan; qaramada, qoyska, ururada bulshada rayidka ah, suuqyada iyo waliba ururada caalamiga ah iyadoo u jeeddadu tahay in adeeg la gaadhsiiyo bulshada.

Siyaassada arimaha bulshadu waa qor u qaadista iyo bixinta adeegyada ay ka midka yihiin; daryeelka hooyada iy dhallaanka, dugsiyada iyo waxbrashada, kor u qaadista dakhliga iyo yarayda fakhriga iyo gaajada. Caribta shaqaalaha iyo shaqo gelinta, daryeelka caafimaadka bulshada iyo daryeelka dadka da’da ah. Sidoo kale, siyaassada arimaha bulshadu waxa ay xal u raadisaa faquuqa iyo kala sarraynta dabaqadaha bulshada ( Inequalities) duruufaha dhaqan-dhaqaale, jinsiyadaha iyo qabiilooyinka, isku socodka dadka, dadka naafada ah ee u dhexeeya waddamada. Siyaassada arimaha bulshada waxa dajiya maamulka ugu sarreeya uu dal leeyahay sida golaha shacabka ama xukuumadda dhexe.

Siyaassada arimaha bulshadu waxay inoo sahlaysaa in aynu maarayno dhammaan arimaha ku shaqada leh bulshada. Tusaale wanaagsan si loo helo xogta ku saabsan kor u kaca iyo hoos u dhaca guurka waa in dawladdu ay diwaan geliso laba qof kasta oo is guursanaya sidoo kale waa in dawladdu markhaati ka tahay laba qof oo kasta oo kala tagaya. Tani waxa ay sahlaysaa in la ogaado intee maraya heerka furriinka ee dalku sidoo kale ma hoos u dhac ayaa ku yimi guurka mise kor u kac. Dhanka kale, dawladdu waa inay diwaan galiso qof kasta oo dhinta iyo sababta uu dhintay si helo nooca xanuunka uu qofkaas u dhintay iyo imisa qof oo kale ayaa iyaguna xanuunakan oo kale u dhintay. Waxa kale oo iyana siyaassada arimaha bulshada ka mid ah in la ogaado dadka xabsiyada ku jira iyo dambiyad ugu badan ee ay ku eedaysan yihiin. Saas awgeed xogta ka soo baxda tirakoobyadan ayaa noqonaysa mid lagu hawl galo si waxa looga qabto arrinkooda.

Siyaassada arimaha bulshadu waxa ay ku qotontaa xogo iyo cilmi baadhisyo taabanaya salka hoose ee dhibaatooyinka bulshada haysta si xal loogu helo. Haddaba guud ahaan bulshada soomaalida meel ay ku nool yihiinba shicib iyo dawlad ma jirto wax ay kala socdaan siyaassadan. Kuwo qoreen xukuumadahan taagta darrana maaha mid ficil ahaan loo baddali karo maxaa yeeley ma jirto cid ka daacad oo la odhan karo way fulin karaan.siyaassada arimaha bulshadu maaha mid ku kooban inta aynu soo xusay. Nidaamka siyaasadeen uu dal adeegsado wuxuu saamayn ku yeelanaya nooca siyaassada bulshada ee la qaadanayo.

 

WQ: Mukhtaar Axmed Nuur