XUSKA TODOBAADKA NAASNUUJINTA ADDUUNKA

Xubinteena koowaad ee barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku faaqidi doonaa xuska todobaadka Naasnuujinta adduunka oo Hargaysa lagu qabtay.

Maalinta Naasnuujinta adduunka ayaa laga xusaa dhammaan dunida oo dhan, waxaan lagu soo bandhigaa faa’iidad uu caruurta yar yar u leeyahay Naasnuujintu, waxaan kor loogu qaada wacdiga bulshada ee la xidhiidha Naasnuujinta ilmaha iyo sida uu lagama maarmaan ugu yahay caruurta.

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabanqaabisay, Xuska todobaadka naasnuujinta oo sannad kasta laga xuso guud ahaan caalamka, halku dhiga sannadkan ayaa ahaa. Dabool gal-daloolada oo taageer naasnuujinta.

Munaasibada si heersare ah loosoo agaasimay oo lagu xusyay todobaadka naasnuujinta kana dhacday magaalada hargaysa ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha waaxda caafimaadka bulshada, madaxa qaybta nafaqadda, saraakiil sarsare oo ka socotay hay,addaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee la shaqeeya wasaaradda, shaqaalaha caafimaadka mudan iyo marti sharaf kale.

Xuska todobaadkan oo ujeedadiisu tahay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimada ay Ilmaha u leedahay naasnuujintu iyo sida ay uga qaybqaadato koriinkiisa. Ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay munaasibada xuska todobaadka naasnuujinta masuuliyiintii kasoo qaybgashay, iyagoo xusay in ay lagama maarmaantahay in ilmuhu helo naasnuujin dhamaystiran.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo madasha xuska todobaadka naasnuujinta hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa si qotodheer uga waramay naasnuujinta iyo muhiimada ay u leedahay Ilmaha, isagoo sheegay in aanay jirin wax badali kara ama halkooda gali kara caanaha naaska hooyadda, caanahaasina ay yihiin caano illahay ugu talogalay Ilamaha yar, kuwaas oo ka qaybqaata, nafaqaddiisa, koritaankiisa maskaxeed iyo jidh ahaaneed, difaaciisa naxuunada, sidaas darteedna ay lagama maarmaantahay in ay hooyaddu naasnuujin dhamaystiran siiso Ilmaheeda.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com