Soomaaliya in ay Somaliland si dhab ah ula xaajooto waxa ay ka doorbiday in ay dawlad kale gorgortan kala gasho wixii ay sheeganaysay in ay iyadu leedahay. Soomaaliya waxa ay Ethiopia isku hor fadhiyaan ee ay ka wada hadlayaan maaha dhulkii Soomaali-galbeed ee 1977kii la isku dilay, oo dhulkaasi maanta Ethiopia ayaa shidaal kala soo baxda cidina kuma haysato!!. Kolkaa Su’aashu waxa ay tahay: Soomaaliya haddii ay dhab ka tahay sheegashada dhulkani, maxay uga baahan tahay inay ETHIOPIA dhulkeeda kala xaajooto?
Jawaabta oo gaabani waxa weeyaan: Somaaliya dhulku muhiim uma aha balse wax kasta waxa kala weyn in ay Somaliland cunaqabatayso, waana siyaasad ku salaysan xintan. Soomaaliya ma rabto in ay Somaliland si qaangaadhnimo ah ula xaajooto oo ay u kala baxaan hab iyo hannaan labadoodaba dan u ah. Tusaale ahaan, Soomaaliya ma rabto in codbixin dadweyne laga qaado dadka reer Somaliland, go’aankoodana la ixtiraamo. Sidoo kale Soomaaliya maanta ma laha awooddii ciidan ee lagu sandullayn lahaa reer Somaliland. Mar haddii aanay labadaasi jirin, hubka kaliya ee ay Soomaaliya ku dagaalamaysaa waa miisaankeeda Diblamaasiyadeed.
Siyaasadda Soomaaliya ee ku salaysan “haddaan kuu talin waayo tashan maysid” waxay gegi dhaxal la’aaneed ku furaysaa shacabka Somaliland iyo kuwa Soomaaliya labadaba. Caqli la’aantaas aan cidhibta dambe dhugmada u lahayni waa midda gogosha u xaadhay siyaasada Ethiopia ee ku salaysan “Lafo geri iyagaa la isku jabshaa”.Iyada oo ka cararaysa Somaliland ayaa dal jira noqon, bal u fiirso tallaabooyinka quusta iyo is dhiibista ah ee ay Soomaaliya qaaday. Tusaale ahaan, Heshiiska Turkeyga ay la gashay wuxu maanta u qabtay inu Turkey idhaa Ethiopia wada hadla!!!! Waayo Turkey dantiisa ayuu eeganayaa oo wuxu ka mid yahay 5 dal ee maal-gashiga ugu badan ku sameeyey Ethiopia. 2023 dalka Turkey wuxu Ethiopia ku maal gashaday lacag gaadhaysa $3 billion.
Soomaaliya iyo Somaliland oo si dhab ah oo kal xaadhan u kala baxaa, waa fursada qudha ee lagu heli karo Soomaali gob ah. Mar kasta oo xintanka iyo isku muuqashada dhexdoodu sii korodhaana waxay fursad siinaysaa dadyow kale oo labadaba dullaysta.
Qalinkii Abwaan Xasan Daahir – Weedhsame Daahir
Bandhige@gmail.com