Dersi maamulka ku saabsan oo daqiiqado ah (WT: Khadar Faarax Siciid)

Barxad jaamacadeed oo xaflad qalinjebin ahi ka socoto ayaa mikrifoonkii nin ganacsade caan ah loo dhiibay si uu eray ugu darsado farxadda ardayda. Ganacsadihii hadalkii waxa uu ku bilaabay: wakhti aan wax ku soo diyaarsado ma helin, balse waxa aan isku deyaynaa in aan shan daqiiqo waayo-argnimadaydii idiin ku soo koobo. Qofkii doonaya inuu dhegaysiga igu caawiyo, fadlan, gacanta kor u taag.

Si teel-teel ah bay midhadh ardayda ka mid ahi gacanta u taageen, badankoodiina ma bay danayn hadalkaas.

Waxa uu yidhi: haa, ogsoonaada xaaladan waxa la yidhaahdaa habacsanaan (indolence) ka dhalatay caajisnimo ama kalsooni darro (boredom/distrust). Iska jira, xaaladdan oo kale shaqada way curyaamisaa wakhtigana way dishaaye.

Jeebka ayuu gacanta geliyay oo wax uu ka soo saaray jeeg 1000 USD ku qoran tahay. Wax uu yidhi, “lacagtan waxa aan ka soo qataay maamulka kulliyaddiina si aan shay cusub idiin baro. Waxa aan siinayaa qofka gacanta taaga ee weliba gacan tiiggiisu ugu dheeraado.

Dhammantood gacmaha ayay kor u taageen.

Ganacsadihii waxa uu yidhi, “tanna waxa la yidhaahdaa dhiirrigelin (motivation), ogaada shaqaalaha aan dhiirrigelin helini shaqada si xilkasnimo leh uma qabtaane”

Ardaydii gacan taaggii ayay weli ku jiraan, mid waliba waxa uu eegayaa gacmaha kuwa kale si uu tiisa kor ugu sii qaado oo uu kunka dollar u hanto marka gacantiisu ka mudhbaxdo gacmaha kale oo dhan.

Ganacsadihii baa eegay oo yidhi, “tan waxa la yidhaahdaa tartan (competition), tartanka waa lagu kadeedmaa lakiin ugu dambaynta cid kastaba way ka faa’iiddaa”

Mid ardayda ka mid ah baa arrinkii qaaddacay oo yidhi, “sidani caddaalad maaha, anigu dadka meesha jooga waan ugu gaabanahay! Sidee baan dadkan gacmaha dheerayaasha ah ula tartami karaa?! Tartanka qaab kale ha loodhigo mudane.

Ganacsadihii baa ku yidhi, “haa, waxa ay leeyihiin awood tarta-ku-gal oo muddaysan (temporary competitive advantage), ha niyad jabin hana is dhibine gal tartanka gaabanoow! Ka feker sidii aad uga lacagtaas ugu guulaysan lahayd!

Kii gaabnaanta ka cabsanayay inta uu noqday ayuu miiskii fuulay oo gacantii kor u taagay isaga oo taagan.

Ganacsadihii baa falka gaabane sameeyay sharraxay oo yidhi, “kaasi waa fekirka sanduusha ka hisheeya (thinking outside the box). Hab-fikirka noocaaas ahi wax uu kaa dhigi karaa hormuud.

Isla judhiiba miisaantii ayaa la wada fuulay oo qof waliba gacan taggii sii waday.

Ganacadihii baa yidhi, “tani waa hore-isu-marainta joogtada ah (Continuous improvement) waxay kuu damaanad qaadaysaa inaad tartanka ku sii jirto”

Saddex baa ku heshiiyay inay is kaalmeeyaan oo is kor fuulaan, si ay iyagu lacagta u helaan kaddibna si isleeg u qaybsadaan hadhow.

Faallo ayuu ku darsaday Ganacsadihii oo wax uu yidhi, “tani waa hawl-wadaag kooxeed (team work). Waxay ka bilaabantaa koox yar oo mu’sasad ka mid ah dhexdeeda, kaddibna ilaa heer shirkad ilaa iskaashiyo dawladeed buu gaadhaa.

Isla markiiba kooxo kale oo is korkoray ayaa bilaabay oo arday keligii gacanta taagayaaba hoolkii ma joogin, dhammaan waxay noqdeen kooxo is kor fuushan. Kaddibna ardaybaa kooxdiisii kala habayn ku bilaabay oo kii ugu cuslaa ayuu u hoosaysiiyay, midba midkii u ka fududaana wuu ka sarraysiiyay, si uu u sameeyo kooxda ugu adkaysiga badan ee gacan taagga ugu dambaysa uguna sarraysa.

Ganacsadihiibaa yidhi, “taasi waa hoggaamin (leadership), hawl-wadareed waliba kama maaranto hoggaamin indheegaradnimo leh”

Shantii daqiiqo ayaa dhammaatay ganacsadihiina ardayii gacan taagga ugu sarraysay wuu u mahadnaqay, lakiin lacagtii ma siine jeebka ayuu ku ceshaday jeeggii.

Isga oo sii dhaqaaqayana waxa uu ku yidhi, “kaasina waa casharkii ugu dambeeyaye ha u malayn inaad lacag si bilaash ah isaga helaysaan.. Xoogsada, xoogsada. Dersigan aan idin siiyay ee (practical) ahina bilaash muu ahayn. Nabagelyo saxibayaal.

Wq: hawlwadeennada https://eyooon.net/

Wt: Khadar Faarax Siciid

Khadar.1324@gmail.com