Tallo soojeedin ku saabsan cunnayarida dunnida ku soo fool leh iyo sidii beeraha loogu jeedsan lahaa
Mudanayaal
Waxaa aduunka ku baahay cudurka COVID 19, waxaa curyaamay isusodkii bulshooyinka iyo ganacsigii xorta ahaa ee adunida;
Sidaa awgeed tuulo kasta iyo degmo kasta waxaa lagudboon in ay isku filaato xaga cuntada waxaa la yaab noqon doonta haDdii kala go’doonka dunnidu sii socdo, sida la odoroosayo in ay dhici doonto cunno yari baahsan dunnida oo dhan (global food shortage) ;
sidaa awgeed waa in ay naan sugin marka ay taasi dhacdo Alle inaguma keene.
Haddaba waxa aan soo jeedin lahaa Tallooyinkan hoose:
1. In bulshadda lagu wacyigeliyo isla markaana lagu haggo sidii ay wax u beeran lahaayeen.
2. ganacsatada iyo bangiyada in lafahansiiyo mushkiladda soo socota iyo sidii ay beeraha ugu jeesan lahaayeen ugguna fududayn lahayeen maalgashiga cidii cunno beeraysa.
3. Maamulladu in ay u qoondeeyaan dhaqaale iyo xirfadlayaal aragtidoodu tahay , sidii aynu isugu filaan lahayn xaga cunnada aassaasiga ah.
Waxaad maqli doontaan xilli dhow dawladihii cunnada aan kasoo iibsan jirnay oo maalin dhow iyagii cunno yari ka cabanaya.
Inta uu dilayo Covid19 , waxaa kabadan karta inta baahidu dili doonto, dunnida kala xidhantay darteed.
Bulshadii wax beerata ee isku filaata baa ka badbaadi doonta dhibaatooyinka ka dhallankara kala xidhnaanta dunida iyo cunno yarida baahsan ee la filayo .
“Aan beero falano
Kana bilowno roobka gu’ga ee hadda curtay.
Ninkaan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
Bulsho aan cunadeeda soo saaran karin, masii jiri karto”
WQ: Warda Mooge Cabdi