Maayar Mooge Maxaa Laga Doonayaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Adduunka lama arag Maayir aan xisbi ku jirin. Dabcan wuxuu ka soo baxay xisbiga Waddani, hasayeeshee markii uu helay 26 kun oo cod ayuu u qaatay in Maayarnimo loogu codeeyey. Waxa doortay waa 17 Xildhibaan. Taasina waxa ay ku keentay inuu xisbigiisii Waddani shirweynihiisii uu ka qaybgeli waayo. Sidoo kale kumuu biirin Kulmiye iyo Ucid midna.
= Waxa lagu haystaa waa inuu xisbi ku biiro oo meel loogu soo hagaago samaysto. Dhawr jeer oo la waraystay wuxuu si dadban u sheegay in aanu xisbna ku jirin, taasina way muuqataa. Waxa la galay wakhti olole wuxuu horjooge ka yahay caasimad ay ku nool yihiin dad tiro badan, ilaa maanta meel ololihiisa lagu tiriyo lama hayo.
Dhallinyaradan xisbiyada ku kala jirta ee uu doonayo inuu mid kasta taageeradiisa haysto maaha mid soconaysa. Wuxuu raadinayaa shacbiyad isku duuban oo aan xisbna ahayn, taasina waa riyo. Waa inuu laba mid soo galaa: Waddani ama Kulmiye, waana sida ay yihiin Maayarrada dalku.