Idriss Deby oo 30 sanno Madaxweyne ka ahaa waddanka Chad oo ku yaalla badhtamaha Afrikada ayaa goor dhawayd ku qudhbaxay furinta hore ee dagaalka. Inankiisii, Jeneraal Mahamat Kaka, ayaa durbadiiba loo magacaabay Madaxweyne ku meel gaadh ah. Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay afhayeenka ciidamada Chad General Azem Bermandoa Agouna.
Idriss Deby ayaa waddanka Chad ku qabsaday qori caaradii sannadkii 1990 isagoo hoggaaminayey jabhad. Laga soo bilaabo xilligaas wuxu doorashada ku guulaystay 6 jeer oo ay ugu dambaysay shalay, taas oo natiijadii la shaaciyey ay muujisay in uu ku guulaystay 79.9%.
Madaxweyne Deby ayaa hadalkiisa guusha jeedin lahaa maanta. Laakiin dib ayuu u dhigtay khudbadda, waxaanu ka door biday in uu booqdo furinta hore ee dagaalka si uu u dardar galiyo dagaal halkaas ka socda oo dhex maraya jabhadda magaceeda la yidhaa Front for Change and Concord in Chad (FACT) iyo ciidamada Chad. Jabhaddan ayaa lagu soo waramaya in ay dagaalka soo qaadeen maalintii ay doorashadu ka dhacaysay waddanka, haatana ay waddanka gudihiisa dhinaca Koonfureed ka soo galeen boqollaal kiiloomitir.
Wixii faahfaahin ah ee warkan degdegga ah ka soo kordha kala soco Bandhige.
bandhige@gmail.com