Umada ama Qofka Muslimka Ah Laba Dagaal Ayaa Ku Socda (WQ:Nuur Xaaji Xiiray)

Qofka ama umada muslimka ah laba dagaal ayaa ku socda, mid qofku ama umada muslimka ah guul ayay taaganyihiin marwalba, hal arin uun baa looga baahan yahay dagaalkaas, waa inay ku sabraan uun, mar haddii ay iyagu marwalba gacanta sare leeiyihiin.

Dagaalka labaad waa geeri iyo nolol. Qofka ama umada muslimka ahi dagaalkan waa inay guulaystaan guul aan guul ka dambayn, ama waa inay khasaaraan khasaare kii ugu dambeeyay.

Markaa labada dagaal kee khatar badan dee waa dagaalka dambe. Markaa miyaanay ahayn in qofka ama umada muslimka ihi mudnaanta kowaad siiyaan dagaalkan.

Khibrad i soo martay, waa dagalada ay munaafiqiinta iyo gaaladu ku wadaan dadka muslimka ahe. aniga oo shaqo wanaagsan haysta ayaan nin wadaad ah, oo waji awliya ah leh, ii soo bandhigay shaqo wanaagsan, oo u muuqata inay ka mustaqbal wanaagsantahay ta aan markaa hayay, shaqadii xaga illaahay ayuunbay ka joogsatay. Mudo ka bacdi, kii aad moodaysay inu waji awliyo leeyahay, hadana ii yimid isagoo shaqo kale iigu baaqaya, waan ka aqbalay, hooyaday alla ha u naxriistee ayaa in badan iiga digtay, laakiin maan dhagaysan, markii aan shaqadii galay ayuunbaan arkay kuwii aan wadaado moodayay iyo munaafiqiintii oo wada qoslaya, markaas ayaan gartay inuu ahaa qorshe lay dagay, waxaan gaadhay, ninkaygii salaadaha jamaca si fiican u tukan jiray, illaa aan salaadii cishaa anoo ordaaya inaan tukado, hooyaday ayaa igu tidhi imisa ayaan kaaga digay.

Bal ka waran dadka muslimka sheeganaya ee nin walaalkood oo muslim ah intaa u xadhig maleegaya sidii ay noloshiisa u burburinlahaayeen ee hadana safka hore kuwda tukada, soomaliland waxaas ayaa yaal, sheekadan aan idiin sheegay, it is the tip of the iceberg, mar hore ayayba ii bixiyeen Salmaan Sabir badanaa.
Hadaba hadii aan idiin sheego labada dagaal mid waa ka gaalada iyo munaafiqiintu ku hayaan qofka muslimka ah ama dadka muslimiinta ah, dagaalkan marwalba qofka muslimka ah ayaa gacanta sare leh, waayo waa siday diinteenu inoo sheegtay, waa labada wanaag mid uun, guul ama shahiidnimo, inta ay doonaan dhib ha gaadhsiiyaan qofka ama umada muslimka ah dhaqaalahooda, sharaftooda iwm, dambiga ayuun bay ka roganayaan. Qofka muslimka ah ama dadka muslimiinta ah waxa looga baahanyahay uun sabir inta ay dagaalkan ku jiraan.

Hadaba dagaalka labaad ee khatarta badan waa dagaalka Ibliis iyo duriyadiisu ay kugu wadaan dagaalka rasmiga ihina waa kan, nin sheekh ah ayaa laga hayaa dadku cadawyo badan ayay samaystaan laakiin anigu mid uun baan cadaw ka dhigtaa waa Ibliis iyo duriyadiisa.
Cadawgeena rasmiga ihi waa Ibliis iyo duriyadiisa ka gaalada iyo munaafiqiintu waa mudo kooban oo sabir uun u baahan.
Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com.