Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo nolosha Sayniska Q.3aad (WQ: Sayid Cabdiraxmaan Cabdilaahi)

 

Waa qormooyinkii taxanaha ahaa ee cinwaankoodu ahaa: Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo Nolosha Sayniska.

Sida aad la wada socoteen qormadii u danbeysay waxa ay qaada dhigaysay aqoonyahankii kala duwanaa ee reer galbeedka iyo tabarucaadkoodi ay ku biiriyeen aqoonta dunida. Ugu horrayn Innaga oo Eebbe ka rajeynayna in bisha Barakaysan ee Ramadaan soon-qaad suubban inooga yeelo, sidaas darteed bal qormada tan waxa aynu diiradda saari doonaa Caalimiintii Islaamka ee kala geddisanaa iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen aqoonta dunida casriga ah.

Intaas kaddib, Qur’aanka kariimka waa furaha iyo deeq Eebbe ku mannaystay aadanaha oo idil, waana miftaaxa asraarta uunka, fagaagga, oogada cirka iyo dhulka ku qarsoon (waa haddii se aad u dhugmo yeelataan e).

Eebbe hadalkiisa waxa uu ku yidhi:

“Miyaydaan arkahayn in Eebbe idiin sakhiray waxa [Samooyinka] iyo [dhulka] ku sugan oo idin mid qarsoonba, Dadkana waxa ka mid ah kuwa Eebbe ku murmi cilmi iyo hanuun iyo kitaab nuuriya la’aantiis” Suuratul Luqmaan 31:20.

ْم ِنَع َم ُه َظا ِهَرًة َوَبا ِطَنًةۗ َو ِم َن ال￾نا ِس َمن ُي َجاِدُل ِفي ا￾￾ِيْ كَُغ َعلَْر ِض َو￾￾ ْسبَكُم ￾ما ِفي ال ￾سَماَوا ِت َو َما ِفي الا ََْس ￾خَر لْم َتَرْوا ￾￾ ￾ن ا￾￾ََ￾￾ل ٍب ￾مِنيرٍِكَتاُه ًدى َولاٍَم َولاَِعلَْغيْرِِب

(Luqman – 20)

Berisamaadkii hore, Taariikhdii hore ee Islaamka ee dahabiga ahayd, Islaamku tabaha iyo tusmada nolosha waxa ay kala soo dhex bixi jireen oo kasoo dheegan jireen hadalka Eebbe, waana inahaas halka ay kasoo unkantay xaddaaradihii guunka ahaa iyo wacdarihii Islaamku dunida kusoo bandhigay.

Billowgii fahanka iyo fikirka Islaamku waxa uu ahaa mid heerkiisu sarreeyo, waxa uuna kasoo askumay Fiqhiga, Kalaamka, logic-ka, (Mandiqa), tasawwufka, siyaasadda, cilmiga bulshada iyo tiknoolojiyadda. Inkasta oo geddigood ku qotomeen hannaanka iyo jaantuska tusmada Tawxiidka.

In ka badan 5000 oo sano, sebenkii ay talada hayeen maamulkii iyo khaliifadii Cabbaasiyiinta (Abbasid Caliphate) ee Baqdaad deggenayd hillaaddii (750 illaa 1258-dii). Culimadii iyo saynisyahankii Islaamka waxa ay u ahayd xilli hogol u hooray aqoonta casriga ah ee Sayniska taas oo illa Eegga qof ba weel darsanahayo dalaggii iyo aqoontii ay beereen. Ikhtiraacii Islaamku falkiyeen waxa uu wax ka beddelay aragtidii laga aaminsanaa xidhiidhka ka dhaxeeya Eebbe iyo addoomihiisa. Bilmatal, Islaamku waxa uu lasoo arooray aragtida ku taagan keli ahaanshaha Eebbe iyo waaritaankiisa abidka ah.

Waxa ay ahayd ilbaxnimo ku taagan dhidibada sarreynta iyo soohdimaha Eebbe ku sargooyay ogaalka dunida. Tusaale, Islaamku waxa ay daaha ka feydeen Xisaabta Al-gebra. Sidaasi si la mid ah, Hinduuska Hindiya iyo Mayaaniska kuwa la dhaho oo Maraykan ku nool, iyana waxa ay

ikhtiraaceen aragtida Zero (Concept of Zero).

