Waa maxay sababta ay Soomaaliya u bilawda dagaalka ciddiyo ku dagaallanka ah?

laba sababood baa ugu waaweyn. Ta hore waa iyada oo caalamkii ka soo quusatay in ka caawisa inay hor istaagto MOUgii oo dhagaha laga furaystay.
Ta labaadna waa iyada oo ciidamadii ATMIS ee ka celin jiray AL-shaab wakhtigoodii ku egyahay sannadkan dhammaadkiisa. Kuwa lagu soo bedelayo ee loo bixiyay (AUSSOM) AU Support and Stabilization Mission in Somalia ay aad uga yaryhiin tiradadii ATMIS, iyada oo wararka qaarkood sheegayaan inaanay dhaafayn 4000 illaa 5000 oo askari.

Sababtana lagu sheegay in aan loo hayn dhaqaale lagu bixiyo. Balse sababta ugu weyn ee loo yareeyay ciidamadu waa waraaq ay dawladda Somalia qortay sannadkan bilawgiisii oo ku socodsiisay dalalka EU, Maraykanka iyo AU oo ay ku sheegtay in aanay u baahnay ciidamo kale oo nabad ilaalin ah, taa beddelkeedana ay ciidamadeedu ku filan yihiin, balse maalmo yar kadib makii ay arkeen inay khalad weyn galeen ay waraaq kale ka daba geeyeen iyaga oo sheegaya inaan hadalkoodii waxba laga soo qaadin. Intaa kadib caalamku waxa uu u arkay dad aan waxa ay samaynayaan ka fiirsan oo aan siyaasaddooda laysku hallayn karin.

Labadaa qodob ayaa hadda ugu waxan oo waraaqo ah oo iska soo daba baxaya, waa rafadkay rafaynaysay iyo firfirtii ugu danbaysay.

 

Cabdiraxmaan Hayaan

Cbdrxmngeni@gmail.com