Toban qodob oo ku saabsan Columbia iyo One Young World 2017 (WQ: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid)

Waxa aan dhawaan safar ku tagay Waddanka Columbia, caasimaddiisa Bogota, halkaas oo aan kaga qaybgalay shir sannadle ah oo sannadkiiba magaalo lagu qabto. One Young World waxa sannadkan martigelinaysay Bogota. Tobankan qodob ee soo socda waxaan isku deyi doonaa inaan kaga sheekeeyo, si kooban, waxyaabo ka mida ah wixii aan soo arkay;

  1. Waddanka Columbia waa waddan ay u shaacbaxday ama dunida u gashay sawirka guud ee daroogada iyo tuugannimada. Qof kasta oo dhallinyar ah oo wax uun ka maqlay waddankaasina waxa uu garanayaa Pablo Escobar iyo sheekooyinkiisa, oo dunida badankeeda caan ka noqday. Sida ay sheeko kastaa u leedahay labo dhinac, waddan kastaana u leeyahay waxyaabo wanaagsan iyo sheekooyin dacaayad ku ah sumcaddiisa, ayay sidoo kale Columbia leedahay waji kale. Waa waddan ay ku noolyihiin 50 milyan oo qof oo isugu jira jinsiyado kala duwan. Luuqadda ugu weyn ee waddanka lagaga hadlaa waa Spanish, waxase jira ku dhawaad 70 luuqadood iyo lahjadood oo ay qabiilooyinku kala leeyihiin. In kasta oo cimilada waddanku ay qabaw dhexdhexaad ah u badan tahay, haddana cadceedda iyo kulaylkeeda waad is arkaysaan intaad joogto oo waddanka waxa dhexmara dhulbadhaha (Equator).
  2. Magaalada caasimadda u ah waddanka ee Bogota, waa magaalo qurux badan, si nidaamsan u dhisan, waddooyinkeeduna nadiif yihiin. Marka aad magaalada dhex marto, waxa ay ishaadu qabanaysaa meelo badan oo lagu nasto oo waddooyinka hareeraheeda ku yaalla. Arrinka xiisaha leh ee magaalada inta aad dhexmarayso guud ahaan aad arkaysaa waxa weeye; farshaxan cajiib ah oo ku xardhan dhammaan gidaarrada, biriishyada, dhismayaasha iyo xarumaha dawladda. Farshaxankan oo ah nooca loo yaqaanno “Street Art” waxa uu koobsanayaa sawirro gudbinaya dhaqammada iyo dabeecadaha kala duwan ee waddanka iyo dadkiisa. Magaaladan caasimadda ahi waxa ay leedahay madxafyo ay yaallaan waxyaabaha qadiimiga/taariikhiga ah oo aad ka tarjuman karto marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo waxyaabaha uu caanka ku yahay. Meelahaa waxa ugu caansan Gold Museum (Museo del Oro), oo marka aad dhexgasho indhahaagu qabanayaan dahab aad u badan, halkaas oo aad si fiican uga dhex arki karto xidhiidhka ka dhexeeya macdanta guud ahaan – gaar ahaan dahabka – iyo waddanka Columbia. Waxaa kaloo ka mida ah meelahaas Colombian National Museum (Museo Nacional) iyo Botero Museum (Museo Botero) oo saddexdooduba ku yaalla Caasimadda. Bogota waxa ku nool ku dhawaad 10 milyan oo qof.
  3. Isla marka aad ka degto madaarka magaalada ee Eldorado International Airport, waxa aad dareemaysaa jawi qabaw oo roobban iyo deegaan cagaaran. 7:45 subaxnimo ayaan ka degnay madaarka, isla markiiba waxaan soo raacay baabuur, anigoo ku sii jeeda Hotelkii aan magaalada ka degi lahaa inta aan joogo. Waxa aan isku deyay inaan la sheekaysto darawalkii oo aan ka fekerayay inuu luuqadda Ingiriisida garanayo, balse waan ku guuldarraystay malahaas. Way nagu adkaatay inaanu is fahamno, saa midkaayana ma kasayo ka kale luuqadda uu ku hadlayo e. Waxa ay iska noqotay uun, “Shan faroodle isma fahmi waayo” iyo qosol aad jawiga ku hagaajisanaysaan, labadiinnuba. Muddadii aan joogay Bogota oo dhanna, dadka u dhashay waddanku sidaasay ahaayeen marka laga reebo dad aan badnayn oo aanu ku kulannay shirka, hotelka ama meelaha lagu caweeyo. Wixii intaa ka dambeeyay waxa aan ku dadaali jirey inaan anigu ka isticmaalo luuqadda Spanish-ka waxyaabaha ay lagamamaarmaanka u tahay inaad qof wada xidhiidhaan ama aad dan fudud ku qabsato. Taas oo ahayd xidhiidh dhinac kaliya ah oo aad farriintaadii uun gudbinayso (one-way communication).
