Xanuunka Covid-19 waxa uu leeyahay calaamado tiro badan, sida oo kale waxaa jira calaamado dadku iska mala awaaleen oo marar badan baraha bulshada lagu faafiyo. Qasab ma’aha in qofka xanuunku hayo calaamadaha oo dhan laga helo. Waxaa jira dad calaamadaha qaar uun laga helayo, waxa kale oo jira dad aad u badan oo calaamadba aan laga helin, isla markaana xanuunka oo jidhkooda ku jira haddana aanay waxba dareemin.
Waana dadka ugu khatarta badan ee xanuunka aad u faafinaya, maadaama oo ay isu haystaan in ay badqabaan, sidaa awgeed si caadi ah u dhaqmayaan.
Waana dadka ugu khatarta badan ee xanuunka aad u faafinaya, maadaama oo ay isu haystaan in ay badqabaan, sidaa awgeed si caadi ah u dhaqmayaan.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa calaamadaha ila hadda lagu arkay dadka bukaanka ah:
}
}
1. Boqolkiiba 88 bukaanka waxaa lagu arkay xummad aad u daran.
2. Boqolkiiba 69 waxaa lagu arkay qufac engagan.
3. Boqolkiiba 38 dadka uu ku dhaco ‘Coronavirus’ waxaa lagu arkay daal iyo burbur jidheed.
4. Boqolkiiba 33 waxaa lagu arkay xaako adag oo sambabada ka soo go’aysa marka uu qufaco.
5. Boqolkiiba 19 dadka uu xanuunkani ku dhacay waxaa lagu arkay neef qabatow.
6. Boqolkiiba 15 ka mid ah dadka COVID-19 helay waxaa lagu arkay lafo iyo xaglo xanuun.
7. Boqolkiiba 14 waxaa lagu arkay cunaha ama dhuunta oo olol iyo xanuun samaysa.
8. Boqolkiiba 14 waxaa lagu arkay madax xanuun daran.
9. Boqolkiiba 11 dadka uu ku dhaco Koroona-Fayras waxaa lagu arkay jidhidhico maqaarkiisa oo dhan ah.
10. Boqolkiiba 5 dadka uu Fayraska Karoona ku dhaco waxaa lagu arkaa yalaalugo / Lallabo ama matag.
11. Boqolkiiba 5 waxaa lagu arkay sanka oo xidhma / Cabudh aanu sanku in yarna furmayn.
12. Boqolkiiba 4 dadka uu ku dhacay COVI-19 waxaa lagu arkay shuban.
13. Boqolkiiba 1 Waxaa lagu arkay qufaca oo uu dhiig soo raacayo.
14. Boqolkiiba 1 ka mid ah dadka uu xanuunku ku dhacay waxaa lagu arkay indhaha oo barara.
Fayraska Koroona-fayras waxa uu weeraraa habdhiska neefsiga ee hoose; kaas oo ka kooban hunguriga neefta, farac hunguriyada oo (Bronchus), iyo Al-Fiyoolas ka (Alveolus) oo ka mid ah qayb sida kubadda ah oo ay maraan dhammaan hawlaha isku beddelka neefaha bannaanka u soo baxaya ama imanaya iyo kuwa dhiigga raacaya.
Waana halkaas halka uu Coronavirus kaga duwan yahay hargabka iyo durayga caadiga ah, oo isaga fayraska sababaa uu inta badan weeraro habdhiska neefsiga ee saro, oo sanka iyo dhuunta inta soke u badan. Waana sababta uu u keeno duufka badan ee biyaha ah iyo cabudhka sanboorka.