Siyaasiga Baar-qabka ah(W.Q Fahad Cismaan Caraale)

Hor-dhac:

Waa mid aynu  dhammaanteenba rumaysan nahay in   qof kasta oo inta uu adduunka joogo  hogaamiye u noqda ummad   in suurto-galnimadeedu ay  tahay mid xaga RABI laga qoray, isla markaana aanu shaqsigaasi ku kasban ama aanu ku gaadhin  kursiga madaxtinimo  wanaag, xeelad, raga-nimo, hawl-karnimo, aqoon, xirfad, reer-nimo,  iyo waxyaabo  la mid ah.

Hase yeeshee ay tahay  iraaddo xaga Rabi ka timid   oo qofkaasi loo qoray  markii la abuuray, taasi oo inoo cadaynaysa sida aan madaxnimo iyo hogaamin midnaba aan loogu gaadhi Karin  dedaal,  geesinimo, aqoon, wax bixin, hadal wanaagsani, ama wax kale. Balse waxa jirra astaamo iyo hab-dhaqan haybadeed iyo sifooyin gaar ah oo inta badan lagu tilmaansan karo qofka ku haboon in uu hogaamiye noqdo.

Astaamahaasi  oo laga dheehan karo kana muuqda inta badan shaqsigaasi, oo uu kaga soocan yahay bulshadda uu la nool yahay, laguna yaqaano oo ka soo muuqda ama ka soo if-baxa habka iyo hanaanka uu qofkaasi u dhaqmo bulshada kalena ula macaamilto.

kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida uu u fikiro, waxyaabaha uu aaminsan yahay, hankiisa, himiladiisa, waxa uu hiigsanayo, sida uu wax u maamuli lahaa haddiiba uu hogaamiye noqdo  iyo waxa uu ku hamiyayo.

Haddaba, waxaan qoraalkaygani uga dan leeyahay ama aan uga socdaa in aan bulshadeena wax yar uga iftiimiyo shaqsiyadda iyo hab-dhaqanka hogaamineed ee ka muuqda musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka ee UCID Jamaal Cali Xuseen. Kaasi oo in yar  oo bulshadeena ka mid ahi  ay aqoon  guud iyo mid gaar ahba u leeyihiin, halka dadkeena intooda badanina aanay wax dhaafsiisan magaciisa aqoonin.

Qoraalkani oo aanu si taxane ah ugaga warami doono uguna soo qaadan doono shaqsiyadiisa, heerkiisa aqooneed, khibradiisa shaqo iyo arrimo kale, waxa aan si balaadhan ugu faaqidi doona, uguna lafo-guri doonaa qofka uu yahay Jamaal Cali Xuseen iyo sidoo kale in uu ku haboon yahay ama u qalmo kursiga uu u sharaxan yahay, in uu yahay shaqsi ummad, dal, iyo dawlad hogaamin karra.

Qoraalkani waxa aan isku deyi doonaa intii aan ka gaadhi karo, kuna soo qaadi doonaa astaamo iyo calaamaddo u gaar ah  Jamaal iyo sidoo kale waxyaabo uu ku mudan yahay in loo doorto ama uu noqdo hogaamiyaha waddankeena ee mustaqbalka.

Shaqsiyadiisa: Waa Kuma Jamaal Cali Xuseen

Waa shaqsi   koobsaday  dhammaanba astaamaha lagu garan karo  hogaamiye sax ah, oo  dadkiisa iyo dalkiisaba hor-u-mar gaadhsiin kara. Waa Hogaamiye, hal-door, hiigsi iyo himilo fog leh,   waa nin ku sifoobay Karti iyo hawl-karnimo.

Waa iftiin cusub oo u soo baxaya siyaasadda Somaliland. Waa muraayad laga dheehan karo kartidiisa iyo aqoontiisaba in uu badhaadhe gaadhsiin karo dalka iyo dadkaba.

Waa qof ay dhif iyo nadir ku yihiin guud ahaanba  geyigga Soomaalidda    dadka la kartidda iyo aqoonta ahi, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka faro-ku tiriska ah ee heerkaasi ka gaadhay aqoonta iyo waayo aragnimadda shaqo.

Murashaxa Jagada madaxtinimada ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waa aqoonyahan, waa astaan ka mid ah astaamaha laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan, wuxuu Jamaal ka soo baxay oo uu ka qalinjabiyey jaamacada adduunka ugu sareysa ee Harvard University. jaamacadan waxa ka soo baxa oo kaliya qof dadaal badan.

Aqoonta uu leeyahay waa aqoontii uu ku maamulayey bangiga caalamiga ah ee City Bank, aqoonta uu leeyahay waa tii uu kaga soo shaqeeyey in ka badan 21 dal oo adduunka ah.

Aqoonta  uu leeyahay waa ta maanta ka dhigtay mursharaxa madaxtinimada ee xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in uu madaxweyne kaga noqdo Somaliland, aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo inay bulshada reer Somaliland ku doorato, aqoonta uu leeyahay waa ta uu ku doonayo in dadka iyo dalkaba ku hogaamiyo, waana astaamaha ugu waaweyn ee laga doonayo qof kasta oo doonaya in uu dad iyo dalba hogaamiyo.

Musharaxa jagadda madaxweynaha ee xibsiga UCID Jamaal Cali Xuseen,  haddii aan isku dayno in aan tilmaan ka bixino, waxaan ku sifayn karnaa shaqsi uu EEBE ku galaday aragti fog, aqoon, hawl-karnimo iyo dedaal, waxa kale oo aynu ku sheegi karnaa  in uu yahay  ninka keliya ee haddii uu maanta hanto kursiga hogaaminta dalka ummaddeena ka saari kara caqabadaha dhaqaale daro iyo shaqo la’aanta  haysata bulshadeena.

Mana aha  nin isagu u baahan ama u socda lacag urursi,  hase  yeeshee waa nin haysta dhaqaale ku filan, kaasi oo ay u jeedadiisa ama qasidgiisu yahay oo keliya in uu dalkan iyo dadkani bad-baadiyo, isla markaana gaadhsiiyo hor-u-mar dhaqaale iyo isku filaansho.

Wuxuu leeyahay dhamaanba astaamaha cadaynta u ah ama  laga doonayo in uu yeesho hogaamiyaha wanaagsani, iyadoo ay hubaal tahay in aan la soo koobi karin  sifooyinka uu leeyahay Jamaal Cali Xuseen  iyo sidoo kale heerka  aqoonta, hor-u-marka iyo aragti-fogaanta uu ka gaadhay waayaha nolosha. Waana nin isku darsaday dhammaanba  astaamahaasi oo lagama maarmaan u ah hogaamiye kasta oo doonaya in uu noqdo madaxweynaha dalka.

Waa hubaal iyo mid biyo-kama dhibcaan ah in haddii uu qarankeena hogaamiye u noqdo Jamaal in aynu gaadhi karno wax kasta oo inaga dhimman,   iyo hiigsigeena aynu mudadda dheer ku taamaynay,

Jamaal Cali Xuseen,  ma aha oo keliya in uu yahay aqoon yahan iyo qof  lagu yaqaano in uu ku xeel-dheer yahay arrimaha hor-u-marinta oo qudha, hase yeeshee Jamaal, Waa dhaqan-yaqaan, hal-abuurka qayb weyn ku leh,  waxaanu si weyn uga dhex-muuqda fanka iyo suugaanta Somaliland, waxaa intaa u sii dheer inuu hal-abuuro ama curiyo  dhinaca qisooyinka, sheekooyinka qosolka iyo maadda ah.

La soco qaybaha kale….

Fahad Cismaan Caraale

Tell.0659118404

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.