  4. One Young World waa shir sannadle ah oo sannadkan ay caasimadda Bogota martigelinaysay. Shirka waxa lagu furey barxadda shimbiruhu ku farabadan yihiin ee loo yaqaanno Plaza da Bolivar. Furitaan qurux badan oo uu ka soo qaybgalay madaxwaynaha waddanka Juan Manuel Santos, Maayirka Caasimadda Bogota Enrique Penalosa, Aas-aasayaasha One Young World David Jones iyo Kate Robertson, Saaxiibbada One Young World oo kor u dhaafaya 50 oo ay ka mid yihiin Kofi Annan, Prof. Mohammad Yunus, Mary Robinson, Jerome Jarre, Sir Richard Branson, Paul Polman, Tawakkol Karman, Ron Garan, Hope Solo, Emma Watson, Sir Bob Geldof, Cher iyo qaar kale oo badan. Shirkan oo ay ka soo qaybgalaan dhallinyaro, ayaa sannadkan waxa yimi 1300 oo dhallinyaro oo ka kala socday 196 waddan.
  5. Shirka waxa ugu badan ee lagu soo bandhigay waxay ahaayeen mawduucyo khuseeya dhallinyarada oo ay ka mid yihiin; hoggaaminta, ganacsiga, waxbarashada, horumarinta nafta, nabadaynta, sayniska, isbeddelka cimilada, culuumta tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada (social media), xuquuqda bani’aadamka iyo mawduucyo badan oo isugu jira dhiirrigelin iyo hindisayaal ama waxyaabo cusub oo ay curiyeen dhallinyarada ka soo qaybgashay shirka.
  6. Kulammada ugu xiisaha badan intii shirku socday waxa ka mid ahaa kulammo ay dad hore u soo shaqeeyay/shaqeeya dhallinyarada ugu soo bandhigeen siraha ka dambeeya shaqada ay qabteen/qabtaan iyo guulaha ay sameeyeen taarikhdooda; dadkaas waxa ka mid ah Madaxwaynaha Columbia Santos, oo ka sheekeeyay sida uu uga shaqeeyay nabadda Waddankiisa iyo sida uu ula heshiiyay malleeshiyaad badan oo duurka ku jirey. “Waligaa ha joojin isku-deyga. Waxaan isku deyay sannado badan sidii aan uga midho-dhalin lahaa nabadda hadda ka jirta Columbia” Sidaa waxa yidhi Santos oo ka sheekenayay halgan nabadayn ah oo uu ku soo afjaray dagaallo socday muddo ka badan 50 sanno oo galaaftay nolosha dad badan oo waddankiisa ah. Santos ayaa ku guuleystay abaalmarinta nabadaynta ee adduunka (Nobel Peace Prize) sannadkii 2016. Koffi Annan oo ahaa xoghayihii toddobaad ee Qaramada Midoobay oo la hadlayay dhallinyarada ayaa khudbad aqoon iyo waayo-aragnimadiisii ku saabsan soo bandhigay. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay dhallinyarada inay ka qaybqaataan hoggaaminta. Hadalladiisii waxaa kamid ahaa; “Sida aanay waxbarashadu da’ lagaga gaboobo u lahayn, ayaanay hoggaamintuna u lahayn da’ yaraan kaa joojisa inaad wax hoggaamiso”! Waxa sidoo kale shirka ka hadlay Prof. Muhammad Yunus. Prof. Yunus oo loogu yeedho “Aabbaha Ganacsiga Bulsheed (The Father of Social Business)”, ayaa wuxuu caan ku yahay aragtidiisa maalgalineed ee “microfinance”-ka, oo ay ka faa’iideen dad aad u badan oo sabool ahaa. Prof. Yunus waxa uu ku guulaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize sannadkii 2006, waxyaabaha u sahlay inuu abaalmarintaas helana waxa ka mid ahayd fikirkiisii iyo dadaalkii uu ku aasaasay Grameen Bank oo aad caan uga ah Waddankiisa Bangladesh iyo meelo kale oo dunida ahba. Prof. Yunus oo la hadlayay dhallinyarada ayaa yidhi; “Ha raadinina shaqooyin, idinku abuura shaqooyin”. Wuxuu Muhammad Yunus ka sheekeeyay, siyaabaha loo abuuro, loo maamulo, looguna dhiirrado ganacsiga, waliba kuwa yaryar. Prof. Yunus ayaa sidoo kale ka hadlay qaaciidadiisa uu u bixiyay “The Three Zeros”, Zero Poverty, Zero Unemployment iyo Zero Carbon Emission. Waxaan fursad u helay inaan Prof. ka sheekaysanno wakhti kooban, maalin kamid ah maalmihii uu shirku socday.
