Isbedelka Danaha Iyo Dawaladaha Caalamka!

Bishii Novmember 27 sanadkii 1869 ayaa si rasmi ah loo furay Kanaalka Suways ee ku yaalla dalka Masar, iskuna xidha Badda cas iyo Badda cad. Xafladda furitaanka ayaa ka dhacday magaalada Buur-Saciid ee dalkaasi. Dhismaha kanaalkan ayaa qaatay 15 sano. Intii dhismihiisu socday dhawr jeer ayuu isu istaagay murano siyaasadeed. Mararka qaarkoodna wuxu isu tagaay xanuunka daacuunka oo dilaacay. Dhererkiisu wuxu gaadha 101 Mayl . Waxaana uu dhib yareeyay safaradii Ganacsi ee isaga kala gooshayay ganacsigii Afrika, Asiya iyo Yurub. Dawladda Ingriiska ayaa ahayd mid aan ogolayn in la dhiso Kanaalka.

Nepelionkii Faransiiska ayaa isku deyay sanadkii 1789 inuu dhiso Kanaalka, waxase ay u sheegeen kooxihii sahanka ahaa in haddii la dhiso ay biyaha Naylku keenii doonaan daad waaweyn oo dhibaato ku keena dadka. Sanadkii 1854 markii Faransiisku heshiiska dhismaha Kanaalka la galay wakiilka Boqorka Masar, isla wakhtigaasi ayuu safiirkii Ingriiska ee fadhiyay Farance ku dooday in dhismaha kanaalku yahay hawl is dil ah oo dhib badan, taasi oo muujisay sida uu Ingiriisku uga soo hor jeedo dhismaha kanaalkan, isagoo dantiisa keliya ee wakhtigaasi eegayay. Maanta haddii la yidhaa waa la xidhayaa Kanaalka, Ingiriiska iyo Yurub iyo dunida kaleba oo dhami ma ogolaanayaan arinkaasi. Sidaas ayay isula bedelaan danaha dalalku xaaladaha hadba la taagan yahay.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com