Xukuumadda Somaliland Oo Ku Mashquulsan Hirgelinta Warbaahin Dhinaca Internet-ka Ah Oo Ay Isku Difaacdo

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolijiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suuf Jibriil ayaa ka hadlay Mareeg ay Dawladdu yeelanayso iyo sababta keentay in la sameeyo.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolijiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suuf Jibriil oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qorshahooda ku waajahan ka hor taga khatarta Taawarrada iyo halka ay marayso Tiknoolijadda dalku waxaanu ugu horeyn yidhi “Qorshaha aynu kaga hor tagayno waxyeelo kasta oo ka dhalan karta Taawarada waa Qorshe ay Dadkeenu aad iyo aad ugu farxeen una soo dhaweeyeen, haddii aanu nahay Xukuumaddana waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu ka hor tagno wax kasta oo Dadkeena khatar u ah, wax walbana ha nagu qaadatee bad-qabka Dadkeena diyaar ayaanu u nahay, wax kasta oo halis ku ah caafmaadka iyo nolosha Dadkeena  Xukuumad ahaan waanu ka hor tagaynaa, talaabo kasta oo aanu kaga hortagayno waanu ku dhaqaaqaynaa, wixii qoran ee ALLE qadarayna way qoran yihiin, oo cid baajin kartaa ma jirto, ee  dadkana mar walba waxaa looga baahan yahay inay taxardir fara badan muujiyaan”.

Mar uu ka hadlayey Tiknoolijyadda Somaliland ayaa yidhi “Waxaynu nahay dal soo koraya, maantana Tiknoolijiyadda meel fiican baynu ka maraynaa, waxaanu dadaal ugu jirnaa inaynu horumar balaadhan ka gaadhno Tiknoolijiyadda, waxaana ku hawl-galan nahay mar walba sidii aynu dal ahaan iyo dad ahaanba Tiknoolijyadda heer uga gaadhi lahayn, insha allaahna waanu ka gaadhi doonaa, haddana meel fiican bay wax inoo marayaan, inagoo xaq u leh in la ina aqoonsado oo Caalamku ina aqoonsado, haddana inagoo  wali aqoonsi helin  waxaynu rabnaa Dawlad ahaan inaynu horumar ka gaadhno Tiknoolajiyadda, aqoonsiguna uu iska iman doonaa, Dawladduna way haysaa dhabihii dalkeena aqoonsi lagu siin lahaa, ”.

Mar uu ka hadlaayey Mareeg cusub oo ay Dawladdu yeelanayso ayaa yidhi “Mareegtani waxay inoo leedahay faa’iidooyin aad iyo aad u balaadhan, waxaana lagu baahinaya xogaheena muhiimka ah, ee lagu kalsoon yahay, waxaana lagu beeninayaa wararka iyo xogaha  been abuur ah ee Dawladda laga baahiyo waana Mareeg ay Dawladdu leedahay”

Xigasho: Geeska Afrika