  7. Mid ka mid ah kulammadii xiisaha lahaa ee shakhsiyan i soo jiitay waxa ka mid ah kulan uu cinwaankiisu ahaa; Sidee ayay ugu diyaargaroobi karaaan da’yartu shaqooyin aan hadda jirin?; “What can prepare young people for jobs that don’t exist yet?” – Waxa la saadaalinayaa in 500 milyan oo ka mid ah shaqooyinka hadda jira ay meesha ka saari doonaan “robots” iyo isbeddello kale, tobanka sanno ee soo socda. 38% Shaqooyinka hadda Maraykan ka jira iyo 35% shaqooyinka ka jira waddanka Jarmalka ayaa kamid ah shaqooyinkaas meesha ka bixi doona. Kulankan oo ka soo qaybgaleen dadka hoggaamiya shirkadaha shaqaalaha ugu badan haya sida Coca Cola, BMW iyo Telefonica ayaa waxa lagaga doodayay sidii ay waxbarashadu ugu diyaarin lahayd ardayda soo socota inay la qabsan karaan isbeddelladaas, qaabkii “waxbarista” loogu beddeli lahaa “hubeyn”, ardayga lagu hubaynayo xirfado uu ku shaqayn karo, meel kasta iyo mar kasta.
  8. Sannadkan waxa One Young World ka qaybgalay dhallinyaro Soomaali ah oo ka kala yimi, Hargaysa, Sweden, UK, Qatar iyo Jabbuuti. Waana sannadkii ay ugu tiro badnaayeen, guud ahaan.
  9. Ma jiro xidhiidh ka dhexeeyay Columbia iyo Soomaalida guud ahaan, inta aan anigu ka warqabo laakiin waxa jira waxyaabo ku cajabgelinaya marka aad ogaato. Tusaale ahaan, magaalada labaad ee ugu wayn waddanka waxa la yidhaahdaa “Cali” oo ah magac Soomaalidu aad u adeegsato. Dadka magaaladan ku nool waxa lagu tilmaamaa inay yihiin dad naxariis badan, soo dhawayn badan aadna daacad u ah! Arrinka kale ee layaabka badan ee aan maqlay waxa uu ahaa, waddanka waxa ka jira jabhad la dagaallanta dawladda oo duurka ku jirta oo magacooda loo yaqaanno; “Soomaali”, Sababta loogu bixiyayna ay tahay mayal-adayga iyo ad-adayga ay Soomaalidu leedahay oo ay hal-ku-dhig uga dhigteen halgankooda. Waxa intaasba ka layaab badan marka aad suugaanta Soomaalida eegto iyo Cabdi-Gahayr oo 1940 tameeyadii ku gabyayay, “Columbia-na waa laga helaa, kiisas aan galay”!
  10. Waddanka Columbia waa waddan qurux badan, meelo loo dalxiis tago oo fara badanna leh. Waxa ka mid ah goobahaas buurta loo yaqaanno Monserratte, oo badda ka sarreysa 3200 meter. Marka aad ku sugan tahay goobtan waxa aad si fudud u arki kartaa muuqaalka guud ee magaalada Bogota. Waddanku waxa uu ka kooban yahay lix gobol oo dhammaantood leh goobo loo dalxiis tago. Haddii aad booqato waddankan waxaad halis ugu jirtaa in wakhtigu kugu yaraado oo aad kordhisato muddada aad joogayso. Hay’adda dalxiiska qaabbilsan ee waddanka Columbia waxa ay halhays u leeyihiin; “El riesgo es que te quieras quedar” oo micnaheedu yahay; “Waxaad khatar ugu jirtaa inay joogistaadu dheeraato” – “The risk is you may want to stay”!
Barxadda Plaza da Bolivar

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid
Hargaysa, Somaliland
talktoabdirahman@gmail.com