Jamhuuriyadda Somaliland 29 sannadood waxay dalalka reer Galbeedka, dawladaha Carabta iyo waddamada jaarka ka quuddaraynaysay in ay ka hesho aqoonsi buuxa ama xattaa mid dadban (de facto state). Madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland iskumay taxluujin jirin in ay xidhiidho la sameeyaan Beesha Caalamka inteeda kale oo laga heli kari lahaa dalal badan oo u diyaar ah xidhiidhka iyo saaxiibtinimada JSL.
Waxaynu qaadanay nidaamka dawladnimo iyo mabaadiida reer Galbeedka, waxaynu la ilaalinaa danaha ay ka leeyihiin gobolka, Somaliland sax iyo qalad ba waxay ku taageerta hadba waxay rabaan iyo hadba sida ay ula dhaqmayaan Dunida inteeda kale; Somaliland waxay dhankeeda isku xilqaantay in ay ka qayb qaadato la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo budhcad badeedda.
Somaliland waxay xushmaysaa kuna dhaqantaa dhammaan xeerarka caalamiga ah hase ahaatee waxba kamay dheefin waxna kumay kasban.
Somaliland waxay u dhego nugushahay codsiyada iyo rabitaanka dalalka Carabta siiba kuwa khaliijka, dalalka ku loollamaya awoodda iyo amar ku taaglaynta Bariga Dhexe, xukuumadda Somaliland waxay la safatay isbahaysiga Sucuudiga, dawladda Imaaraadka gaar ahaan waxa loo hibeeyay dekedda Berbera, waxa loo ogolaaday Saldhig Militari iyagu se waxay ka gaabsadeen taageeridda qaddiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda waxa saldhig u ah in colaadihii iyo jaar xumadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya lagu bedelo nabad iyo in horumarka la iska kaashado oo laga hadho sheegashadii Jamhuuriyadda Jabuuti iyo qaybo ka mid ah Kenya & Itoobiya sida ku cad Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland si dalalka Geesku uga soo kabtaan dib u dhicii iyo kala qoqobnaantii waana aragti iyo hal abuur Somaliland curisay hase ahaatee maanta waxa sheeganaya raโisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo aragti cusub uga dhigaya Beesha Caalamka.
Somaliland waxay dalalka jaarka ah si hagar laโaan ah uga caawisa in laga hor tago falalka argagixisada ee laga fulin lahaa dhulkooda, hase ahaatee may garwaaqsan qiimaha jiritaanka iyo xasilloonida JSL ugu fadhido amniga dalalkooda, balse qaarkood waxay gacan saar la leeyihiin cadowga Somaliland.
Kama soo horjeedo in xidhiidh wanaagsan lala yeesho dalalka kor ku xusan haddiise ay albaabada ka xidheen Somaliland waxay xaq u leedahay in ay garaacdo albaabo kale sida Ruushka, Hindiya, Iiraan, Israaโiil, Waqooyiga Kuuriya iyo qaar kale oo badan.
Waxa hubaal ah in qaarkood soo dhawayn doonaan xidhiidhka JSL. Si kastaba ha ahaateen madaxweynaha JSL iyo xukumaddiisa waxaan ku bogaadinaya ugu dambeyn in ay fahmeen saaxiibtinimada dhalanteedka ah ee dawladaha reer Galbeedka, Carabta iyo kuwa gobolka, waxaan hambalyaynaya majaraha cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo baadi goobka saaxiibo la isku hallayn karo.
Somaliland jawaabtii u horaysay waxay ka heshay dalka TAIWAN; lama aqoonsana waa se dal yar oo hodan ah, waa dalka 7-aad ee ugu dhaqaalaha badan qaaradda Eeshiya, waana dalka 20-aad Dunida oo dhan, sidaas daraadeed xaggooda aqoonsi laโaanta Beesha Caalamku muhiim uma aha.
Akhrista bal u fiirso qodobada heshiiska labada dal: Iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, caafimaadka, dhismaha kaabeyaasha iyo wixii la mid ah.
Haddaba sida labada xukuumadood ka goโan haddii heshiiskani hirgalo Somaliland-na uga faaโiidaysato sida ugu haboon waxaan u malaynaya Somaliland in ay noqon karto waddanka ugu hodansan Geeska Afrika oo lagu soo hiran doono.
La soco qaybta dambeโฆโฆโฆ
Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami
E: Abdirahmanadami33@gmail.com