Sookoobidda buugga Dr. Ibrahim Fiqi: awoodda xakamaynta nafta Q.8aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waa qayb kale oo ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga โ€˜Awoodda xakamaynta naftaโ€™ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Qaybtan oo dhinaca tirsiga kitaabka ka noqonaysa qaybta Afaraad, waxa uu kaga hadlayaa dareenka qofka iyo muhiimadda uu u leeyahay guusha uu samaynayo. Ugu horreyn ba waxa uu tilmaamayaa aragti uu kaga duwan yahay qoraaga iyo tababaraha horumarinta nafta ee Maraykan Richard Bandler, oo aaminsan in farxadda iyo badhaadhuhu ay yimaaddaan marka uu qofku guul gaadho.

Laakiin Ibraahiim Fiqi waxa uu isagu aaminsanyahay in waaqacu uu ina barayo in guushu ay ka dhalato farxadda. Qof aan farxad iyo badhaadhe ku noolaynna aanu guul gaadhin. Isaga oo arrintaas sii iftiiminayana waxa uu buuggiisa isku weydiinayaa, โ€œImisa jeer ayaa ay dhacdaa in aynu sugno arrin aynu filayno in marka uu yimaaddo uu farxad badan inoo horseedi doono, laakiin marka uu yimaaddo, aynu weynaa farxaddii aynu ka filaynay ama lagu sheegayey?โ€

Imisaa fanaaniin iyo dad magac lahaa ah, oo helay wax kasta oo ay noloshu u baahan tahay, ayaa haddana naftooda dilay. Kaddib markii ay noloshoodu farxad weyday.

Qof kasta oo innaga mid ah noloshiisu waxa ay soo martaa mar ay maxbuus u tahay dareen taban, oo tusaale ahaan ah murugo, cabsi, xanuun iwm.

Miyaan la gaadhin waqtigii aynu ka xoroobi lahayn dareenka iyo cabsida taban ee maskaxdeenna ku qufulan, si aynu isaga furno dabarrada iyo hoggaanka aynu nafteenna ugu xidhnay nafteenna. Miyaan la gaadhin waqtigii aynu dareenkeenna xakamayn lahayn, ee aynu dadka iyo wax kasta oo innagu xeeranba ka diidi lahayn in ay inoo yeedhiyaan dareenkeennada ay tahay in aynu dareenno?

Qiirada togan iyo dareenku waa sida sallaanka, kor iyo hoosba waa loo raaci karaa. Laakiin adiga ayaa ay gacantaada ku jirtaa dhanka aad u raacaysaa.

Sida uu hore u sheegay madaxweynihii Maraykan ee Abraham Lincoln, qofku waxa uu farxaa hadba inta uu isagu goโ€™aansado in ay farxaddiisu gaadho.

Intaas kaddib waxa uu qoraa Ibraahiim Fiqi qaybtan ku soo bandhigayaa talooyinkiisa iyo aragtidiisa uu aaminsan yahay in ay tahay mabaadiiโ€™da farxadda lagu samayn karo.

1. IN QOFKU NAFTIISA GUDAHA DEJIYO.

Nabad gudahaaga ah raadi oo aad la gelayso naftaada iyo ruuxdaada. Qalbigaaga jacayl ha buuxiyo, taas ayaa kaa caawinaysa in aad iska caabbido raadadka taban ee ay kugu yeelan lahaayeen waxa kaaga imanaya dunida ka baxsan naftaada.

2. CAAFIMAAD

Caafimaadqabku waa mid kale oo ka mid ah mabaadiiโ€™da aasaasiga u ah badhaadhaha.

3. JACAYL IYO XIDHIIDH WANAAG:

Jacayl iyo xidhiidh badqaba oo aad dadka la yeelato waa tiir kale oo muhiim ah.

4. YOOL YEELO:

Naftaada u samee yool iyo hadaf ay higsato, kana shaqayso sidii ay ku gaadhi lahayd. Kaddib naftaada xisaabi, si aad u dareento awoodda aad u leedahay in aad guulaysato, yoolalkaagana gaadho.

5. NAFTAADA HAWSHA ADAG KA ABAAL MARI

Naftaada abaal mari toddobaad kasta mar. Marka ay soo dhammaysato shaqada adag ee toddobaadka ay ku qabanayso dadaallada ay ku gaadhayso hadafkaaga, maalin toddobaadka fasaxiisa ka mid ah ku abaal mari filim maadays iyo majaajilo ah oo aad kaga qosliso, buug aad akhrido, ama mid ka mid ah hudheellada ay naftu jeceshay oo aad cunto ka doonato.