Tartanka Shirkadaha Dawooyinka iyo Jahawareerka Bulshda (WQ: Dr-abdikarim D Hassan)

Lixdii bilood iyo dheeraadkii aduunku la legdamayay caabuqa COVID-19 waxa la qoray 30,311 maqaal aqooneed (research articles), iyo 5,638 qabyo qoraal. Boqolkiiba shan iyo sagaashan cilmi-baadhisahaasi waa qaar derajadoodu hoosayso oo aan lagu go’aan qaadan karin. waxa kale oo buux dhaafiyay internet ka warar iyo macluumaad been cad ah (fake news). Macluumaadkaas mudad kooban inagu soo fatahay waxa weheliya tartar xaga dawooyinka ku saabsan oo u dhexeeya xarumaha cilmi-baadhisaha iyo dowladaha waawayn oo aan waxba la isula hadhin.

 

Dawooyin badan ayaa mid kasta la yidhi waxay leedahay faa’iido wayn oo wax bay ka tari kartaa dawaynta xannuunka. Waxa ugu horeeyay dawooyinka la amaanay Acetaminophen oo ah dawada aynu u naqaan Paracetamol oo la sheegay in ay yaraysay khatartii xannuunka dadkii lagu tijaabiyay; hadana waxa soo baxay xarumo caafimaad iyo dhakhaatiir tiro badan oo sheegaya in aanay waxaba tarin.

 

Waxa ina  soo maray in dadka looga digay dawada Ibuprofen-ta oo la yidhi xaalada qofka buka ayay uga sii dari kartaa, hadana waxa soo baxay in layidhi waa iska hadal e, waabay fiican tahay. Waxa judhiiba la amaanay Hydroxychloroquine iyo dawada kale ee ay mataanaha yihiin ee chloroquine oo ah dawooyin lagu daweeyo xannuunada rheumatism- ka iyo duumada; maalin aan inagaba fogayn ayaa iyana la yidhi waxtar la majeerto malaha ee waabay uga sii dareen dadkii lagu daweeyay oo bukaankaba waabay isasii kaba raacisaan.

 

FDA ayaa ogolaanshihii adeegsiga kala noqotay Hydroxychloroquine , waxaanay aad u koobtay xaalada loo adeegsan karo; taasi waxa kusii biiray dhowr xarumood oo kula cilmi-baadhista dawooyinka ah ayaa joojiyay tijaabadii ay ku wadeen dawadan markii ay u muuqan wayday wax faa’iido ah oo ay soo kordhin karaan iyo waliba dhibaatadeeda oo tiro badan.

 

Waxa soo baxday dawo (Remdesivir) markiiba cirka loola duulay oo ammaan badan loo miisay ilaa ay hay’adda dawooyinka iyo cuntada ee maraykanku (FDA) ogolaansho degdeg ah u soo saartay. Taasna buruudkeedii markiiba wuu shiikhay; waxaana cadaatay in sheekaduba buunbuunin warbaahinta ah oo ujeedooyin siyaasadeed wadata ay ahayd. Markaas ayaa inoogu danbaysay hadal haynteeda, cid danbe oo qaadaa dhigaysana maynu maqal.

 

Shalay hadana waxa warbaahinta qarqisay dawo layidhi waaba mucjiso aan hore loo dhaadin, amaba indhaha laga lalinayay. Dexamethasone waa dawo mudo dheer- labasoo bilaabo 1960- loo adeegsanayay xanuuno door ah; waa dawo qiimo ahaan jaban kana mid ah koox dawooyin ah oo loo yaqaan Corticosteroids. Waxay kamid tahay liiska dawooyinka ay WHO u aqoonsatay dawooyinka lagama maarmaanka ah ee ay tahay in laga helo xarun kasta oo caafimaad.

 

Cilmi-baadhistan cusub ee sheegtay in dawadan Dexamethasone faa’iido laga arkay, waa mid qabyo-qoraal ah oo aan wali si buuxda loowada faafin waxaana sameeyay koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan Jaamacada Oxoford. Kooxdani waxay yidhaahdeen dawadan waxaanu ku tijaabinay dad xanuunka COVID-19 uu soo ritay, laakin dadka waxtarka ugu wayn ka helay waxay ahaayeen dadkii xaaladooda ay aad u liidatay, waliba kuwa lagu rakibay mashiinka neefsiga kaaba. Sida ay xisaabiyeen, waxay yidhaahdeen dadkaas jilicsan, dawadani khatartii dhimashada sadexmeelood meel ahaan ayay yaraysay. Dadka iyagu iskood u neefsan kara, wax faa’iiso ah oo la taaban karo kumay kordhin.

 

Dhowr arimood ayay muhiim tahay in aynu fahano marka dawo cusub oo COVID-19 wax ka taraysa meel laga dhawaaqo. Kow, madamada waawayni tartar aqooneed iyo mid kala sarayneed ayaa ka dhexeeya; wadankasta iyo cilmi-baadheyaashiisu waxay isku deyayaan in ay ismuujiyaan oo aanay fagaaraha ka qarsoomin.

 

Sidaa darteed inta ugu badan aqoontaas la faafinayaa waxa loogu talo galay barobagaando iyo magac-raadin. Arinta labaad, waxa socda tartan dhaqaale oo xoog badan oo u dhexeeya shirkada waawayn ee dawooyinka soo saara; shirkada maanta si rasmi ah u hesha dawo xannuunkan dawayn kartaa waxay faa’iidi doontaa aduun aan qiyaas lahayn, sidaa darteed wararka lagu dhawaaqayo waxa inta badan dabada ka riixaya shirkado raba bal inay ogaadaan waxa shirkada kale ku foogan tahay.

War kasta oo qurux badan isla markaana yididiilo abuuraya, ma noqdo mid dhab ah. sidaa darteed waa in aan ka digtoonaano qaadashada wararkaa warbaahintu inoo soo gudbinayso; waana in ay si buuxda ula socono dhakhaatiirteena sida dhow ula socda xannuunka COVID-19 iyo kolay xogta la hubo ee kasoo korodha. Ha iska iibsan dawo aad ka maqashay warbaahinta oo aanu dhakhtar kuu qorin. dhakhtarkuna waa in uu ku shaqeeyo uu hagayaasha kasoo baxay wasaarada caafimaadka.

Mahadsanid