Dadka reer Japan ee keligood nool oo dhimashadoodu aad u badatay- warbixin

Ku dhowaad ​​40,000 oo qof oo ah dadka kelida u nool ayaa ku dhintay guryahooda Japan sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen booliska dalkaasi . tiradani waa intii dhimatay qaybta hore ee sanadkan 2024.

Dadkan dhintay ayaa la ogaaday muddo ka dib sida lagu sheegay warbixinta, ku dhowaad ​​4,000 oo qof oo ka mid ah dadkan ayaa la helay in ka badan hal bil ka dib markii ay dhinteen, 130 ka mid ahna waxa la ogaaday muddo sannad ah ka dib, sida ay sheegtay Hay’adda Bilayska Qaranka.

Japan ayaa hadda ah dalka ugu badan dadka da’da weyn marka la eego adduunka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxaykale oo iftiiminaysaa tiada sii kordheysa ee dalka dadka da’da ah, isla markaana dhimanaya iyaga oo keligood nool.

Laga soo bilaabo qeybtii hore ee 2024, xogta Hay’adda Booliska Qaranka ayaa muujineysa in 37,227 qof oo keligood noolaa laga helay meydkooda guryahooda, waxaana ugu badana dadka da’doodu ka weyn tahay 65 waxaanay dhimashada ka yihiin 70%.

Boqolkiiba 40% ka mid ah dadka kaligood ku dhintay guryaha ayaa la ogaaday maalin gudaheed, ku dhowaad ​​​​3,939 meyd ah la helay in ka badan bil dhimashadooda ka dib, halka130 qof la ogaaday ugu yaraan hal sano ka dib.

Iyada oo lagu xisaabtamayo meydadka la helay 7,498, ayaa da’doodu tahay 85-jir iyo wixii ka sareeya, waxaana ku xiga 75-79-jir oo dadka la helay ka ah 5,920. Dadka da’doodu u dhaxayso 70 ilaa 74 jir waxay dadka dhintay ka yihiin 5,635.

Horraantii sanadkan, Machadka Qaranka ee Cilmi-baadhista Dadweynaha iyo Amniga Bulshada ee Japan, ayaa sheegay in tirada muwaadiniinta da’da ah ee da’doodu tahay 65 iyo wixii ka weyn ee keligood nool la filayo inay gaadhaan 10.8m sanadka 2050.

Bishii Abriil, dawladda Japan waxay soo saartay sharci ka hortagaya dhibaatada kalinimada iyo go’doominta ee dalku la noolaa tobanaan sano, taas oo qayb ka ah dadka da’da ah ee dalka.

Japan ayaa muddo dheer isku dayaysay inay ka hortagto gabowga iyo hoos u dhaca tirada dadka, laakiin isbeddelka ayaa noqon doona mid adag in dalku maareeyo.

Sannadkii hore, Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida ayaa sheegay in waddankiisu uu qarka u saaran yahay in aanu u shaqeyn karin bulsho ahaan sababta oo ah heerka dhalmada oo hoos u dhacay.

Qaar ka mid ah wadamada deriska la ah ayaa wajahaya caqabado la mid ah oo xagga tirakoobka ah.

Sannadkii 2022, dadka Shiinaha ayaa hoos u dhacay markii ugu horreysay tan iyo 1961-kii , halka Kuuriyada Koonfureed ay si joogto ah u sheegtay heerka ugu hooseeya ee dhalmada adduunka.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com