Hay’adda UNICEF ayaa Somaliland ku amaantay in ay arday gaadhaysa 250,000 ay ku gaadhsiiso tacliinta habka tignoolajiyadda iyo warfaafinta iyagoo guryahooda jooga

Haayadda Qaramadda midoobay u qaabilsan badbaadinta caruurta ee loo yaqaano UNICEF  ,Ilaahay ayaa wax badbaadiyee ayaa ku amaantay Somaliland in ay arday gaadhaysa 250 ,000. ay ku gaadhsiiso tacliinta habka tignoolajiyadda iyo warfaafinta iyagoo guryahooda jooga si ay halkaa uga si aanay tacliintu uga kala go’in mudada ay dugsiyaddu xidhan yihiin , xanuunka Covid-19 awgeed .

Haayadda UNICEF ayaa sheegtay in carqaladda ka hortimi habkan ay noqotay caruuraha ku dhaqan meelaha tuulayaasha ah ee aan awoodi karin Internetka in ay kala socdaan casharadda , hassa yeeshee arrintaasna xal loo heley oo Idaacaddu Radio Hargaysa ay fududaysay in casharaddu gaadhaan meel kasta .

Ardayga dugsiyadda hoose iyo sarre gaar ahaan fasaladda 8aad ee dugsigga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsigga sarre oo dhawaan u fadhiisan doona imtixaanka shahaadiga ah ayaa qaabkan u hela casharadooda .

Si kastaba ahaatee , warbixiin kasoo baxday haayadan ayaa Somaliland ku amaantay dadaalka ay Somaliland la timo oo ah mid aan ka hirgelin gobolka intiisa kale .

Sidaa markay tahay , marka horre dhacdadani waa war wanaagsan oo laggu farxo , marka labaad , waxay muujinaysaa in hadii caqligga lagga shaqaysiiyo dadaala lala yimaado la gaadhi karro guulo intan kasii waawayn , waxa kale oo iyana mudan in hoosta lagga xariiqo in ay waajib tahay in Somailaland sii kordhiso tayaynta taclinta gaara ahaan dhinaca luuqadaha iyo teknoolajiyadda.

Waxaa qoray oo bartiisa ku baahiyay  Garyaqaan Axmed Nuur Guruje

Bandhige@gmail.com