Siyaasiyi War-somali Side iyo Odayaal Difaaca Qaranka ku Taageeray Madaxweynaha

Ceerigaabo(Dawan)Siyaasiyi Cabdiraxamaan War-somali sde iyo odayaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa taageero u muujiyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo ka hadlay Magaalada Ceerigaabo ayaa sheegey in Xukuumadda ku garabtaagan yihiin difaaca dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan War Soomaaliside ayaa waxa uu ku amaanay Madaxweynaha socdaalkii uu ku tagay Gobalka Sanaag.Waxaana uu yidhi”Madaxweyne waad ku mahadsantay socdaalkii aad ku timid Magaalada Ceerigaabo,waxaana aanu u imid halkan soo dhawaynta Madaxweynaha.dekeda Maydh waxa hirgaliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waana uga mahadnaqaynaa,”.

Sidoo kale mid ka mida odayaashan ayaa waxa uu tilmaamay ay garabtaagan yihiin Xukuumadda.Waxaana uu yidhi”Waanu ku barbar taaganahay Madaxweynaha dalka difaaciisa,dalka wax badan ayuu u qabtay,waanu barbar taaganahay Madaxweynaha cod Ciidan iyo si kasta waana mutaystay.”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com