Ummad jahawareersan! (WQ: Cabdicasiis-Daacad Ibraahin)

Ummad jahawareersan!

 

Dadku waa cajiib. Dadka aan ka hadlayaa waa Soomaalida. Waa ehel la yaab badan oo dhan walba qabyo ka ah.

 

Beri dhexdaas ah oo aan arday qoraalka Afsoomaaliga barta ahaa, ayaa aan u hanweynaa inaan wax ka qoro arrimaha bulshada. Hubaashiina wax aan wax u baranayey baa ahayd inaan bulshada ku hogatusaaleeyo, arrin ka qalloocan u tilmaamo mid u toosanna ku boorriyo. Waagaas waxa aan arday uga ahaa arrimaha qorista iyo barashada Afka Soomaaliga rag badan oo qoraageenna weyn ee Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed kow ka yahay. Alle haka abaaliyee wuxu igu dhiirriyey inaan wax qori karo, dadkana la wadaagi karo hadba fikir, aqoon, mabda’ iyo karaankayga wixii aan ku hagi karo.

 

Markii aan tababarkii meel fiican ka gaadhay, ayuu macallinku maalin farriin ii soo diray dhiirrigelin ah. Run ahaantii, shahaado cilmi ah iigama ay dhacayn. Dulucda farriinta oo dheerayd, wax aan idiinka xusayaa weedhahan: “Maanta qalinkaagu wuu istaagay, waanad fiican tahay. Ummadaada wax u qor, oo wax fiican oo tayo iyo aqoon leh u qor. Wadciga bulshada dhexgal, fahan, la nooloow oo kolkaas wax u dhitee. Barashada dadkaaga, dhaqankooda, habfikirkooda, aqoontooda iyo noloshooda ku dedaal. Kolkaas baad boqol buug oo qiimo leh qori karaysaa, afkaaga u hiilin karaysaa, dhaxalna reebi karaysaa. Edebtaada, aqoontaada iyo adduun araggaagana dhis..”

 

Xaqiiqdii, weedhahaas oo aan si guud oo kooban u sheegay ayuu igu kalsooni siiyey macallinku. Maalmihii barashada iyo kuwo badan oo ka danbeeyay ayaan wax qoray. Maqaallo, faallooyin iyo suugaanba.

 

Berigaas, aqoonta aan bulshada u lahaa waa ay ka koobnayd midda aan hadda u leeyahay. Aragtidayda iyo duun-araggaygunu waa ka yaraa midka iminka. Qiimeynta kafadeed iyo miisaanka aan dadka, dalka iyo dhacdooyinka saari karaana waa ay ka hooseeyeen kuwa hadda iyo sida aan wax u eego. Dabcan, aqoontii aan berigaas lahaana waan kordhiyey oo iskaabay. Maxaa dhacay ka dib haddaba?

 

Dadkeenu waa dad mucjiso ah, sidaan kor ku xusay. Arrimaha bulshada ee dadyawga adduunku qiimeeyaanna iyagu ma tixgeliyaan. Waa ummad dhan oo bogcad siyaasadeed ku nool, qof walbana jecelyahay inuu siyaasadda ugu tabaruco aqoontiisa, fikirkiisa iyo kartidiisa. Cajiibka taa ka darani waa inaan siyaasaddaasi waxba ka beddelin, wax waa ay ka beddeshaaye, aan idhaahdo waxba ku kordhin noloshooda. Waa siyaasad ka arradan idil wixii siyaasaddu u adeegi lahayd ee dan bulsho ah. Waayo? Waa siyaasadda keliya ee aan baahiyaga bulshada waxba ka qaban, wadciga bulshada waxba ku kordhin, dhaqaalaha dalka aan dhisin, wada noolaanshaha iyo dhaqanka bulshada saamayn, aqoonta dadka dhisin, mabda’ guud oo laga leeyahay aan lahayn. Waa siyaasadda soo saarta dadka ugu fikirka, aqoonta iyo akhlaaqda liita dadka. Taas baa ay haddana ku danseegeen, oo idilkood ku wada faruur-xidhan yihiin. Miyaanay dad cajiiba ahayn?

 

Hadal waxba idinku daalin maayee, wax qor baan is idhaa, bulshada wax ka qor oo baahiyaha jira sidii ay ahayd wax uga qor baan is idhaa. Hadba, dhan baan eegaa, hadba dhinac baan dayaa, hadba baal baan rogaa.. waa “Daad wararac” waa halkii islaantiiye.

 

Ururradii arrimaha bulshadu ku daaye. Xafiisyadii dawladda ee qaranka u adeegayey waa qalfoof madhan oo hoggaan madhani dhex fadhiyo. Dawladihii hoose waa eber. Aqoontii iyo akaademiyadihii tacliintu midh saamayn iyo cod ah ma leh. Culimo ma jirto. Ganacsaduhu waa gafane arxanlaawe ah. Dhakhaatiir iyaga haba sheegin. Oday-dhaqameed halkaas iska dhig. Abwaan iyo suugaanyahan casrigan ma adeego ayaa lagaa yidhi. Qaybihii bulshada oo dhan ammaan iyo abaal toona meel aynu ugu haynaa ma jirto. Waa ummad qaawan oo haddana faraxsan. Waa ummad gudhay oo haddana soo indha yuuyuuban. Sida ay u dactirantay haddana uma dareen togna. Sida ay isu haysato iyo sida ay tahay waa kaaf iyo kala dheeri. Haddana anigaa la i odhanayaa been baad sheegaysaa. Waa ummad sirxan.

 

Haddaba, ummad jihawareersan sidee wax loogu sheegi karayaa? Ummad meel walba qaawan tahay, sidee maro loo saari karayaa? Qormo iska daaye, sidee loo dooran karayaa inaad wax barto, si ay waayahooda u akhristaan?

Qalinka oo dihin, ummadiisuna foorarto, hadduu gaagaxo sidee loo godlaa?

W.Q. Cabdicasiis-Daacad Ibraahin

Qalin – Dhuux