Madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa kormeer kedis ah ku soo maray Wasaaradda Caddaaladda iyo xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa kormeer kedis ah ayaa maanta ku soo maray qaar ka mid ah wasaaradaha iyo xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Madaxweyne-xigeenka ayaa ka dhagaystay warbixin masuuliyiinta wasaaraddahaas. Madaxweyne-xigeen Saylici oo ugu horeyn booqday Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in caddaaladdu tahay waxyaabaha aasaasiga nolosha u ah, waxaanu yidhi:

“Caddaaladdu waa muraayaddii dalka, waa meesha loo baahan yahay ee ugu muhiimsan ee caddaalada wacan ka hana qaado dalka iyo dib u habeynta ka socda dalka ee caddaalada oo wasaaraddu hagayso, runtii intii dhismahan wasaaraddu la dhisayn wax weyn ayaa iska badalay shaqadii wasaaradda.”

Sidoo kale waxa Madaxweyne-xigeenku kormeerkan kusoo maray xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa halkaas oo war-bixin kaga dhagaystay Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Gabagabadii kormeerkan ayaa waxa ka hadlay Saylici waxaanu yidhi:

“Waxa loo baahan yahay madaama aad ku jirtaa shaqadda inaad wixii soo cilmiyeysaan oo aad wixii shaqaale hoosaadkii wixii aad la wareegteen iyo wixii ku kordhay aad keentaa, wixii idinka dhimanna aad idinka iyo wasaaraddii isku tagtaan.”

Waxa uu gabagabadii hadalkiisi ku soo afmeeray dar-daaran uu soo jeediyey masuuliyiinta dawladda hoose iyo shaqaale hoosaadkooda si ay uga midho dhaliyaan xilka culus ee ummadda u hayaan.

bandhige@gmail.com