Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Ee Taiwan Iyo China Oo Isweydaarsaday Hadalo Kulul Oo Salka Ku Haya Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

Wasaaradaha Arrimaha dibedda ee Shiinaha iyo Taiwan ayaa iswaydaarsaday weerar iyo Weerar-celis dhinaca Warbaahinta ah oo salka ku haya Iskaashiga dhex maray Somaliland iyo Taiwan oo Dawladda Shiinuhu ka Damqatay.

Labada Afhayeen ee Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijianiyo Taiwan Joanne Ou ayaa shirar Jaraa’id oo kala duwan ku qabtay Xarumaha Labada Wasaaradood ee Caasimadaha labadooda Waddan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan Joanne Ou ayaa sheegtay in aanay Taiwan Cidna u daba-fadhiisanayn Dalalka ay Xidhiidhka la yeelanayso “Dawladda Taiwan iyo Shacabkeedu waxay doonayaan inay horumariyaan xidhiidhka iskaashi ee dal kasta oo qiimeeya Dimuqraadiyadda iyo nabadda..” ayay tidhi Joanne Ou oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda, waxayna intaa ku dartay inaan Waddankeeda Taiwan waxba ka waydiinayn Shiinaha Arrimaheeda.

Afhayeen Joanne Ou waxay Cambaaraysay isku-dayga uu Shiinuhu hoos ugu dhigayo Madax-bannaanida Taiwan “Taiwan waa Taiwan, Dalku kama mid ah Jamhuuriyadda Shiinaha, Dawladda Shiinuhuna weligeed hal Maalin ma xukumin Taiwan..” ayay hadalkeeda raacisay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan Joanne Ou.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Taiwan waxay ka jawaabaysey hadalka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijianiyo uu Isniintii ku cambaareeyay Tallaabada ay Taiwan xidhiidhka kula yeelatay Somaliland “Taiwan waxay waxyeelaynaysaa Madax-bannaanida Dhuleed ee Soomaaliya, Shiinuhu wuxuu xidhiidh la leeyahay Dawladda Soomaaliya ee Muqdisho, umana Aqoonsana Somaliland Qaran Madax-bannaan” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijianiyo, waxaanu intaa raaciyey “Shiinuhu wuxuu si adag uga horjeedaa inay Somaliland iyo Taiwan iswaydaarsadaan xidhiidh Rasmiya ama is-dhaafsadaan Masuuliyiin..”

Labada Dawladood ee Shiinaha iyo Taiwan oo aan horeba xidhiidhkoodu u wanaagsanayn, ayaa sii kala fogaaday ka dib markii Taiwan oo go’day Shiinuhu ay xidhiidh la samaysatay Somaliland.

Xigasho: Geeska Afrika