Sababtii ka danbeysay Hinduuska aragtidooda Zero-ga waxa ay ahayd in ay rummaysnaayeen goobo ka billaabanta dhalasho iyo geeri. (Their belief in the cycle of birth and death). Kolkaas qormadeenan maanta waxa aynu ku lafo-guri doonaa, mufakiriintii Islaamka iyo haldoorkoodi seeska iyo sarta u taagay ilbaxnimada aadanaha ee casriga ah.

Ugu horrayn waxa aynu ku billaabi doonaa Caalimkii weynaa ee Muxammed Bin Musa Al Khwarizmi, ( dhintay 840-kii) waxa uu noolaa sebenkii Khaliifadii Maamuun, waxa uu is dhexgeliyay cilmigii xisaabta Giriigga iyo tii madarasadaha Hindida, kaddibna kasoo dhex abuuray hannaan cusub oo xisaabeed oo noqday mucjiso iyo madhaafaanka Xisaabta waa (Algorithm). Waxa lagu naaneysaa Aabbaha xisaabta Algebra.

Waxa lagu xasuustaa sameyntii iyo xal-u-heliddii: Quadratic equations, trignometric sine, tangent functions. Iyo sidoo kale ikhtiraaciddii uu sameeyay: Concept of differentiation, astronomical tables, clock and astrotables. Sidoo kale waxa uu kamid ahaa koox khaliifkii Maamuun u diray in ay soo cabbiraan wareegga dhulka (Measurement of degree of an arch around earth’s circumference).

Caalimka labaad waxa aynu ku eegi doonaa: Cali Ibnu Rabbaax Al Tabari, waxa uu ka dhashay laba waalid oo Yuhuud ah, Islaamka ayuu soo galay, waxa uu noqday mid ka mid ah dhakhaatiirtii ugu cajiibsanayd ee calanka u sidday berisamaadkii hore.

Dhigaalkiisi caanka noqday ee la odhan jiray dhigaalka toddobada mug (His seven volume encyclopedia of Medicine). Dhigaalkan ama buuggan oo noqday marjaca iyo masdarka cilmiga caafimaadka loogu laabto.

Yacquub Ibnu Ishaq Al kindi, ( Dh, 873) waxa uu ka hawgeli jiray maxkamadda Maamuun, waxa uu soo kordhiyay Sayniska Muusikada, Xisaabta, Kiimikada iyo Astronomy-ga. Waxa uu noqday ruuxii u horreeyay ee daaha ka feyday xaddiga dawo ee qofka la siinayo. (Proper dosage of medicines for curing diseases of the body).

Muxammed Ibnu Zakriye Al Razi, ( Dh, 930), waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii ugu macnaha weyneyd ee qarnigii 10-aad.

Waxa uu noqday ruuxii u horreeyay ee is barbar dhig ku sameeya xanuunada loo kala yaqaan (Chicken box iyo Small box). Waa laba xanuun oo ay sababaan Fayrasyo.

Goobooyin guduudan iyo baro ku sameeya maqaarka dadka. Al Raazi, waxa uu ahaa Saynisyahan wax ka ogaaday falgalada kiimiko, sidoo kalena kala saaray waxa loo kala yaqaan organic Chemistry iyo In organic Chemistry.

Mar kale waxa uu noqday shakhsigii ugu horreeyay ee sameeya [Sulfuric Acid] una adeegsada wax-soo-saarkiisi sameynta dawooyinka.

Caalimiinta kale waxa ka mid ah Abu Xassen Cali Al Mascuudi ( Dh, 957), waxa uu noqday taariikhyahankii ugu cajiibsanaa misena ugu horreeyay – waxa uu ka hawl geli jiray Maxkamaddii Faadimiyiinta ee Qaahira. Waxa uu socod dheer ku maray dhulweynaha kala ah: Beershiya, Hindiya, Srilanka, Malayshiya, Shiinaha, Waqooyiga iyo Bariga Afrika. Waxa uu kusoo ururiyay Dukamentari ka kooban 30 Volume.

