Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waa suaal lays waydiiyo, maxaayeelay dee marku qofku kursiga ku fadhiyo waxa uu jecal yahay in uu waqtiga sii dheeraysto, laakiin waatan looga taag laayahay waar abaar ayaa jirtee aynu dib u dhigno, meesha sir ayaa ku jirta, tolow waa maxay sirtaasi, bal an maleeyo. Waxa laga yaabaa dhaqaale ayaa la ururiyay markaa dhaqaalahaa ayaa la doonaya in dadka abaaraysan loogu gurmado, laguna beer laxawsado si  ay codka u bixiyaan, maxaa yeelay soomalidu waxay tidhaa af wax cuna xishoo, markaa kulmiye wuxu is tusay inay halkaa fursad ugu jirto anigu sidaa ayaan u malaynayaa.

Kuwii mucaaradka ahaana waa kuwan leh dib ha loo dhigo maxaa yeelay waxay og yihiin sirtaa dhaqaalaha. in marka gurmadkaa loo galo dadkan abaaraysan in dadku ugu shubi doonaan dawladaa quudisay

Rasuulkeenu SC wuxu yidhi dagaalku waa khiyaamo ama waa sida uu yidhi eh, doorashaduna waa nooc ka mid ah dagaalka illayn kursigii ugu sareeyay ayaa laysku hayaa eh, kuwan leh dib ha loo dhigo waxay raadinayaan fursad, waxay arkayaan in fursadu ka janjeedho ee dad abaaraysan uma danaynayaan, kuwan ku dhiiranayaa in la qabtaana waxay arkayaan inay fursad haystaan, in marka ay gurmadkaa galaan dadku ugu shubi doonaan.

Gunaanad, Dadka maxaa u dan ah  ma in doorashada la qabto mise in dib loo dhigo? waxaan qabaa dadka dantiisu waxay ku jirtaa in doorashada la qabto, waayo dadku xaalad abaareed oo ba’an ayuu ku jiraa, jiilaalkiina imika ayuun baa lagalay, markaa ciddii ka saari lahayd ayuu u baahan yahay. markaa kulmiye dhaqaalaha soo galay awgeed wuxuu isu arkaa in uu dadka wax u qaban karo. sidaa darteed ayuu u riixayaa, kuwa kalena waxay ogyihiin inayna waxba islahayn dadkana xaaladan ka saari Karin, markaa iyaga oo dantooda eegaya waxay u arkaan in dib loo dhigo.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com