Hadalkii Wasiir Koore ee Dhaboobay W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Afar sanno ka hor xafladdii 26-ka Juun 2021-kii ayuu Wasiir Koore oo wakhtigaa ahaa Wasiirka Warfaafinta hadalka hoose ka sheegay munaasibadda oo ka dhacday Boorama. Wuxuu yidhi” Haddaad maqashaan Soomaaliya ayaa doonaysa Soomaalilaan. Waxa ay u jeedaan waa beesha dhexe (Isaaq). Waar nimanku qol ayey inoogu jiraane qolka ku haya. Haddii Soomaaliya aynu isla tagno, annagu meel aanu ku dhacayno garan mayno. Sagaal balo oo aanu is-sheeganayno ayaa naga horraysa oo meel aanu ku dhici garanmayno.” Wuxuu maldahay in Dhulbahante iyo Samaroon aanay waxba ka noqonayn haddii ay Soomaaliya iyo Soomaalilaan midoobaan, ee ay Soomaalilaan magac, maamuus iyo mansaba ku leeyihiin.
= Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan Muqdisho su’aallo lagu weydiinayey ayaa wax laga weydiiyey Awdal State iyo Khaatumo. Nin dhallinyaro ah oo Awdal State wax ka weydiiyey wuxuu ku yidhi adiga ayaan kaa maqlay magacaasi. Micnahaan wuu dafiray jiritaanka kooxdaasi dibad-wareegga ah. Sidoo kale su’aal laga weydiiyey Khaatumo wuxuu sheegay in shuruudo lagu xidhay oo looga baahan yahay inay soo buuxiyaan si loo aqoonsado.
Markaa halkay isugu imanayaan hadalka Wasiir Koore iyo ka Raysal wasaaraha Soomaaliya waxa weeyi Dhulbahante iyo Samaroon waxa ka culus Isaaq in laga takhaluso. Khaatumo waxa ay gacanta ku hayaan gobolka Sool ee Soomaalilaan oo weliba degmooyin ka maqan yihiin. kooxda Soomaaliya haddii ay sidooda ku aqoonsadaan badd weyn ayey geli, oo gobol kasta oo Soomaaliya ka tirsan ayaa odhan doona annagana na aqoonsada, taasina ma sameyn karaan.