Abu Cali Al Xuseyn Ibnu Siinaa ( Dh, 1037), waxa uu ahaa Saynisyahankii ugu weynaa ee casrigii dhexe (Middle age). Waxa uu ku dhashay magaalada Bukhaara ee carriga Uzbekistaan hillaaddii 980-kii.

Waxa uu bare ku noqday isaga oo 17-jir gaadhin – waxa uuna dhigi jiray fanniyada kala duwan

sida: Xisaabta, falsafadda, Caafimaadka iyo Qur’aanka.

Reer galbeedku iyo Yurub waxa ay u yaqaanaan magaca Avicenna.

Marka la joogo caalamka Sayniska – waxa aad loogu xasuustaa dhigaalkiisi dhaxal galka noqday ee encyclopedia Qanuun Fi Tibbi. (Canon of Medicine).

Kitaabkan oo loo turjumay Afka Laatiinka, waxa uu noqday marjaca guud ee loo noqdo jaamacaddaha Yurub in ka badan 600 oo sano (Standard text in Universities).

Waxyaabaha buugga ku xusan waxa ka mid ah: ogaalkii uu ogaaday xanuunka Qaaxada (TB), Fiditaanka xanuunada kala duwan, xidhiidhka ka dhexeeya bedqabka jidhka iyo maskaxda, faafreebkii jadwalka daawooyinka, daah ka rogistii xanuunka Qoor-gooyaha (Meningitis).

Dhammaantood waxa soo kordhiyay Caalimkan weyn ee Ibnu Siinaa.

Intaas oo keliyaata ma aha, ee sidoo kale waxa uu wax ku biiriyay cilmiga Xisaabta, waxa uu ikhtiraacay xisaabiye (Calculator) si la mid sidii Vernier. Waxa uu sameeyay qalab la mid ah Thermometer-ka oo kale.

Haddii aynu kusii socono culimada kale ee caalamka Islaamka iyo dunidaba indhaha u shiday, aynu ku xigsiino Caalimkii weynaa ee Abu Waleed Muxammed Ibnu Rushdi, waxa uu dhintay sannadii 1198-dii, inta laga warqabo Ibnu Rushdi waxa uu noqday Faylasuufkii ugu weynaa ee soo baxa Aristotle dabadii. The Greatest philosopher since Aristotle.

Waxa uu ka dhashay qoys wax bartay oo deggan Espanyol. Sebenkaas Spain waxa ka taagnaa jaah wareer siyaasi ah, kolkaas Ibnu Rushdi waxa uu wax ku bartay dalka Morooko. Inkasta oo buuggaagtiisi qaar ka mid ah la mamnuucay kolkii qaab rational ah loo naqdiyay, haddana bulshada Islaamku waxa ay ku xasuusataa kitaabkii uu qoray ee la odhan jiray (Tahafuz Al Tahafuz), iyo sidoo kale naqdigii iyo taxliilintii cilmiga ku dhisnayd ee uu kala horyimi Ibnu Gaazaali.

Intaas kaddib, Ibnu Rushdi waxa uu qoray in ka badan 20 Buug oo ku saabsan cilmiga Caafimaadka.

Dhanka kale Ibnu Rushdi, galbeedka iyo Yurub waxa looga yaqaan magaca Averroes. Guntii iyo gunaanadkii, waxa aynu kusoo afmeeri doonaa, caalimkii reer Anatolia. Waa Macammar Sinaan, waxa uu galbaday hillaaddii 1588-kii, waxa uu kamid ahaa muhandisiinta iyo nashqad dejinta kuwooda oo fiican. (Best known engineer and architect). Waxa uu ina xasuusinayaa waayihii dahabiga ahaa ee Islaamku soo maray [=Golden age of Islam]. Waa maskaxdii ka denbeysay badi dhismayaasha ka taagan dhulkii iyo xaaruuntii Cusmaaniyiinta.

La soco qeybta 4-aad ………..

Dr Abdirahman Abdillahi Aden, waa dhakhtar ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waa dhakhtar bartay cilmiga caafimaadka. Waa qoraa wax ka qora ummuuraha Caafimaadka, Arrimaha bulshada, Diinta iyo Falsafadda.

Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan: Wehelalle3@gmail.com

Twitter: @AdenDheere04

Facebook Account: Sayid-Abdirahman Abdillahi

Tixraac:

An Encyclopedia of Islamic History